Ethiopia oo ah wadamada dhaqalahoodu hooseeyo dhibaato hormar la’aani ka jirto, waxaa dhinaca maciishada haysata sicir-barar ku habsaday loo tirayo inuu ka dhashay maamul xumida ka jirta oo sababta masiibo aadaminimo.
Arintaas waxay ku keentay dowlada Ethiopia in dadkii faraheeda ka baxaan. Mar uu ka hadlay sarkaal ka tirsanaa Taliskii hore ee Dargue-ga, wuxuu yidhi; “waxaan aragnay dadkii Ethiopian-ka ahaa ee maryaha cad cad xidhan jiray oo shacbiya hoosta ka galaya “ shacbiya wuxuu waagaa ula jeeday jabhadii Eritrea ee EPLF, waxaana arintaa sababay ayuu yidhi ciidanka oo si xun ula dhaqmaya dadka shacabka ah.
Haddaan u soo noqono dulucda maqaalka oo ah maalgashiga Jig-Jiga mug intee la eg bay leedahay?
Bal horta aan magaalada Jig-Jiga qudheeda faalo kooban ka bixino.
Jig-Jiga waa magaalo facwayn waxaana lagu xasuusta soo galitaankii xabashida 1948kii waxaa ku shahiiday tiro dad ah oo diidanaa soo galitaanka gumaysiga xabshida, waxaana ka dhacay arintaa kacdoono kala duwan .
Jig-Jiga waa magaalo la qurxiyay marka loo eego gobolka intiisa kale oo baaba’ah. Inta la xusuusto waxyaabaha horumarka lagu tilmaami karo ee Itobiya ka hirgaliso wadanka Ogadenya waligeedba ma soo dhaafin Jig-Jiga, taasoo la odhan karo xadka Itobiya ay difaacdo wuxuu ku ekyahay un halkan.
Jig-Jiga waxaa loogu talo galay inay noqoto wax afka qalaad loo yaqaano “showpeace” ama meel tusaale loo soo qaato si indhaha caalamka iyo saxaafadda loo tuso horumar aan magaalada Jig-Jiga dhaafsanayn. Waxaa haddaba waayadan danbe soo batay hadal haynta Jig-Jiga iyo maal-gashigeeda, kuwaasoo laga maqlayo dadka u dhuunduleela Jig-Jiga ee rajada ka qaba in waxooga sandareero ah ka helaan.
Ethiopia waxaay ogaatay in dadweynihii reer Ogaadeenya gacmaheeda ka baxeen, waxay haddaba qaadatay qorshe ay rabto in ay karaamadeeda ku soo celiso dibna loogu eego qorshihii hore ee ku aadanaa shacabka ogaadeenya. Kadib kolkii ay shireen, kuwa Ethiopia u shaqeeya ee ku jira jeelka dusha banaan ee Jig-Jiga iyo saraakiisha ciqaabta, waxaay isla qateen in shacabka gudahana ciqaabta lagu hayo, midka dibadana loo gacan haadiyo. Sabatoo ah bay yidhaahdeen; kan gudaha jooga waa mid og yaqiinta wadanka taala, laakiin kan dibada jooga waa mid aan waxba la soconin, xoogaa lacag ahna haysta.
Waxaa haddba caalamka loo kala diray fariimo loo soo dhiibay waftiyo lagu soo fashilmay. waxaan haddaba tusaaale u soo qadanyna fariintii South Africa timid iyo sidii looga arkay.
Jaaliyadda South Africa ka jirta waa mid gudo balaadhan. Waxaa lagu qiyaasaa soomaalida joogta wadanka intooda badani inay ka soo jeedo Ogaadeenya. Waa dad dhamaantood ka yimid Ogaadeenya waayo dhawayd. Waxaana badhkood ka muuqda dhaawacyadii uu gumaysigu u geeystay jidhkooda. Qaar kalena waxaan xusuustooda ka madhan dhibkii uu gumaysigu qarabadooda gaadhsiiyay oo ay ka soo waaqsan la’a yihiin.
Haddaba waxaa yimid South Africa dhowr nin oo badankood aan dadka karaamo fiican ku dhexlahayn waxaanay sideen fariimo odhanaya waxaa wadnaa dhul loogu talo galay jaaliyadda South Africa. Waxayna carabka ku dhufteed in ay rabaa waxooga dad aan tiro badnayn in ay ka qaybqataan mashruucan.
Dhulka la bixinayo yaa iska leh?
Dhulkan waxaa iska leh dad masaakiin ah, markii horena ay beero u ahaayeen haddana badankood guryo ka dhistay. Waxaa kaloo la sheegay in meelaha badhkood ay iska leeyihiin dad u shaqeyn jiray dowlada Ethiopia markii danbena lagu xukumay xadhig dheer sida Ibrahin Xaad, Muusa Suudigii Dhagaxbuur. Marka aad meelahaas oo kale eegto waxaa kuu soo baxaya in uunan dhulkan ahayn wax si rasmi ah laguu siiyay, waayo haddii maanta midka ku siiyay uu katago jagada, way fududahay in aad si dhib yar u waydo hantidadii, sabatoo ah kuwa hadda dhulkooda la bixinayo shalay way kugu meeqaan dhaameen dhinac Ethiopia. Midda kale hadii lagu xidho oo dambiyada badanee dadka lagu eedeeyo, sida inaad waa la hadashay wiil nabadiid ah, waxa ugu horeeya waa in dhulkii lagu siiyay dib loo xaraasho.
Hadaan ku soo noqono, waxaa jaaliyadda SA laga rabaa in tiro dad ah oon gaadhayn labaatan qof oo ay Ethiopia gashaan ka dhigato. Kuwaas marka ma waxay daboolayaan baahida ay Ethiopia u qabto soo jiidashada jaaliyadda dibada joogta inay la shaqeeyaan dawladda, mise waxay buuxinayaan jaajuusnidii oo hadda laysku haysto?.
Haddii aan soo qaato shaqsiyaadka u ololaynaya ee moodaya in ay nacfi ka heli karaan waxaa ka mid ah afar nin oo intooda badani hadda ku maqan sidii ay dhulboobkaa qaybtooda uga soo qaadan lahayeen kadibna ay dadka dib uga sii gadi lahaayeen maadaamo ayna haysanin hanti ay ku dhistaan. Waxayna kala yihiin;
1- Inshaar Maxamed Doolal
2- Nuur Ahmed Hoodle
3- Yaasin Mahdi
4- C/raxmaan sheekh Maxamed Saahid.
Mashruucan siday ugu muuqatay jaaliyadda SA?
Dulucda mashruuca waxaa loogu talo galay oo dhab ah in Ethiopia karamadeed lagu soo celiyo. Sababtoo ah, dadku waxa ay diidan yihiin waa dulmiga iyo gumaysiga ay Ethiopia ku hayso shacabka ee ma’aha mashaariic la’aan iyo dhaqaale samaysad. Haddii dadka badhkii ay moodayaan in dhacaan ay laba qof ama kooxi heshay ay dabooli karto baahidaas waa mid aan suuragal ahayn kana fog xaqiiqada jirta. Ethiopia marabto in ay buuxiso doonitaanka shacabka. Haddaba arintu sow ma’aha maah maadi ahayd; Maan baray iyo maan Blaal.
Waatii kooxdii gaantal Lahayd; Doonisteena guud iyo dadweeynuhu siduu rabo jeero daawo loo helo Dogobyadda hulaaqiyo dirirtiyo colaadaha Afrikaan danaynin wixii doonayow gubo.
Waxaan qormada danbe aan ku soo bandhigi-doonaa kuwa lagu qanciyay in ay qayb ka noqdaan dhagrida dadka dulman oo badhkood war sugaya qaar mukhalisiin ah oo Jig-Jiga u kacay.