Dagaaladii cadawga lagu naafeynayay oo sii karaar qaatay
Dagaaladii ay CWXO kula jireen ciidamada cadowga oo sii karaar qaatay ayaa hadda maraya in meela badanoo ay fadhiyeen lagala wareegay cadawga. gumaysiga Itobiya ayaa dagaalada socda darteed waxay hakiyeen isgaarsiintii dalka iyagoo gaadiidkii dalka soo galayay ama ka baxayay xayiray si aan dagaalada socda iyo khasaaraha soo gaaraya ciidamada gumaysiga looga dareemin magaalooyinka waaweynee ay ku maaweeliso dadweynaha ugu xareysan.
Warbixinadii ugu dambeeyay ee naga soo gaarey xarunta dhexee ciidamada waxay sheegeen in dagaaladii dhacay saddexdii todobaad ee u dambeeyey lagaga dilay cadowga 119 askri oy ku jiraan saraakiil iyo saraakiil xigeeno, waxaana laga dhaawacay 108 inta la hubo.
Goobaha iyo waqtiyada ay dagaaladaasi dheceen ayaa kala ahaa;
1- 2/6/10 Duud Gebiga Faareysa oo G/Shabeele ah waxaa cadawga khasaare weyn lagu gaadhsiiyey dagaal mir ah.
2- 4/6/10 Danood oo G/Doollo ah, waxaa laga dilay cadowga 2 askari, 4 waa laga dhaawacay.
Shabakadda QOL ayaa war dagdag ah oo soo gaadhay jiida ku sheegtay in ay CWXO dagaal kulul ku qaadeen goobta loo yaqaano Bali-Qabriyaale oo u dhaxaya Sagag & Garbo. Wararka hor dhac ah oy shbakadda heshay ayaa loogu sheegay in ay CWXO gabi ahaanba goobtii la wareegen iyo in ay ciidanka gumaysiga soo gaadheen khasaare culus oo dhimasho & dhaawac isugu jira.
Faafaahinta dagaalkan iyo wixii kaloo so kordhaba waxaan kala socon doonaa warbixinada xarunta dhexee CWXO.