September 07 2010 16:21:10
Bogga Hore
Home
Gabayo
Heesaha Somalida
News in English
News in Arabic
Blogs and Bloggers
Articles| Maqaalo
Forum | Gole
Rayiga Dadka (talo bixin)
Web links
Nala soo Xiriir
Photo | Sawiro
Search | Raadi
Wararkii Hore
News Categories
Contact Us

Wararka Ogaadeniya
waraka Soomaliya

Xoriyo TV live
ogadennet TV
Al Jazeera English TV live

B B C - S O M A L I
BBC SOMALI 4:00
BBC SOMALI 11:00
BBC SOMALI 14:00
BBC SOMALI 18:00

Radio xoriyo
Radio Ogaal Live
Radio Ogaal
Westside 88.6 FM

VOA Som 6:30 AM
VOA Som 4:00 PM
VOA Som 7:00 PM
VOA Som 8:00 PM

Wareysi G/X2 Cadaani Hirmooge(Radio Ogaal
Wareysi Abdirahman Mahdi (BBC Somali)
Wareysi GX1 Mohamed Ismacil (Radio Ogaal)
Wareysi Gudomiyaha JWXO Adm. M. Omar

Maqal iyo Muuqal

waberi
dhalinta Ogaden
gabdhaha JWXO
hangyourchild
Ogaadeeniya Wayxoroobi (Saado Ali Warsame)
Filimkii oohinta qarsoon(Silent Cry) Copenhagen-Denmark
Filmkii Silent Cry oo lagu soo bandhigay Washington DC
TV Aljazeera English Waxa Kasocda Ogaadeenya Ma Daafurtii Labaad baa
Isaias Afwerki's advice
Mashruuca Dhanaan
Mashruuca Dhanaan qaybta P1 iyo P2
Askari Itoobiyan
>>Itobiyan soo baxsaday
Gabdhaha JWXO
Wareysi Abaanduulaha CJWXO Naftiihure Abdikarim

Kaftan Ma'aha kulankan waaberi


Random media
Latest Articles
Kaba tolaw ma halkaa...
Beenta hal lug ayay ...
Ma taqaanaa Gobolka ...
Warbixin ku saabsan ...
Maalgashiga Jigajiga...
>> Halkan ka daawo Universal TV
>> Halkan ka daawo Aljazeera TV oo live ah
Wareysi Melez Zenawi p2
G20 Summit Rally
Mudaaharad UK G20
Warbixin ku saabsan Shirkii aqoon-isweydarsigii IHAS





Hadaan idiinka siiyo warbixin kooban wuxuu u dhacay sidatan:

Shirku wuxuu u qabsoomay si fiican, waxaana loo maamuley si heer sare ah oo howl-wadeenadii shirka waxay muujiyeen karti badan iyo Xirfad howlqabadnimo. Aad iyo aad baana ugu farxay, qaab-socodka shirka iyo sida wax loogu tebinayay dadweynaha. Ilaahay Subxanuhu Watacaalaa, waxaan ka baryayaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro, dadkii waqtigooda geliyey.

Waan joogey waxaana fadhiyey Madasha shirku ka dhacayay labadii cishoba min bilow ilaa dhamaad, mana aan dareemin wax xiiso dhac ah ama ha’ahaato dadka hadleyay ama kuwa xidhiidhinayay waxay muujiyeen xariifnimo iyo xeel dheeri mowduucyada ay noo soo jeedinayeen.
Intaas dabadeed; waxaan u maleyni inaad isweydiineyso maxaa looga hadley Shirkan?

Waxaa furey shirkan Mayor RT Ryback oo ah Duqa Magaalada Minneapolis oo aad ula yaabey dadka meesha yimid tiro badnidiisa, wuxuuna yidhi waxay isoo xusuusisey Maanta habeenkii la diley Sadexda wiil ee lagu diley dukaankii Seward oo dadkoo idil aan loo kala hadhin baroordiiqaas.
Hadaan usoo noqdo Muuqaalkii Madasha Shirka; Qodobada aan xusuusto ee laga hadlay waa sidatan soo socota;

1. Horumar la’aanta Nolosha dadka gobolkaas
2. Dimoqraadiyada Xaquuqul insaanka iyo
3. Nabad-gelyada.


1. Horumarka: mid kamid ah Khabiirada shirka ka Hadley wuxuu ku sheegay inuu yahay Gobolka Soomaalida dhul barwaaqo ah dadkuna gaajeysanyahay, asagoo shax ku muujiyay dhul-beereedka ilaahay nagu maneystay iyo welibain gobolkaas maro Afar webi, islamarahaantaasina boqolkiiba 90 dhul-dihin yahay oo caradiisu hodan tahay wax-beerista(Rich soil).
Dhul daaqsinku aad u baddan yahay oo xooluhu helayaan doog ku filan sanadkii. Waxaa intaas sii dheer sida uu sheegay khabiirkan inuu leeyahay Gaas dabiici ah, asagoo mid mid usoo qaatay Macdanta laga helay Goob kasta iyo inta ceelee ku taala. Tusaale ahaan Hilaale waxaa ku taal 20 Ceel-shidaal.

Wuxuu sheegay 1963 ilaa 2008 in lawaday sahminta Gaaskaas, in RW Meles uuna ka faa iideysan Karin lana soo bixi Karin iyadoon laga qeyb-gelin dadka u dhashay deegaanka ay macdantu dhex ceegaagto.

2. Siyaasada: Waxaa laga sheekeeyay iyadoo wadata Daliil cad Taxanihii siyaasadeed laga soo bilaabo Menelik oo ah ninka bixiyey magacan Itoobiya ee awal la’ odhan jirey Abisiinia inuu ingiriisku uu Saami u siiyey Gobolkan Ogaden Menelik, sababtuna aheyd dagaal kaga socdey xagga Suudaanta iyo kii daraawishta, heshiis bay wada galeen oo lagu sugayay soohdimaha, waxaana loo qoondeeyay ogadenia inay ahaato qeyb kamid ah Ethiopia.
Waxaa uu soo bandhigay profesoorkii ka hadlayay ineysan isbedelin siyaasadii lagu dhaqayay Gobolkan ilaa xiligaas oo hada laga joogo Hal Qarni iyo badh, marka dib loo eego taariikhdii hore iyo tan Maanta. Xiliyadii Menelik, Raasmokeni, Mengistu iyo Meles zenawi, Horumar ma jirin dadkana sidan uun baa loo cadibayay.

Xukuumadanse waxay sii dheertahay iyadoo kala wiiqdey midnimadii dhaqan iyo bulshadeed oo kale daadisey Qaab-dhismeedkii bulshada dadkii waxgaradka ahaana daaqada ka saarey, waxay dishey, iyo kuwa ay xabsiday ayagoo adeegsanaya Xeelada Qeybi oo Xukun, wax ma kastana Maamulkii gacanta u gelisay.

Siyaasada ay u dejisay markii Axdigii la sixiixayay iyo wixii lagu heshiiyey ay dhinac martey, kadibna dagaal ka bilaabmey halkaas lagu doonayo aayo- katashi ah iyo Xaq raadis.
TPLF waxay sameysay Xisbi SPDP oo la mataano ah EPRDF, kaasoo ay si toos ah umaamulaan lataliyeyaasha Meles Zenawi oo fuliya siyaasada Jirrabka dadka iyo dilk, Ayadoo ,Marjinta Dumarka tusaale usoo qaatay Ridwan Hassan Zahid oo lagu marjiyey Deegaanka Doolo.

Waxaa la bayaaniyey siyaasada Gobolka Somalida lagu dhaqo ay tahay Qeybi oo xukun iyo Dimoqraadiyad been iyo Qabiil ku dhisan.

Dr Ali Khalif baa asna ku xusey Khudbadiisa in 4.5 uu Soomaalidii Jamhuuriyada uga yimid xagga itoobiya si ba’ana u dhexgashay Soomaalida amaba la odhan karo inayba dheceynin dowlad aysan soo dhisin, keliya waxaa kamadaxbanaan Al-dhalinyaro, inkastoo uusan ku qanacsaneyn Xag-jirnimadooda.

Xuquuqul insaanka iyo Dimoqraadiyada

Dr. Vestel markuu ka hadlayay xuquuqul insaanka iyo Dimoqraadiyada Itoobiya waxuu sheegay inay labaduba aysan jirin, wuxuuna ku nuux nuuxsadey inay TPLF cabudhiyeen dhammaan shucuubta Itoobiya, haba ugu daraadaane Qowmiyada Soomaalida iyadoo u bahdishay Hab-bulsheed iyo hab dhaqan-dhaqaale.
Wuxuu sheegay in aan dadkaas loo sameynin hadday noqoto xagga Nolosha, Horumarka iyo Siyaasadaba. Wuxuu kaloo xusay in TPLF ay ka xun yihiin Dergigii muddo ka baddana xukunka hayaan, ayna rabinna Dimoqraadiyad oy doorbidayaan habkan gurucan inay ku sii xukumaan waddanka.

Mar uu ka hadlayay Samafalka wuxuu sheegay “ in adduun gaaraya soddon milyan gergaar ah aan faraha lagu heynin, oo loogu talagalay dadka baahan. Waxaana mudda ka dib la ogaadey in loo weeciyay Milteriga Itoobiya.
Itoobiya Hayadihii Samafalka wey ka eriday waddankeeda, raashinkii iibka ahaana way ka xanibtay Gobolada Soomaalida.

Itoobiya Doorashadii hore ee 1993 marka la eego ayay uga dhoweyd doorasho ahaan, tan hadana waxay sheegeen in EPRDF ku guuleysatey 99%.

1993 ONLF waxay heshay 86 boqolkiiba kuraasta Golaha shacbiga, ayadoo la tartamayeen Axzaab faro baddan. Halka maanta uu jiro Xisbi layidhaahdo SPDP oo aad u jirabey dadka soomaaliyeed. Xisbi kalena ma jiro oo lama ogola ayuu yidhi khabiirkan.

Gunaanad

Shirkan waxaa ka soo baxay in cadaadiska saaraa 150 sanno ka hor iyo Kan maanta inuu isku mid yahay. Waxaa lagu soo bandhigay si cilmiyeysan, waxaa ka hadlay Khabiirad kasoo shaqeysay Gobolkaas oo aad u ogsoon dhibaatada baaxada weyn ee lagu hayo dadka soomaalida ee Rayidka ah. Waxaa la muujiyey ineysan dadkan heysan Horumar, xuquuq, tacadiyo baddanna loo geysto, dhibka loo geystona inta aan la’ogeyn ka baddan tahay. Sababtoo ah Dowlada Itoobiya oon u ogoleyn in saxaafadu tagto Gobolka Soomaalida. Waxay tusaale u soo qaateen isku deygii saxaafada xorta ah in qudhigooda la kulmeen Jidh-dil Qalabkii ay ku shaqeynayeen Suxuufiyiinta laga qaatey kuwaas oo ka socday Wargeyska New-York times.

Waxaa meeshaas la soo bandhigey in si aad ah loo gumaadey Qabiilka ogaadeenka laguna magacaabey Xabsi ku yaala Jig-Jiga oo layidhaahdo Xabsi Ogaden, oo la isaga xareeyey dadkaas iyagoon wax dembi ah geysan, sababtoo ah Qabiilka ay yihiin.

Xalka gobolkan waxaa la isla gartay inuu yahay in Nabad lagu soo dabaalo gobolkan oo Dowlada Itoobiya ay la hadasho ONLF-ta macnaha leh ee qoriga wadata iyadoo la marayo dariiqa saxda ah ee wada hadalada oo caalami ah iyo in xalka lagala hadlo dadka sameysmay ee aan la la hadal dad la soo sameeyay, in dhibka laga qaado dadka horumarkana toos gacanta loogu geliyo dadweynaha Gobolka.

ONA/ Minneapolis.

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Xulashada Heesaha Fanaaniinta Soomaalida ( Dooro Fanaanka aad Rabto kadibna iskii ayuu isubadali)
Mp3 Player

>> SABTI
>> AXAD
>> ISNIIN
>> ARBACO
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Gesigeygaa la dhiibayaa
Gabay ku socda Farrole one Star!
>>XORIYO TV live
http://www.silentcry.co.uk
Barnamikii Aragtida Halgamaaga
>>Halkan Ka dhageyso (waa barnamij xiiso leh
Cajalad cusub ee Kooxda gantaal
>>Halkan kadaawo horudhaca riwaayada
Random Photo
Random media
Forum Threads
Newest Threads
ACWW
ACWW
safaarada itoobiya i...
Hadda Howl dhamaatay
baahi loo qabo saxaa...
Hottest Threads
ACWW [2]
Kooxda SomaaliGal... [2]
waad kumahadsan t... [2]
Hadda Howl dhamaatay [1]
Maamulkii Dawladd... [1]
RSS Feeds at the site
RSS - Pictures
RSS - Forum
RSS - News