Waxaan ka soo baxay magaalada Dhagaxbuur 14/11/1995/ saacadda markay ahayd todoba iyo badh kii fiidnimo anigoo aad u baqanaaya maxaa yeelay waxaan horjooge u ahaa unugtii magaalada ka hawl galaysay oo markaa waanu fashilanay oo aniga iyo gabadh ayaa lana sheegay. Makaan sadex habeen magaada ku dhex gabanayay ayaan go’aan gaadhay ah inaan baxo oon qoriga qaato. Sidaan kuu sheegay waxaan magaaladii ka baxay 7.30 fiidnimo waana guurogalay. Waxaan u hooyday meel tuulo ah. Markaan salaadii subax tukaday ayaan sii watay socodkaaygii oo waxaan ku hagaagay meeshii aan kaga warhayay jabhadii oo ah qaybta Jarareed. Waxaan tegay meel mukhaayd ah 12kii duhurnimo. Markaan fadhiistay ee la yidhi war Eebe ma kaa soo nabadgaliyay cadowgii oo aad loogu farxay ayaa waxaa soo muuqday ciidan. Markaasey dadkii waxaay yidhahaadeen waatan jabhadii. Waxaa markaa gudoomiye ka ahaa mudane Sulub Cabdi. Waxaa meeshii iigu yimid rag ay ku jiraan mudane Sulub iyo Xaliye. Meeshiibaan isku waraysanay oo waxaan u sheegay inaan go’aansaday inaan qoriga qaato. War bixintii ka dib ayaan waxaan ka caroownay galabnimadii oo waxaan tagnay xeradii oo ciidan aad u yari joogo. Waxaan ku idhi imisaa tihiin? Waxaay yidhahaadeen waxaanu nahay 26 nin. Waxaan weydiiyay; imisaa maqan? Waxaay yidhahaadeen 11 nin oo dhaqaale noo soo guraysa. Isu-geyn waxay noqdeen 37 nin oon ku noqoday 38. Waxyaroo fasax ku maqnaa way jireen. Qoyaha la haaysto markaa waxaa badankood lahaa shacabka. Xabaduhu aad bay u yaraayeen.
Markaan sadex habeen lajoogay ciidankii ayaa waxaan israacnay laba nin oo waxaan tegnay reer kayagii baadiyaha yaalay. Waxaan ka soo qaatay qori AK47 hakaasaan kaga bilaabay xabadii oo inkastoo ay taagdareyd jabhadu laakiin way barakada badneyd. Raga intaa le’gi waxaay aamin-sanaayeen inay gumaysiga kala diridonaan mardhow oo naftii-hure Xaliye oo markaa ahaa taliyaha qaybta wuxuu halhays u lahaa; Gumeysiga caleemaha doogaadeed isla dhaafimeeyno. Dadkeenu way yaabi jireen markay arkaan mooraalka jabhada iyo tabaryaridooda iyo xooga cadowga. Waxayaalihii aan anigi u soo taagnaa waxaa kamida;
“Maalin baanu u nimid nin meel degan anogoo ciidan badan ah. Markuu na arkay farahayagii buu aad u farxay oo wuxuu yidhi; Walaahi JWXO waxay wadaa waa xaq maxaa yeelay buu yidhi; waxaa guriga iigu yimid markii ugu horesay ee jabhadu soo baxday 24 nin oo watay 4 qori oon fiicnaany iyo 24 bacood oy gogladaan. Waxaan ka xishooday buu yidhi inaan ku idhahaado war waxba ma jihaahaadaysaane orda oo kala taga oo waxaan ka cabsaday Ilaahay oo waxaan xusuustay aayadii ahayd intee ka adkaatay iyagoo yar in-badan idamka Ilaahay. Wax kale oon idhahaado markaan garan waayay ayaa waxaan idhi Ilaahay bacaha qoryo ha idiin kaga dhigo. Marka waatan ducadii aan duceeyay buu yidhi. Wuxuu raaciyay; muddo yar ka dib ayaa waxaa soo raadiyay 24 kii nin ugu yaraan 600 oo Tigreey ah oo waxay ka soo dhaadhaceen gol walba. Sidaa umbay u daba socdeen oo Tigreegu waxay islahaayeen intay yaryihiin soo afjara. Hadaba maanta nin kii ka shakiya xaqnimada JWXO iimaan malaha ayuu yidhi maxaa yeelay nimankii Tigreeyga ahaa ee kibirsanaa kana hub badnaa way samreen, nimankii bacaha watayna way sii xoogaaystaan. Mark wax kale majiree waa in la taageero ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii.
Waxaa kale oon taagnaa; Waxaa shir lagu qatay magaalada Dhagaxbuur. Waxaa ka hadlay ninkii ciidanka haystay oo wuxuu ku yidhi dadkii shirka fadhiyay; idinku waxaad tihiin fadhaan fadh, oo fadhaan fadhka shaqana madaayo ceela kama biya gaadho oo saasaa tihiin. Dagaalna madeeysaan guula kama gaadhaan oo markaad labo sano xabad ridaan baad soo xeroon doontaan ee eega maad iska timaadaan.
Waxaa kaloon maqlay maalinbaa Dhagaxbuur shir lagu qabtay. Wuxuu ku yidhi Sargaalkii dadkii shirka ka soo qaybgalay; war soo qaqabta wiilashiina. Nin munaafaq ah ayaa yidhi; war kuwani way baaba’yaane hanagu dhibin anaga. Dowlada sharafta lehee Itoobiya waa ku ceeb inay 19 nin oo dhul jiif ah ka hadasho oy wax ka soo qaado. Sargaalkii ayaa ku yidhi ninkii; anaguba waxaanu ku biloonay halganka 7 wata hal qori iyo hal baastolad iyo baqal ay raranayeen. Arintii aan sidaa ku bilownay waxay keentay markaan samrinay Dargigii inaan qabsano Itoobiya. Wuxuu ku soo gunaanaday; Way badane soo qabta nimaka.
Waxaa kale oon anigu taagnaa maalin anagoo soo kalahnay ayaa waxaa naga hortimid islaan reer baadiya ah. Markay na aragtay ayay dhinac wadadii uga baydhay oo waxay tidhi; guuleeyta guuleeysta. Markaasay tidhi; waryaadaheen waxaan idin idhi waxaa ina dilay adkeeysi la’aane Ilaahay baan idinku dhaareyay e adkeeysta. Islaantaasi waxaay na tusaysay dhibaatooyinkii ka soo gaadhaayay shacabaka dagaaladii aan wax natiija ah keenin.
Hadaan ka hadlo horumrka aan gaadhnay, meeshii aan ugu tegay markaan soo baxay 1995/11/14 ee ciidanka jooga qaaybtoo idil ay ahayd 40ka nin oo watay qoryo shacabku leeyahay, ayaa lagu diyaariyay hawl-galkii Cobole. Markaay qaybtii isutimid oo layidhi ciidanka maanta waa inuu ku qadeeyaa hilib waxaa la soo gaday 90 neef oo adhiya. Waa laqalay waa la bisleeyay waxaay u heleen nin iyo waslad, waxaana la yaqaanaa halka neef ee adhiga ahi wuxuu deeqaa 20 nin. Taasi waxaay ku tusi horumarka la gaadhay ee dhan walaba ah. ciidankaa kuligood waxay wateen hub jabhadu leedahay oo rasaas ka buuxdo. Waa Ilaahaay mahadii.
Bal maanta intaa ha inoo joogto. Alahayoow Ogadeenya xoree. Aamiin.