Waxaa beryahan arrimaha Ogadenya gumeysigu ku soo kordhiyey been abuur uu ku tilmaamay ururo gobonimadoon uu la heshiiyey isaga oo ula jeeda koox sheegan jirtay UMS Galbeed oo isu dhiibay markii ay ujeedooyinkii ay lahaayeen, oo ka fog danaha shacabka Somalida Ogadenya ku fashileen.
Waxaa sugan inay horey xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen gumeystaha sida wareysigii ay kooxdan is-dhiibtay sheegeen inay 6 jeer oo hore kulamo kan oo kale ah yeesheen. Waxaa fikirkaas dambe ee ah inay cadowga gacan saar la lahaayeen sii xoojinaya qalalaasada iyo kala qaybinta ay kula dhex jireen halganka iyo shacabka intayna isdhiibin ka hor. Waxaa kale oo gumeysigu naf ka deyey canaasir horey ugu shaqayn jiray oo uu ku tilmaamay garab JWXO ah. Runtii ma istaahilaan inaan kuwan dambe ka faaloodo intaas ka badan. Laakiin, waxaa mudan inaan xuso, Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) ma ah mid ay Itoobiya sameysay oo ay cidday iyadu rabto ku magacaabayso inay ka mid yihiin. Ma ahayn markii ugu horeysay oy soo ururiyaan jawaausiista iyada u shaqeeya oy ku magacowdu JWXO. Waxaan ku tilmaami karaa arrintaas, qof biyo qaadeen xumbo cuskay.
Waxaana beentaa aan geed loogu soo gabanin si aan caadi ahayn uga qayb qaatay buun-buuninteeda laanta af Somaliga ee BBCda oo weligeedba caan ku ahayd ka soo horjeedka halganka xaqa ah ee shacabka Somalida Ogadenya. Dacayadaa riqiiska ah ee beenta ah iska dhaafe Taliska Woyaanuhu si uu halganka gobonimadoon ee shacabka S.Ogadenya u fashiliyo wuxuu geliyey 90% dhaqaalihiisa iyo cududiisa isaga oo dadkiisu gaajo, cudur iyo jahli u dhamaanayaan.
Halganka shacabka Somalida Ogadenya ma aha mid dacaayado raqiis ah oon waxba ka jirin lagu hakin karo. Haddii ay sidaa ahaan lahayd ma soo gaadheen maanta. Halkaas waxaa laga garan karaa waayo arag halgameed iyo adkaysiga badan ee laga dhaxlay duruufaha adag ee gumeysigu keenay iyo inayna ashqaas aan taageero ka haysan shacabka ka leexin karin ujeedadii ay naf iyo maal aan qiyaas lahayn u hureen oo ah Xorriyad. Sida la wada ogsoon yahay dalku wuxuu soo maray gumeystayaal iyo marxalado kala geddisan. Mudadaas shacabku dagaal gobonimadoon ayay d'aba d'a ka dhaxlaysay.
Gobonimadoonka dhabta ah isma dhiibo ee wuu halgamaa ilaa uu guusha kama dambaysta ah gaadho ama uu ku shahiido isagoo umadiisa aan khiyaamin. Haddii ay kooxda isku sheegtay Somali Galbeed gobonimadoon ahaayeen sida dulinimada ah isumayna dhiibeen iyaga oo weliba loo adeegsanayo gumaadka shacabka aan waxba galabsanin iyo shirqoolka halganka. Waa shay caado u ah taliska gumeysigu marka uu sii burburayo inuu haraatidiisa badiyo oo uu sameeyo wax kasta uu ku cimri dheeraysan karo. Khalkhalka noocaas ahna wuxuu ka leexiyaa gumaysiga garashada iyo qiimaynta duruufaha jira; waana midda maanta haysata taliska macangaga ah ee Woyaanaha.
Dawladda Itoobiya waxaa lagu sameeyey dhul balaadhsi iyo cadaadinta shucuubta ay gumeysato ee lagu qasbayo Itoobiyanimada. Arintaa waxay ku kaliftay in dhaqaalaha dalka loo jaheeyo ciidanka qalabka sida inuusan marna iska dhimin 200,000 si uu xoog isugu hayo dadyowga la gumeysto ee xorriyad doonka ah. Waxay xaqiiqadaasi ina tusaysaa inuu jiritaanka gumeysiga Itoobiya ku dhisan yahay laba shay: Ciidan dadka cabudhiya oo u cimri dheereeya taliska Addis Ababa iyo dadweyne bahdilan oo mooryaan ah oon iska caabin karin dulmiga. Sidaas darteed ayey Itoobiyada sheeganaysa d'ada weyni (2000 sano) uga midka tahay dalalka ugu dib dhacsan caalamka oo shacabkeeduna ugu nool yahay nolosha ugu xun dunida. Tobankii sanoba marba boqolaal kun gaajo u dhamaadaan oo caalamka looga gurmadaa.
Walaahowga taliska gumeysiga iyo duruufaha qalafsan ee siyaasad, dhaqaale iyo ciidan iyo guulaha halganka shacabka Ogadenya gaadhay awgeed waxay ku qasabtay inay naf iyo taageero ka dayaan koox wadaadnima sheeganaya oo markay ku fashileen inay door ka ciyaaraan xoreynta shacabka dulman is dhiibay iyo canaasir aan bulshada Ogadenya sumcad ku lahayn oo dambiile yaal ah si xishood darra ahna isugu magacaabay inay JWXO yihiin. Waxay kooxahaas riwaayadda khiyaalka isla jilayaan taliska Woyaanaha oo riyada beenta ah isku calool adkaysiinaya.
Dacaayadda beenta ah iyo sumcad dilidda halganka waa mid lagu yaqaano gumeysta kasta si uu xukunkiisa qalaad u sii wato. Taliska Woyaanaha ee Itoobiya ku amar taagleeya wuu ka sii xag jiraa, oo been badni darteed aan tixgelinin xeerarkii uu qortay ee ahayd inuu ku dheqmo. Waana midda sababtay halganka hubaysan ee ka socda Ogadenya markii uu ku dhaqmi waayey Xeerkiisii uu ku qoray aayo ka talinta shacuubta la gumaysto.
Waa wax laga xishoodo beenta dhabarku muuqdo ee Kooxdii isu dhiibtay cadowga ay ciwaanka uga dhegeen "nabad baan wadnaa". Waxayna ku sifoobeen xadiithkii Rasuulka CS uu yidhi “Hadaadan Xishoonayn Waxaad Rabto Samnee.” Waxay ugu magac dareen "nabad" ololaha ay shacabka ku boorinayaan inay gumeysiga ogolaadaan. Heshiis nabadeed oy la galaan gumaysiga xorbay u yihiin laakiin waxaa ka horeysa inay marka hore dagaal kula jireen cadowga Itoobiya. Nabadda ay ku baaqeen waxaa ka horeysa inay jiraan dad taageersan oo baaqooda dhegaysan. Nabadda ha ku baaqeen ee waxaa ka horeysa inay garanayaan waxa markii hore dhaliyey nabad darrad iyo cidda dhibka wadda.
Dhabta aan la badhxin waa kuwii ku guul daraystey inay shacabka u horseedaan guul iyo gobonimo, ee ku guul daraystey fahamka waajibaadka qofka islaamka ah iyo xidhiidhka uu la yeelan karo gumeysi daalim ah ma ku guulaysanayaan inay dadka ogolaysiiyaan gumeysiga macangaga ah een wax kale aqoonin qoriga caaradiisa mooyaane. Ibraahim dheeraha leh hadda heshiis nabadeed ayaan la galnay Itobiya isaga umbuu ahaa qofkii wargayska Qawim ku yidhi maalmo ka hor inta aan la sheegin heshiiska “Itobiya wax aan ahayn xabad oy fahmayso ma jiro.”
Beentu hal lug ayey leedahay, markii la qabto ayey kuftaa mana sii socoto. Beenta muddada loo dheereeyey ee lala aaday Addis Ababa, maxaa Shrikaas ka dambayn doona? Baroor diiqda beenta lagu qarinayo ma sii socon doontaa?
Waxaan leenahay, taliska Woyaanaha, ama jeclaw ama ha jeclaanin waxaa xaqiiqa ah halganka shacabka Ogadenya iyo halgaadda halyeyga Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya waa: falaadhi gelgelasho kaagama go’do.