Ogaden News Agency. New articles
Beenta hal lug ayay leedahay
Waxaa beryahan arrimaha Ogadenya gumeysigu ku soo kordhiyey been abuur uu ku tilmaamay ururo gobonimadoon uu la heshiiyey isaga oo ula jeeda koox sheegan jirtay UMS Galbeed oo isu dhiibay markii ay ujeedooyinkii ay lahaayeen, oo ka fog danaha shacabka Somalida Ogadenya ku fashileen.
Waxaa sugan inay horey xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen gumeystaha sida wareysigii ay kooxdan is-dhiibtay sheegeen inay 6 jeer oo hore kulamo kan oo kale ah yeesheen. Waxaa fikirkaas dambe ee ah inay cadowga gacan saar la lahaayeen sii xoojinaya qalalaasada iyo kala qaybinta ay kula dhex jireen halganka iyo shacabka  intayna isdhiibin ka hor. Waxaa kale oo gumeysigu naf ka deyey canaasir horey ugu shaqayn jiray oo uu ku tilmaamay garab JWXO ah. Runtii ma istaahilaan inaan kuwan dambe ka faaloodo intaas ka badan. Laakiin, waxaa mudan inaan xuso, Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) ma ah mid ay Itoobiya sameysay oo ay cidday iyadu rabto ku magacaabayso inay ka mid yihiin. Ma ahayn markii ugu horeysay oy soo ururiyaan jawaausiista iyada u shaqeeya oy ku magacowdu JWXO. Waxaan ku tilmaami karaa arrintaas, qof biyo qaadeen xumbo cuskay.
Waxaana beentaa aan geed loogu soo gabanin si aan caadi ahayn uga qayb qaatay buun-buuninteeda laanta af Somaliga ee BBCda oo weligeedba caan ku ahayd ka soo horjeedka halganka xaqa ah ee shacabka Somalida Ogadenya. Dacayadaa riqiiska ah ee beenta ah iska dhaafe Taliska Woyaanuhu si uu halganka gobonimadoon ee shacabka S.Ogadenya u fashiliyo wuxuu geliyey 90% dhaqaalihiisa iyo cududiisa isaga oo dadkiisu gaajo, cudur iyo jahli u dhamaanayaan.
Halganka  shacabka Somalida Ogadenya ma aha mid dacaayado raqiis ah oon waxba ka jirin lagu hakin karo. Haddii ay sidaa ahaan lahayd ma soo gaadheen maanta. Halkaas waxaa laga garan karaa waayo arag halgameed iyo adkaysiga badan ee laga dhaxlay duruufaha adag ee gumeysigu keenay iyo inayna ashqaas aan taageero ka haysan shacabka ka leexin karin ujeedadii ay naf iyo maal aan qiyaas lahayn u hureen oo ah Xorriyad. Sida la wada ogsoon yahay dalku wuxuu soo maray gumeystayaal iyo marxalado kala geddisan. Mudadaas shacabku dagaal gobonimadoon ayay d'aba d'a ka dhaxlaysay.
Gobonimadoonka dhabta ah isma dhiibo ee wuu halgamaa ilaa uu guusha kama dambaysta ah gaadho ama uu ku shahiido isagoo umadiisa aan khiyaamin. Haddii ay kooxda isku sheegtay Somali Galbeed gobonimadoon ahaayeen sida dulinimada ah isumayna dhiibeen iyaga oo weliba loo adeegsanayo gumaadka shacabka aan waxba galabsanin iyo shirqoolka halganka. Waa shay caado u ah taliska gumeysigu marka uu sii burburayo inuu haraatidiisa badiyo oo uu sameeyo wax kasta uu ku cimri dheeraysan karo. Khalkhalka noocaas ahna wuxuu ka leexiyaa gumaysiga garashada iyo qiimaynta duruufaha jira; waana midda maanta haysata taliska macangaga ah ee Woyaanaha.
Dawladda Itoobiya waxaa lagu sameeyey dhul balaadhsi iyo cadaadinta shucuubta ay gumeysato ee lagu qasbayo Itoobiyanimada. Arintaa waxay ku kaliftay in dhaqaalaha dalka loo jaheeyo ciidanka qalabka sida inuusan marna iska dhimin 200,000 si uu xoog isugu hayo dadyowga la gumeysto ee xorriyad doonka ah. Waxay xaqiiqadaasi ina tusaysaa inuu jiritaanka gumeysiga Itoobiya ku dhisan yahay laba shay: Ciidan dadka cabudhiya oo u cimri dheereeya taliska Addis Ababa iyo dadweyne bahdilan oo mooryaan ah oon iska caabin karin dulmiga. Sidaas darteed ayey Itoobiyada sheeganaysa d'ada weyni (2000 sano) uga midka tahay dalalka ugu dib dhacsan caalamka oo shacabkeeduna ugu nool yahay nolosha ugu xun dunida. Tobankii sanoba marba boqolaal kun gaajo u dhamaadaan oo caalamka looga gurmadaa.
Walaahowga taliska gumeysiga iyo duruufaha qalafsan ee siyaasad, dhaqaale iyo ciidan iyo guulaha halganka shacabka Ogadenya gaadhay awgeed waxay ku qasabtay inay naf iyo taageero ka dayaan koox wadaadnima sheeganaya oo markay ku fashileen inay door ka ciyaaraan xoreynta shacabka dulman is dhiibay iyo canaasir aan bulshada Ogadenya sumcad ku lahayn oo dambiile yaal ah si xishood darra ahna isugu magacaabay inay JWXO yihiin. Waxay kooxahaas riwaayadda khiyaalka isla jilayaan taliska Woyaanaha oo riyada beenta ah isku calool adkaysiinaya.
Dacaayadda beenta ah iyo sumcad dilidda halganka waa mid lagu yaqaano gumeysta kasta si uu xukunkiisa qalaad u sii wato. Taliska Woyaanaha ee Itoobiya ku amar taagleeya wuu ka sii xag jiraa, oo been badni darteed aan tixgelinin xeerarkii uu qortay ee ahayd inuu ku dheqmo. Waana midda sababtay halganka hubaysan ee ka socda Ogadenya markii uu ku dhaqmi waayey Xeerkiisii uu ku qoray aayo ka talinta shacuubta la gumaysto.
Waa wax laga xishoodo beenta dhabarku muuqdo ee Kooxdii isu dhiibtay cadowga ay ciwaanka uga dhegeen "nabad baan wadnaa". Waxayna ku sifoobeen xadiithkii Rasuulka CS uu yidhi “Hadaadan Xishoonayn Waxaad Rabto Samnee.” Waxay ugu magac dareen "nabad" ololaha ay shacabka ku boorinayaan inay gumeysiga ogolaadaan.  Heshiis nabadeed oy la galaan gumaysiga xorbay u yihiin laakiin waxaa ka horeysa inay marka hore dagaal kula jireen cadowga Itoobiya. Nabadda ay ku baaqeen waxaa ka horeysa inay jiraan dad taageersan oo baaqooda dhegaysan. Nabadda ha ku baaqeen ee waxaa ka horeysa inay garanayaan waxa markii hore dhaliyey nabad darrad iyo cidda dhibka wadda.
Dhabta aan la badhxin waa kuwii ku guul daraystey inay shacabka u horseedaan guul iyo gobonimo, ee ku guul daraystey fahamka waajibaadka qofka islaamka ah iyo xidhiidhka uu la yeelan karo gumeysi daalim ah ma ku guulaysanayaan inay dadka ogolaysiiyaan gumeysiga macangaga ah een wax kale aqoonin qoriga caaradiisa mooyaane. Ibraahim dheeraha leh hadda heshiis nabadeed ayaan la galnay Itobiya isaga umbuu ahaa qofkii wargayska Qawim ku yidhi maalmo ka hor inta aan la sheegin heshiiska “Itobiya wax aan ahayn xabad oy fahmayso ma jiro.”
Beentu hal lug ayey leedahay, markii la qabto ayey kuftaa mana sii socoto. Beenta muddada loo dheereeyey ee lala aaday Addis Ababa, maxaa Shrikaas ka dambayn doona? Baroor diiqda beenta lagu qarinayo ma sii socon doontaa?
Waxaan leenahay, taliska Woyaanaha, ama jeclaw ama ha jeclaanin waxaa xaqiiqa ah halganka shacabka Ogadenya iyo halgaadda halyeyga Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya waa: falaadhi gelgelasho kaagama go’do.
ONA.
Ma taqaanaa Gobolka Liibaan
Gobolkan wuxuu ka kooban yahay  4-degmo oo kala ah;
1-Degamad Fiiltu oo ah caasimada Gobalka
2-Degmada Mooyaale
3-Degmada Doolow-ado
4-Degmada Hudeed oo waa dambe la magacaabay.
Intaa waxaa u dheer magaalada Nageeyle oo si xeerka ka baxsan loogu  kacan geliyey maamulka Oromada sida dhul badan oo ka tirsanaa Ogadenya uu gumaysiga u raaciyay maamulka Oromada isagoo ujeeda ka leh arintaa. Hasa ahaatee miyiga iyo magaala Nagayle-ba  waxaa daga Soomaali oo marka aad ka soo baxdo Nageyle kuna socotid caasimadda Itobiya ee Adisabab waxaad sii mari tuulooyin laga maamulo degmada  Filtu.
Gobolka waxaa mara laba webi oo kala ah  Webi Juba iyo Webi Daawo. Deegaanku waxuu caan ku yahay macdanta dahabka siiba dhanka webi Daawo ee Nageyle iyo Mooyaale dhexdooda  mara, waxaana la odhan karaa waa sababta keentey in magaalada Nageyle loogu wareejiyo maamulka Oromada maadaamaa gobolka Adoole lagu wareejiyey shirkada ajanabi ah oo ka qoda dahabka in mudo ahna ka qodi jirtey aaga Nageylana uu yahay aag aad u dahab badan. Waxay Itobiya u aragtay in magaalada Nagayle iyo agagaarkeeda aysan gacanteeda ka bixin hadii ay Ogadenya ka xorowdo gumaysigeeda.
Mujtamaca  deegaanku waxaay u badan yihiin reer guuraa xoolaleey ah, oo weliba  geela  aad u dhaqda, hase ahaate waayadan danbe waxay dadku bilaabeen inay beerahana yara  abuurtaan, oy  magaalooyinka soo dageen. Dhanka reer miyiga, weligeed lama sheegin wax  ka socda caafimaadka xoolaha (veterinarian) mana jirto meel xoolaha lagu daaweeyo.
Siduu u  dhacey  maamulkii  Mingistu gobolka wax dagaal ah oo lagaga soo  horjeedo  dowlada dhexe  kama  dhicin oo waxaa  lagu  tilmaami karaa inay nabad  ka  jirtey in kasta oo dagaal joogta ah uu kaga yimaado dhanka deegaanada Oromada oo aad moodo inay  dowlada dhexe raali ka tahay. Waxaana arinta inay sidaa tahay ku tusaya iyadoo  inta  badan ay ka qeyb qaataan ciidamada  deegaanka Oromada dagaalada laguna sheego inay  yihiin  ciidan dhex-dhexaad ah kuwa  feederaalkana ay dusha ka daawadaan.  Ma dhicin marna inay ciidanka dawladda soo kala dhex galaan ilaa marka ay ka dareemaan in natiijadii ay ka doonayeen dagaalka ay ka gaareen oo ah in la sii durjiyo dadka Somaalida ah.
Hadaad  eegto dhanka beeraha waxaa la yaab leh in deegaanka baaxadaa leh aan  laga  aqoonin  wax  la  yidhaahdo  cagaf-cagaf beeraha lagu qoto oo beeralayda weli waxay isticmaalaan gacmaha.
Hadaan u soo noqono dhanka magaalooyinka iyo maamul ku sheega ka jira, hadafka ay ku shaqeeyaan waa isku dir oo xukun. Tusaale ahaan Liibaan Somaalida dagta oo aad u fara  badan wax  heshiis ah oo inta  badan  ka dhexeeya ma jiro oo waxaa lagu kala dhex abuurey colaad iyo kala shaki farabadan. Maalinba qabiil ayaa odayaashooda la  geeyaa  Jigjiga oo lagu yidhaahdaa idinka ayaan idinku ognahay gobolka oo wixii aan idin aheyn waa inaad ka saartaan shaqada dawladda, tujaarta iyo inta  ka dhaq-dhaqaaqdana aad xidhaan. Ciidankana idinka ayuu idinka amarka qaadan doonaa ee isla  shaqeeya. Arintaa waxay keentay inuusan gobolka waligiiba helin degenaansho.
Dhanka caafimaadkii hal isbitaal oo keliya ayaa ku yaala Filtu aan wax qalab ah oo yaala aanay jirin. Mar waliba waxaa dadweynaha loogu sheekeeyaa hay’ad ayaa gogli doonta ee iska suga, welina waa lagu sugayaa. Mooyaala-na ka sii daran, Doolow iyo  Hudeed-na waa lamid. Iskabadaa  tuulooyinka  warkooda waayo  xataa dugsiyo waxbarasho malaha tuulooyinka iskabadaa meelo dadka lagu daaweeyee. Waxa  keliya  ee  dowlada  dhexe ay sameeysey waa iyada oo tuulo waliba dul dejisey ciidan farabadan oo 24ka saacadood dulwareega oo tilaabadii aad qaadaba ku joojinaya. Su’aalaha lagu weydiina waa; xageed ka timid, xageed ku socotaa iyo maxaad ka doonaysaa. Sababta ay sidaa ugu adkeeyeen isu socodka dadweynaha iyo guud ahaan amniga gobolka waxay tahay xisbigan talada haya ee Wayaanaha oo macdanta iyo dahabka gobolka oon ogolayn in la ogaado ama cid aan iyaga ahayn ay ka faa’idaystaan.
Maamul xumidaa  qolo waliba  oo reer Liiban ah wey soo  tijaabisey  oo waxaad moodaa  hada  dadkii inay  iswada tuseen dhibaatada haysata oo ay hurdada ka soo  baraarugayaan. Hal  su’aal  ayeyna dadku inta badan isweeydiiyaan, maxaan ku haysanaa dawladdan gumaysiga ah oon ka ahayn; Gaajo, faqiirnimadii oo sii badatey anagoo haysana khayraadkan iyo rajo beenaadkii ku dhisnaa cadaalad iyo sinaan ee dowlada Itobiya ay naga balan qaadey oo noqday daruur jiilaal, waxayna ku maahmaahan; Dhedo  roob  noqon weydey. Ee Liibaan ma gacan haadis ayey  naga  sugeysaa tolow?
Qorey; Shabeel
Warbixin ku saabsan Shirkii aqoon-isweydarsigii IHAS
Hadaan idiinka siiyo warbixin kooban wuxuu u dhacay sidatan:
Shirku wuxuu u qabsoomay si fiican, waxaana loo maamuley si heer sare ah oo howl-wadeenadii shirka waxay muujiyeen karti badan iyo Xirfad howlqabadnimo. Aad iyo aad baana ugu farxay, qaab-socodka shirka iyo sida wax loogu tebinayay dadweynaha.  Ilaahay Subxanuhu Watacaalaa, waxaan ka baryayaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro, dadkii waqtigooda geliyey.
Waan joogey waxaana fadhiyey Madasha shirku ka dhacayay labadii cishoba min bilow ilaa dhamaad, mana aan dareemin wax xiiso dhac ah ama ha’ahaato dadka hadleyay ama kuwa xidhiidhinayay waxay muujiyeen xariifnimo iyo xeel dheeri mowduucyada ay noo soo jeedinayeen.
Intaas dabadeed; waxaan u maleyni inaad isweydiineyso maxaa looga hadley Shirkan?
Waxaa furey shirkan Mayor RT Ryback oo ah Duqa Magaalada Minneapolis oo aad ula yaabey dadka meesha yimid tiro badnidiisa, wuxuuna yidhi waxay isoo xusuusisey Maanta habeenkii la diley Sadexda wiil ee lagu diley dukaankii Seward oo dadkoo idil aan loo kala hadhin baroordiiqaas.
Hadaan usoo noqdo Muuqaalkii Madasha Shirka; Qodobada aan xusuusto ee laga hadlay waa sidatan soo socota;
2. Dimoqraadiyada Xaquuqul insaanka iyo
1. Horumarka:  mid kamid ah Khabiirada shirka ka Hadley wuxuu ku sheegay inuu yahay Gobolka Soomaalida dhul barwaaqo ah dadkuna gaajeysanyahay, asagoo shax ku muujiyay dhul-beereedka ilaahay nagu maneystay  iyo welibain gobolkaas maro Afar webi, islamarahaantaasina boqolkiiba 90 dhul-dihin yahay oo caradiisu hodan tahay wax-beerista(Rich soil).
Dhul daaqsinku aad u baddan yahay oo xooluhu helayaan doog ku filan sanadkii. Waxaa intaas sii dheer sida uu sheegay khabiirkan inuu leeyahay Gaas dabiici ah, asagoo mid mid usoo qaatay Macdanta laga helay Goob kasta iyo inta ceelee ku taala. Tusaale ahaan Hilaale waxaa ku taal 20 Ceel-shidaal.
Wuxuu sheegay 1963 ilaa 2008 in lawaday sahminta Gaaskaas, in RW Meles uuna ka faa iideysan Karin lana soo bixi Karin iyadoon laga qeyb-gelin dadka u dhashay deegaanka ay macdantu dhex ceegaagto.
2. Siyaasada: Waxaa laga sheekeeyay iyadoo wadata Daliil cad Taxanihii siyaasadeed laga soo bilaabo Menelik oo ah ninka bixiyey magacan Itoobiya ee awal la’ odhan jirey Abisiinia inuu ingiriisku uu Saami u siiyey Gobolkan Ogaden Menelik, sababtuna aheyd dagaal kaga socdey xagga Suudaanta iyo kii daraawishta, heshiis bay wada galeen oo lagu sugayay soohdimaha, waxaana loo qoondeeyay ogadenia inay ahaato qeyb kamid ah Ethiopia.
Waxaa uu soo bandhigay profesoorkii ka hadlayay ineysan isbedelin siyaasadii lagu dhaqayay Gobolkan ilaa xiligaas oo hada laga joogo Hal Qarni iyo badh, marka dib loo eego taariikhdii hore iyo tan Maanta. Xiliyadii Menelik, Raasmokeni, Mengistu iyo Meles zenawi, Horumar ma jirin dadkana sidan uun baa loo cadibayay.
Xukuumadanse waxay sii dheertahay iyadoo kala wiiqdey midnimadii dhaqan iyo bulshadeed oo kale daadisey Qaab-dhismeedkii bulshada dadkii waxgaradka ahaana daaqada ka saarey, waxay dishey, iyo kuwa ay xabsiday ayagoo adeegsanaya Xeelada Qeybi oo Xukun, wax ma kastana Maamulkii gacanta u gelisay.
Siyaasada ay u dejisay markii Axdigii la sixiixayay iyo wixii lagu heshiiyey ay dhinac martey, kadibna dagaal ka bilaabmey halkaas lagu doonayo  aayo- katashi ah iyo Xaq raadis.
TPLF waxay sameysay Xisbi SPDP oo la mataano ah EPRDF, kaasoo ay si toos ah umaamulaan lataliyeyaasha Meles Zenawi oo fuliya siyaasada Jirrabka dadka iyo dilk, Ayadoo ,Marjinta Dumarka tusaale usoo qaatay Ridwan Hassan Zahid oo lagu marjiyey Deegaanka Doolo.
Waxaa la bayaaniyey siyaasada Gobolka Somalida lagu dhaqo ay tahay Qeybi oo xukun iyo Dimoqraadiyad been iyo Qabiil ku dhisan.
Dr Ali Khalif baa asna ku xusey Khudbadiisa in 4.5 uu Soomaalidii Jamhuuriyada uga yimid xagga itoobiya si ba’ana u dhexgashay Soomaalida amaba la odhan karo inayba dheceynin dowlad aysan soo dhisin, keliya waxaa kamadaxbanaan Al-dhalinyaro, inkastoo uusan ku qanacsaneyn Xag-jirnimadooda.
Dr. Vestel markuu  ka hadlayay xuquuqul insaanka iyo Dimoqraadiyada Itoobiya waxuu sheegay inay labaduba aysan jirin, wuxuuna ku nuux nuuxsadey inay TPLF cabudhiyeen dhammaan shucuubta Itoobiya, haba ugu daraadaane Qowmiyada Soomaalida iyadoo u bahdishay Hab-bulsheed iyo hab dhaqan-dhaqaale.
Wuxuu sheegay in aan dadkaas loo sameynin hadday noqoto xagga Nolosha, Horumarka iyo Siyaasadaba. Wuxuu kaloo xusay in TPLF ay ka xun yihiin Dergigii muddo ka baddana xukunka hayaan, ayna rabinna Dimoqraadiyad oy doorbidayaan habkan gurucan inay ku sii xukumaan waddanka.
Mar uu ka hadlayay Samafalka wuxuu sheegay “ in adduun gaaraya soddon milyan gergaar ah aan faraha lagu heynin, oo loogu talagalay dadka baahan. Waxaana mudda ka dib la ogaadey in loo weeciyay Milteriga Itoobiya.
Itoobiya Hayadihii Samafalka wey ka eriday waddankeeda, raashinkii iibka ahaana way ka xanibtay Gobolada Soomaalida.
Itoobiya Doorashadii hore ee 1993 marka la eego ayay uga dhoweyd doorasho ahaan, tan hadana waxay sheegeen in EPRDF ku guuleysatey 99%.
1993 ONLF waxay heshay 86 boqolkiiba kuraasta Golaha shacbiga, ayadoo la tartamayeen Axzaab faro baddan. Halka maanta uu jiro Xisbi layidhaahdo SPDP oo aad u jirabey dadka soomaaliyeed. Xisbi kalena ma jiro oo lama ogola ayuu yidhi khabiirkan.
Shirkan waxaa ka soo baxay in cadaadiska saaraa 150 sanno ka hor iyo Kan maanta inuu isku mid yahay. Waxaa lagu soo bandhigay si cilmiyeysan, waxaa ka hadlay Khabiirad kasoo shaqeysay Gobolkaas oo aad u ogsoon dhibaatada baaxada weyn ee lagu hayo dadka soomaalida ee Rayidka ah. Waxaa la muujiyey ineysan dadkan heysan Horumar, xuquuq, tacadiyo baddanna loo geysto, dhibka loo geystona inta aan la’ogeyn ka baddan tahay. Sababtoo ah Dowlada Itoobiya oon u ogoleyn in saxaafadu tagto Gobolka Soomaalida. Waxay tusaale u soo qaateen isku deygii saxaafada xorta ah in qudhigooda la kulmeen Jidh-dil Qalabkii ay ku shaqeynayeen Suxuufiyiinta laga qaatey kuwaas oo ka socday Wargeyska New-York times.
Waxaa meeshaas la soo bandhigey in si aad ah loo gumaadey Qabiilka ogaadeenka laguna magacaabey Xabsi ku yaala Jig-Jiga oo layidhaahdo Xabsi Ogaden, oo la isaga xareeyey dadkaas iyagoon wax dembi ah geysan, sababtoo ah Qabiilka ay yihiin.
Xalka gobolkan waxaa la isla gartay inuu yahay in Nabad lagu soo dabaalo gobolkan oo Dowlada Itoobiya ay la hadasho ONLF-ta macnaha leh ee qoriga wadata iyadoo la marayo dariiqa saxda ah ee wada hadalada oo caalami ah iyo in xalka lagala hadlo dadka sameysmay ee aan la la hadal dad la soo sameeyay, in dhibka laga qaado dadka horumarkana toos gacanta loogu geliyo dadweynaha Gobolka.
ONA/ Minneapolis.
Maalgashiga Jigajiga Mug intee la’eg bay leedahay
Arintaas waxay ku keentay  dowlada Ethiopia in dadkii  faraheeda ka baxaan. Mar uu ka hadlay sarkaal ka tirsanaa Taliskii hore ee Dargue-ga, wuxuu yidhi; “waxaan aragnay dadkii Ethiopian-ka ahaa ee maryaha cad cad xidhan  jiray oo shacbiya hoosta ka galaya “ shacbiya wuxuu waagaa ula jeeday jabhadii Eritrea ee EPLF, waxaana arintaa sababay ayuu yidhi ciidanka oo si xun ula dhaqmaya dadka shacabka ah.
Haddaan u soo noqono dulucda maqaalka oo ah maalgashiga Jig-Jiga mug intee la eg bay leedahay?
Bal horta aan magaalada Jig-Jiga qudheeda faalo kooban ka bixino.
Jig-Jiga waa magaalo facwayn waxaana lagu xasuusta soo galitaankii xabashida 1948kii waxaa ku shahiiday tiro dad ah oo diidanaa soo galitaanka gumaysiga xabshida, waxaana ka dhacay arintaa kacdoono kala duwan .
Jig-Jiga waa magaalo la qurxiyay marka loo eego gobolka intiisa kale oo baaba’ah. Inta la xusuusto waxyaabaha horumarka lagu tilmaami karo ee Itobiya ka hirgaliso wadanka Ogadenya waligeedba ma soo dhaafin Jig-Jiga, taasoo la odhan karo xadka Itobiya ay difaacdo wuxuu ku ekyahay un halkan.
Jig-Jiga waxaa loogu talo galay inay noqoto  wax afka qalaad loo yaqaano “showpeace” ama meel tusaale loo soo qaato si indhaha caalamka iyo saxaafadda loo tuso horumar aan magaalada Jig-Jiga dhaafsanayn. Waxaa haddaba waayadan danbe soo batay hadal haynta Jig-Jiga iyo maal-gashigeeda, kuwaasoo laga maqlayo dadka u dhuunduleela  Jig-Jiga ee rajada ka qaba in waxooga sandareero ah ka helaan.
Ethiopia waxaay ogaatay in dadweynihii reer Ogaadeenya gacmaheeda ka baxeen, waxay haddaba qaadatay qorshe ay rabto in ay karaamadeeda ku soo celiso dibna loogu eego qorshihii hore ee ku aadanaa shacabka ogaadeenya. Kadib kolkii ay shireen, kuwa Ethiopia u shaqeeya ee ku jira jeelka dusha banaan ee Jig-Jiga iyo saraakiisha ciqaabta, waxaay isla qateen in shacabka gudahana ciqaabta lagu hayo, midka dibadana loo gacan haadiyo. Sabatoo ah bay yidhaahdeen; kan gudaha jooga waa mid og yaqiinta wadanka taala, laakiin kan dibada jooga waa mid aan waxba la soconin, xoogaa lacag ahna haysta.
Waxaa haddba caalamka loo kala diray fariimo loo soo dhiibay waftiyo lagu soo fashilmay. waxaan haddaba tusaaale u soo qadanyna fariintii South Africa timid iyo sidii looga arkay.
Jaaliyadda South Africa ka jirta waa mid gudo balaadhan. Waxaa lagu qiyaasaa soomaalida joogta wadanka intooda badani inay ka soo jeedo Ogaadeenya. Waa dad dhamaantood ka yimid Ogaadeenya waayo dhawayd. Waxaana badhkood ka muuqda dhaawacyadii uu gumaysigu u geeystay jidhkooda. Qaar kalena waxaan xusuustooda ka madhan  dhibkii uu gumaysigu qarabadooda gaadhsiiyay oo ay ka soo  waaqsan la’a yihiin.
Haddaba waxaa  yimid South Africa dhowr nin oo badankood aan dadka karaamo fiican ku dhexlahayn waxaanay sideen fariimo odhanaya waxaa wadnaa dhul loogu talo galay jaaliyadda South Africa. Waxayna carabka ku dhufteed in ay rabaa waxooga  dad aan tiro badnayn in ay ka qaybqataan mashruucan.
Dhulkan waxaa iska leh dad masaakiin ah, markii horena ay beero u ahaayeen haddana badankood guryo ka dhistay. Waxaa kaloo la sheegay in meelaha badhkood ay iska leeyihiin dad u shaqeyn jiray dowlada Ethiopia markii danbena lagu xukumay xadhig dheer sida Ibrahin Xaad, Muusa Suudigii Dhagaxbuur. Marka aad meelahaas oo kale eegto waxaa kuu soo baxaya in uunan dhulkan ahayn wax si rasmi ah laguu siiyay, waayo haddii maanta midka ku siiyay uu katago jagada, way fududahay in aad si dhib yar u waydo hantidadii, sabatoo ah kuwa hadda dhulkooda la bixinayo shalay way kugu meeqaan dhaameen dhinac Ethiopia. Midda kale hadii lagu xidho oo dambiyada badanee dadka lagu eedeeyo, sida inaad waa la hadashay wiil nabadiid ah, waxa ugu horeeya waa in dhulkii lagu siiyay dib loo xaraasho.
Hadaan ku soo noqono, waxaa jaaliyadda SA laga rabaa in tiro dad ah oon gaadhayn labaatan qof oo ay Ethiopia gashaan ka dhigato. Kuwaas marka ma waxay daboolayaan baahida ay Ethiopia u qabto soo jiidashada jaaliyadda dibada joogta inay la shaqeeyaan dawladda, mise waxay buuxinayaan jaajuusnidii oo hadda laysku haysto?.
Haddii aan soo qaato shaqsiyaadka u ololaynaya ee moodaya in ay nacfi ka heli karaan waxaa ka mid ah afar nin  oo intooda badani hadda ku maqan sidii ay dhulboobkaa qaybtooda uga soo qaadan lahayeen kadibna ay dadka dib uga sii gadi lahaayeen maadaamo ayna haysanin hanti ay ku dhistaan. Waxayna kala yihiin;
1- Inshaar  Maxamed Doolal
2- Nuur Ahmed Hoodle
3- Yaasin Mahdi
4-  C/raxmaan  sheekh Maxamed  Saahid.
Dulucda mashruuca waxaa loogu talo galay oo dhab ah in Ethiopia karamadeed lagu soo celiyo. Sababtoo ah, dadku  waxa ay diidan yihiin waa dulmiga iyo gumaysiga ay Ethiopia ku hayso shacabka ee ma’aha mashaariic la’aan iyo dhaqaale samaysad. Haddii dadka badhkii ay moodayaan in dhacaan ay laba qof ama kooxi  heshay ay dabooli karto baahidaas waa mid aan suuragal ahayn  kana fog xaqiiqada jirta. Ethiopia marabto in ay buuxiso doonitaanka shacabka.  Haddaba arintu sow ma’aha maah maadi ahayd; Maan baray iyo maan Blaal.
Waxaan qormada danbe aan ku soo bandhigi-doonaa kuwa lagu qanciyay in ay qayb ka noqdaan dhagrida dadka dulman oo badhkood war sugaya qaar mukhalisiin ah oo Jig-Jiga u kacay.
Cimraan Budul / SA.
Gumaysi wadka Dilaya wuu yaqaan .. C/hi Ciraaqi
Markaan sadex habeen lajoogay ciidankii ayaa waxaan israacnay laba nin oo waxaan tegnay reer kayagii baadiyaha yaalay. Waxaan ka soo qaatay qori AK47 hakaasaan kaga bilaabay xabadii oo inkastoo ay taagdareyd jabhadu laakiin way barakada badneyd. Raga intaa le’gi waxaay aamin-sanaayeen inay gumaysiga kala diridonaan mardhow oo naftii-hure Xaliye oo markaa ahaa taliyaha qaybta wuxuu halhays u lahaa; Gumeysiga caleemaha doogaadeed isla dhaafimeeyno. Dadkeenu way yaabi jireen markay arkaan mooraalka jabhada iyo tabaryaridooda iyo xooga cadowga. Waxayaalihii aan anigi u soo taagnaa waxaa kamida;
“Maalin baanu u nimid nin meel degan anogoo ciidan badan ah. Markuu na arkay farahayagii buu aad u farxay oo wuxuu yidhi; Walaahi JWXO waxay wadaa waa xaq maxaa yeelay buu yidhi; waxaa guriga iigu yimid markii ugu horesay ee jabhadu soo baxday 24 nin oo watay 4 qori oon fiicnaany iyo 24 bacood oy gogladaan. Waxaan ka xishooday buu yidhi inaan ku idhahaado war waxba ma jihaahaadaysaane orda oo kala taga oo waxaan ka cabsaday Ilaahay oo waxaan xusuustay aayadii ahayd intee ka adkaatay iyagoo yar in-badan idamka Ilaahay. Wax kale oon idhahaado markaan garan waayay ayaa waxaan idhi Ilaahay bacaha qoryo ha idiin kaga dhigo. Marka waatan ducadii aan duceeyay buu yidhi. Wuxuu raaciyay; muddo yar ka dib ayaa waxaa soo raadiyay 24 kii nin ugu yaraan 600 oo Tigreey ah oo waxay ka soo dhaadhaceen gol walba. Sidaa umbay u daba socdeen oo Tigreegu waxay islahaayeen intay yaryihiin soo afjara. Hadaba maanta nin kii ka shakiya xaqnimada JWXO iimaan malaha ayuu yidhi maxaa yeelay nimankii Tigreeyga ahaa ee kibirsanaa kana hub badnaa way samreen, nimankii bacaha watayna way sii xoogaaystaan.  Mark wax kale majiree waa in la taageero ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii.
Waxaa kale oon taagnaa; Waxaa shir lagu qatay magaalada Dhagaxbuur. Waxaa ka hadlay ninkii ciidanka haystay oo wuxuu ku yidhi dadkii shirka fadhiyay; idinku waxaad tihiin fadhaan fadh, oo fadhaan fadhka shaqana madaayo ceela kama biya gaadho oo saasaa tihiin. Dagaalna madeeysaan guula kama gaadhaan oo markaad labo sano xabad ridaan baad soo xeroon doontaan ee eega maad iska timaadaan.
Waxaa kaloon maqlay maalinbaa Dhagaxbuur shir lagu qabtay. Wuxuu ku yidhi Sargaalkii dadkii shirka ka soo qaybgalay; war soo qaqabta wiilashiina. Nin munaafaq ah ayaa yidhi; war kuwani way baaba’yaane hanagu dhibin anaga. Dowlada sharafta lehee Itoobiya waa ku ceeb inay 19 nin oo dhul jiif ah ka hadasho oy wax ka soo qaado. Sargaalkii ayaa ku yidhi ninkii; anaguba waxaanu ku biloonay halganka 7 wata hal qori iyo hal baastolad iyo baqal ay raranayeen. Arintii aan sidaa ku bilownay waxay keentay markaan samrinay Dargigii inaan qabsano Itoobiya. Wuxuu ku soo gunaanaday; Way badane soo qabta nimaka.
Waxaa kale oon anigu taagnaa maalin anagoo soo kalahnay ayaa waxaa naga hortimid islaan reer baadiya ah. Markay na aragtay ayay dhinac wadadii uga baydhay oo waxay tidhi; guuleeyta guuleeysta. Markaasay tidhi; waryaadaheen waxaan idin idhi waxaa ina dilay adkeeysi la’aane Ilaahay baan idinku dhaareyay e adkeeysta. Islaantaasi waxaay na tusaysay dhibaatooyinkii ka soo gaadhaayay shacabaka dagaaladii aan wax natiija ah keenin.
Hadaan ka hadlo horumrka aan gaadhnay, meeshii aan ugu tegay markaan soo baxay 1995/11/14 ee ciidanka jooga qaaybtoo idil ay ahayd 40ka nin oo watay qoryo shacabku leeyahay, ayaa lagu diyaariyay hawl-galkii Cobole. Markaay qaybtii isutimid oo layidhi ciidanka maanta waa inuu ku qadeeyaa hilib waxaa la soo gaday 90 neef oo adhiya. Waa laqalay waa la bisleeyay waxaay u heleen nin iyo waslad, waxaana la yaqaanaa halka neef ee adhiga ahi  wuxuu deeqaa 20 nin. Taasi waxaay ku tusi horumarka la gaadhay ee dhan walaba ah. ciidankaa kuligood waxay wateen hub jabhadu leedahay oo rasaas ka buuxdo. Waa Ilaahaay mahadii.
Bal maanta intaa ha inoo joogto.  Alahayoow Ogadeenya xoree.  Aamiin.
C/lahi Ciraaqi.
Dib markaan u baaray Library-ga ONA
Ururka Alitixaad samayskiisii waxa uu la askunmay naca iyo xiqdiga ONLF,hadalada ay illaa iyo hadda adegsaaan ee ONLF waa Clmaani, waa mid soo jiray tan iyo intii talada Itoobiya lagala wareegy Mingistu Xayle Maryan,taasoo lagu soo cabbeeyo dhalinyaro aan aqoon fiican ulahayn diinta oo korkooda lagu akhriyay aayado aad uqiiro badan oo sheekhii qiirada galiyayi uu usii raaciyay in ONLF tahay gaalo dilkooduna banaana yahay.
Hadaan dib ugu yaraha noqono xiliyadii ay gudaha ka jireen Itixadku ee wuxuun dagaalka ah ay la gali jireen Tigraaga ayaa waxaa ay mar walba xoogga saari jireen in si qar iska tuurnimo ah ay uqaadaan talaabada ay filayaa in ay ONLf qaadi doonto,ama tu ay qaaday kadaba qaadideeda ah.
Hadaan tusaale usoo qaadano sanadku markuu ahaa 1995 kii magaalada Qabridaharre waxa uu shir ku dhex maray ONLF iyo Tigreega,shirkaasi jabhadda ONLF way ogayd in uusan ahayn midho laga sugayay oo waxaa la ogaa danta ay Tigreegu uqabteen, hadana ONLF oo mar walba xoogga saarta raalli galinta shacanka ayaa shirkaas uga qayb gashay in ay ku qanciso shacabkeeda oo laga dhaadhiciyay waxyaalo badan,shirkaas oo lawada ogaa qaabka uu ahaa markii uu gabagabo ku sii dhow yahay xubnihii ONLF uga qayb galay shirkaasna ay raainayaan si ay ku baxaan oo ay qarka usaaran tahay in la laayo ayaa ururkii Alitixaad waxa uu istusay in uu heshiis rasmi ahi dhex maray ONLF iyo Tigreega oo markaas ay iyagu meel cidlo ah taagan yihiin, sidaas daraadeed saraakiil Itixaad ah oo 10 gaadhaysa ayaa si lama filaan ah iyadoo ayna jirin cid uyeedhay iyo cid macsuuntayba ay soo galeen magaalada Qabridaharre waxa ayna afka uga galeen sarakiishii Tigreega oo ay usheegeen in ay uscdeen wada hadal,arintaas waxa ay noqotay wax ruuxa loo sheegaaba mar uu yaabo,mar uu cadhoodo,marna uu qoslo, waayo iyadoo dadka indheer-garadka ah oo dhami ay ogaayaan in shirka aan loo qabanin in lagu heshiiyo ayaa hadna shirkiiba uu dhamaaday oo la isku afgaran waayay,marka waxa ay uun umuuqdeen rag afka uga soo galay aar neef hore ka fakatay.
Ergadii ONLF wakhtigiiba way bexeen oo waxay si nabad qab ah ku gaadheen ciidankoodii,qoladii Itixaadka ahayd Tigreegu waxa ay ula dhaqmeen si dad isa soo dhiibay oo kale ah,hadana lama irdho galinin ee waxaa loo furay wax wada hadal u eg,aakhirkiina waxaa loo sheegay in ay hubka soo xareeyaan oo ay isa soo dhiibaan,waliba markii hore waxay Tigreegu isku dayeen in nimankan oo gacanta lagu hayo in inta banaanka ku maqanna ay kuwani usheegaan in ay isa soo dhiibaan,Waxaan ka wadaa sida ka fiirsasho la’aanta ah ee ay xinka ONLF kolba qar uga duulayeen.
Ujeedooyinka Itixadku ma aha Ogaadeenya :- Akhristoow qormooyinkaygii horena waan kusheegay majiro qof Itixaad ah oo garanaya yoolka uu tooganyo,Ururka midawga Dib uxoraynta Soomaaliya waxaynu wada ognahay in yahay urur xoraynaya Soomaaliya,erayga (Dib uxorayna) macnihiisu waa xoraynta meel xor ahayd oo laqabsaday oo ubaahaan in dib loo xoreeyo,laakiin Ogadeenya dib uxorayn manoqon karto,hadaba waxaa markhaati madoon ah in gudoomiyaha Itixaadka Sheekh Ibraahin uu katirsan yahay ururkaas dibuxoraynta Soomaaliya,ma aha midaas oo kaliya ah ee aad ayay ubadan yihiin shirkada ay cid aan qusaynin ay kula noqdaan Ogaadeenya,wadanka iyo dadkiisuba waxay mudo qarni kudhow ahaaayeen kuwo kolba lagu lugooyo sumad aan raad lahayn oo aakhirka Itoobiya ay ku hesho qiil wayn,hadaba Itixaadkuba iyagoo sidaas u og ayay hadana kusii indha adag yihiin marin habaabinta umadda.
Daadinta dhiigga muslimka bilaa sabab:- dhiigga qofka muslinka ahi ma aha wax fudud waana wax qofku in uu ku dag-dago ayna haboonayn,ruuxa in si fudud loo yidhaahdo gaal baad tahay iyo in si fudud loo dilo waa mid lakowatay Itixaadka,dadka Soomaalida ahi way islayn jireen shakhsina shakhsi wuu dili jiray,laakiin shakhsiga wax dilaayi waxa uu isu aqoonsanaan jiray in uu yahay ruux qaba dhiig muslin oo aad uqoomamaysnaada dhiiggii uu galay,laakiin qoladani,waxaa ladhihi karaa waxa ay kasii dhiigyacabsan yihiin cid walba, waayo shakhsiga isagoo aan dilkiisii laba kawada hadlin ayuu mid waliba qfkii rabo dilaa,hadaan tusaale usoo qaadanno,ururka Alshabaab oo uun ah qayb kamid ah ururkii Alitixaad maxay kuhayaan Jubooyinka? Nin cajalad hees ah dhagaysanaya ayaa loo yimid kadibna naftaa laga gooyay,akhristoow dambiga lasuulinayo iyo kan lagalay keebaa wayn? Dabayaaqadii sanadkii 2007 kii waxa ay dileen 3 nin oo udhashay dagaanka lagu dilay,sadexdaas nin midi waxa uu udhintay ONLF nimo, labada nin ee kale labada nin ee kale illaa hadda lama garanayo sababta dilkooda,waxaana laxaqiijinayaa in ayna jirin cid ka go’aan qaadatay in nimankaas la laayo,oo xataa isla iyaga laftoodu ayna lawada soconin goorta raggaas la laayay iyo sababta lagu laayayba.
Waxay hadda magaalada dhooblay ku dileen oday da’diisu ka wayn tahay 70 sano oo bilaa sabab isagoo gurigiisii jooga shan xabbo loogu dhuftay,saw hadaba uma eka in qoladani ayba jannadii
ka dhex heleen Jubooyinka?
Beenta shegiddeeda:- Qofka waxay kuqon arin adag markii uu arko sheekhii gadhka waynaa oo been uun daldalaya,arinta ay caanka kuyihiin Itixaadku waxaa kamid ah beenta oo mar walba u ah aalad ay kudagaalamaan ama dhaqaalo ku raadsadaan,Itixaadku iyagoo caan
ku ah dhuuni raacnimo uu qof waliba xoogga saaro siduu meel dhaqaale leh ugu dhawaan lahaa ayaa markay dhaqaala raadiska yihiin waxa ay adeegsadaan been aan geedna loogu soo gabanaynin,kama xishoodaan iskulamana yaabaan arintaas.
Itixaad (Alshabaab)Maxay ugu abaal gudeen dadkii gacanta siiyay:- sidaa aan lawadasocono dadkii Alshabaab taageeray ee ugu badnaa isla markaasna Maraykanku uu waxyeelada wayn ugaystay waxa ay ahaayeen Habargidir iyo Absame,maantana waa kuwa ay kusoo jeedasadeen iyaga laftoodii ee dagaalka kala horyimid,markii dabada lagaga jiray ee Itoobiya iyo Maraykankuba ay goobayeen waxaa qariyay dadka Absame,hase ahaatee maanta Absame iyo Itixaad (Alshabaab )waxa ay yihiin dab iyo dhagax iyadoo horay loola ilxumaa dilkii macna darada ahaa ayay hadana weerar ku qaadeen ciidankii deegaanka Absame, taasoo gabagabadii keentay in uu Absame qaato go’aan lagaga saaro labada Jubbo,taasoo ah wax ay iyagu gacantooda ku keensadeen,Labada Jubana ma sii ahaan doonaan meel kolba shaati hor leh loo soo xidho.
Jaaliyadaha Mareykanka hala socdeen shirqoolada cadawga
Gumaysiga wuxuu bilaabay inuu cidiyaha ku dagaalamo ka dib markuu ku waabariistay guulaha isdaba jooga ah ee halganka shacabka Ogadenya uu ka gaaray dibad iyo gudaba. Arimaha dacaayadda iyo marin habaabinta ayaa ka mid ah qorshaha uu doonayo inuu xooga saaro iyadoo miisaaniyad xoogan loo qoondeeyay. Markastoo uu gumaysiga qorsheeyo fikrad lagu wiiqayo halganka waxaa madasha isa soo taaga qaar jeeblayaal ah oo dareenka hogaamiya uu yahay caloosha oo loo buuxiyo.
Mashruuca maalmahan u shidan daba-dhilifyada jooga Jigjiga ayaa waxaa ka mid kooxdii jaaliyadaha dhexdooda ka ahaa hadhaaga bulshada oo u ambabaxay Jigjiga say uga soo daadsadaan Cabdi Ilay iyagoo iyagoo kula gorgortamaya inay beenta gumaysiga ka soo gadayaan jaaliyadaha dibadda.
Waxaa ka mid ahaa nimanka ka dagay Jig-jiga sadex nin oo ka dhoofay Minnesota oy kaga hawlgalaan urur safaarada Itoobiya lagu sameeyay oo lagu magacaabo ( Somali Ethiopian Economic & Cultural Development Association). Ururkani oo ka jira Minnesota, USA.) waa mid boorsada lagu wato qorshuhuna yahay inuu noqdo midkii lagu hawlgali lahaa. Waxay ku leeyihiin TV laga daawado labada magaalo ee Mataanaha ah oo la yiraah Jigjiga TV, kaas oo dacaayada Itoobiya lagu fidiyo lagulana dagaalamo halganka. Arimaha ugu muhiimsanee ay halkaa u tageen waxaa ka mid ah dacaayad badan oo Jigjiga laga soo duubayo looguna talo galay jaaliyada Minnesota.  Sedexdan nin ee sawirka ka muuqda waxa ay ku jiraan dad xul ah oo safaaradu xulatay kadib markii qorshayaal hore ay ka bur-bureen, waxaana la shaqeeya kooxo aan saas u badneyn oo isqariya. Dhawr jeer ayaa safaarada shir loogu qabtay shirarkaas oo ay mar ka soo qayb gashay Naagta Zinawi Azeb Mesfin. Marar kalana xubno kale oo sarsare ayaa ka soo qaybgalay. Qorshahan lagu dhex galayo Jaaliyadaha ayaan ku koobneen Jaaliyada S/Ogadeeniya oo kaliya, lakiin ku wada socda dhamaan qoomiyadaha Mucaaradka ah oo dhan intiisii badnaana lugooyo iyo khasaare ayuu ku dhamaaday oo meelihii larabay magaadhin walina jaaliaydiihii dhamaantood waa lagu xidhi kari la'yahay safaaradiihii.
Safiirka Gumaysiga Tigreega u fadhiyay Washington DC, Samuel Assefa, ayaa lagu dhaliilay hadda ka hor inuu ku fashilmay qorshihii ahaa in Jaaliyadaha lagu soo xidho safaarada iyo siyaasada TPLF labadaba ilaa hadana looma jadiidin safiirnimada oo ahayd in loo jadiidiyo Jan.2009 oo ku beegnayd xiligii xilka ay la wareegtay xukuumada cusub ee Obama ilaa iyo hadana Madaxwayne Obama ma qaabilin waayo si rasmi ah wali dhiigyo cab Males uma soo magacaabin. Dhawr jeer oo Zinawi la waydiiyay xiliga ay safiir cusub u magacaabi Mareykanka,  wuxuu ku gaabsaday in doorashada kadib qof cusub si rasmi ah loogu dhawaaqi doono lakiin ilaa hada way ku rafanaysaa in la helo nin lagu badalo. Ninkan oo ahaa nin aad ay isugu dhawyihiin Males iyo Reer Adwa, ayuu nasiib u helay inuu Males ugu mar-marsoodo inuu gudan waayay ama horumarin waayay siyaasadii TPLF ka lahayd Marykanka khaasatana uu lumiyay xidhiidh xunna uu kala dhex-dhigay Taliska TPLF iyo Congress-ka Maraykanka oo aad u kala fogaaday marna ku sigtay in ay meel mariyaan mooshin lagu cunaqabateeynayo Itoobiya. Waxaa kale oo si cadaan ah loogu eedayey inuu ku fashilmay qorshihii Jaaliyadaha lagu soo xero galin lahaa. Jaaliyadaha kasoo kala jeeda qoomiyadaha kala duwan ee sida wayn mucaaradka ugu ah taliska TPLF, ayaa loo arkaa ilaa lasoo xero galiyo inaysan guul ka gaadhayn siyaasada dibada.
Hadaba Fishilka guud ee ku yimid qorshihii ku wajahnaa Jaaliyadaha waxaa Reer USA u dheeraa Dabaqoodhigii ku noolaa inay aad uniyad jabaan kadib markay aad ugu ololeeyeen In wafdi uu hogaaminayo Da'ud Axmaar yimaado isagoo niyadana gashaday inuu Imaanayo diyaargarw waalanna galay ayaa ugu danbayntii loo sheegay in loo diiday Visihii khalad dhankiisa ka dhacay darteed oo ah sida lagu qanciyay isaga, laakiin sheekadii ayaa waxa ay isku badashay mid niyad Jab wayn ku keentay dabaqoodhiga doolka ah intoodii badnayd kuna noqotay wax ayna filanayn.  Dabaqoodhi qolyahaas kamid ahaa ayaa laga hayaa; “war dee ONLF ayaa Visihii u diiday ee halganka dhinac ha laga raaco meeshaad moodaysaan ONLF ma joogtee!!”.
Wakhti kooban ayay shiiqeen qaar badan oo iyaga kamid ahna isbadaleen kalana biiq-biiqeen. Hadaba waxaa safaarada kusii hadhay dad kooban oo afartan kor ku sawiran ay ku jiraan. Kuwan oo iyagu waligoodba aad ugu xidhan Dabaqoodhi Mawliid Dhaga Caleen waa ninkii Xarshin laga keenay ee fadhiya Safaarada Washington DC.
Hadaba waxaa USA lasoo gaadhsiiyay qorshe cusub oo dhawr nooc iskuga dhafan meel walbana laga adeegsan karo wixii la isku dari karo in la isku dhex wado meel walba iyo jil-jileeceeda. Waana sidan.
1. Qabiil- eraygan qabiilka ayaa kolba shaati loo galiyaa mar-mar kor ayuu ka bilaabmi oo Somaalida kale Vs Ogaadeen wax la dhaho waa in la isticmaalo marna wax looyaqaan Afarta Absame & adeerkood oo ahaa midka hada meelo badan ka socda. Kaa waxaa ka horeeyay mid meelna gaadhi waayay lakiin marar badan la adeegsado oo isagu Jifijifo hoose iyo deegaan Vs deegaan ku salaysan sida Reer Dh/buur, Qabri- daharre, Godey, Reer Wardheer Reer Fiiqeed IWM.
2. Ganacsatada iyo aqoonyahanada kaalaya wadanka Imaada maalgashi ka samaysta, madaxda arka oo safaaradaha ku soo xidhma. Qolyahan si gaar ah ayaa loo shiishaa la iskuna dayaa in la soo xero galiyo. Kuwo iskood shaadhkaa u huwadaana way jiraan waxaana iyaga wax loogu sawiraa haday nabada ka shaqeeyaan in ay taajirayaan, waxaana idinka hortaagan ONLF.
3. In mar walba la isticmaalo oo lagu meel mariyo qorshe walba oo cusub cid aliyaale cidii ay ku rakibnayd nacaybka ONLF. Nacaybkaas nooc walba ha ahaadee waa in ay isku qorshe qolyahani ahaadaan kana wada sinaadaan sidii ONLF loo fashilin lahaa. Qolyahan ayaa kala ah sidan:
Waxaad meel walba ku arki intan oo nooc oo qorshahaa si wada jir ah u fulinaya. Xidhiidh gooni ah ama jacayl gooni ah oo ka dhexeeyaana majiro lakiin mid walba qaabka uu ONLF u necebyahay uunbaa wax loogu sheegaa isaga oo loo tilmaamo inuu qorshahan xaqijintiisa ku fashilin karo ONLF.
By : Maxamad
Q2aad- Itobiya way taqaanaa sida loogu luuqeeyo kolba heesta socta
Dawladii Fajiistaha Talyaaniga ayaa ku soo duushay boqortooyadii Itobiya bilowgii Oktoobar 1935tii iyadoo ku dhawaaqday inay wada qabsatay Itobiya bishii Maayo 1936dii ka dib markuu Xayla Salaase ka raacay magaalada Addisababa 2dii Maayo tareen isagoo u ambabaxay Jabuuti. 4tii Maayo ayuu Jabuuti ka sii raacay Xayle Salaase dooni u socota Falastiin, laba maalin ka dibna wuxuu joogay Qudus. Wuxuuna halkaa uga diray telegram Golihii Umadaha ee la odhan jiray (League of Nations) ee ka horeeyay Qaramada Midoobay (United nations). Wuxuu ku qoray telegraamkiisa;
“ waxaan go’aansanay inaan soo afjarno dagaal aan caadil ahayn oon isu dheeli-tirnayn oo ah midkii ugu cadawtinima badnaa casrigan aan joogno. Waxaan dooranay inaan dibadda uga soo baxno dalkaygii si aan uga badbaadino dadkayga in la baab’iyo. Waxaa kaloon u soo baxnay inaan soo celino nabadii iyo xoriyadii Imbaraadoor-iyadayda .. waxaan ka codsanaynaa Umadaha Isu-tagay inay sii wadaan dadaalka ay ku jiraan ee ah in la xaqiijiyo cahdigii la wada galay ..”
Wuxuu ka codsaday boqor Xayle aduunka inaan loo aqoonsan Talyaaniga inuu yeeshay dalka uu ku qabsaday xooga. Telegeraamkaa wuxuu hakiyay aqoonsigii la siin lahaa qabsashada Talyaaniga.
30kii Juunyo ayuu Xayle Selaasi isa soo hortaagay Golihii Umadaha -Leegue of Nations - wuxuuna ka hor akhriyay khudbad uu kaga warbixinayo wixii ka dhacay dalkiisa wuxuuna ka codsaday in la taageero oo aan la ictiraafin in Talyaanigu qaatay imbraadooriyadii Itobiya. Khudbadaas oo laga sii daayay warbaahinada caalamka wuxuu ku soo gunaanaday –Maanta anaga ayay na haysataa berina idinka -.
Hasa ahaatee lagama yeelin wuxuu dalbaday, wuxuuna Talyaanigii helay aqoonsi. Waliba amaahdii uu dalbaday xayle Salaase in la siiyo suu u xoojiyo muqaawamada dalkiisa waa laga diiday. Dalal badan ayaa aqoonsaday qabsashada Talyaaniga ay ka mid yihiin Ingriiska iyo Faransiiska. Dawladda Mareykanka oo si fiican u soo dhaweysay Boqorka la casilay ayaan iyada marnaba aqoonsanin qabsashada Talyaaniga. Socdaalka Xayle Salaase wuxuu asaas u dhigay xiriirka dhex maray boqortooyada Itobiya iyo dawladda Mareykanka.
Dagaalkii labaad ee aduunka ayaa bilowday 1939kii. Muusaliini oo xukmay dawladii Fajistaha Talyaaniga wuxuu la bah noqday Hitler. Ingriiska oo ka cabsanaya in ciidankiisa jooga bariga dhexe ay dhabar jabin ay uga timaado ciidamada Talyaaniga ee fadhiya geeska Afrika ayaa dagaal ku qaaday, wuxuuna ku guulaystay inuu ka wada qabsado Talyaaniga Geeska Afrika bishii Maarso 1941. Ingriiska ayaa markii ugu horeysay gacanta ku wada dhigay Geeska Afrika marka laga reebo xeebta Jabuuti. Bishii Maayo 5teedii 1941 ayaa Xayle Salaasi dib loogu soo celiyay Adisababa, waxaana awood loo siiyay inuu arimaha gudaha ee dalkiisa maamulo. Heshiiska ay kala saxiixdeen Itobiya iyo Ingriiska waxaa lagu xusay in la soo celiyay qaranimadii Itobiya ee dalkeeda marka laga reebo Ogadenya iyo jidka Tareenka ee isku xidha Jabuuti iyo Addisababa iyo dhulka loo yaqaano Hawd.
Intuu qaxootiga ahaa boqor Xayle iyo mudadii uu dagaalka 2aad ee aduunka socdayba wuxuu ogaaday in quwadaha reer Yurub uu damac kaga jiro Geeska Afrika oo aanay u ogolayn Itobiya dhul ka baxsan intii loo yaqiinay boqortooyada Abisiinya. Waxaana loo sheegay in aan loo saamaxayn inuu dib u qabsado Somalida Ogadenya ama Eretreeya uu ku darsado.
Xayle Salaase oo ahaa nin aad u fiira dheer, wuxuu arkay in Mareykanku yahay awood soo baxday oo badali doonta reer Yurub oo ishortaagi karta damacooda haduu si fiican ugu adeegna ilaalin karta danaha boqortooyadiisa.
Waxaa iyadana jirtay in dagaalkii 2aad ee aduunka oo socda uu Ingriiska siiyay Mareykanka saldhig Isgaarsiin oo meel istraatiiji ah kaga taala magaalada Asmara kaasoo laga qabsaday Talyaaniga. Xaruntan loo yaqaano Kagnew ayaa noqotay mida ugu weyn caalamka dhanka isgaarsiinta iyo basaasnimada iyadoo laga koontrooli karo isgaarsiinada Bariga Dhexe iyo dawladahii bahda Shuuciga. Xayle Salaase ayaa kula heshiiyay Mareykanka inay 25 sano haysanayaan hadii ay siiyaan taageero fiican oo xagga ciidamada iyo xagga siyaasadaba ah.
Waxaa dhacdadan ka horeeyey iyadana dagaalka ku caan baxay –Dagaalkii Kooriya (Korean War) oo bilowday 1950, ka dib markii si lama filaan ah ay ciidankii Waqooyiga Kuuriya uga soo gudbeen khadka 38 ee kala qaybiya labada Kuuriya. Dawladda Mareykanka ayaa soo dhex dhigtay arintaa Golaha Amniga waxaana la go’aansaday in ciidan dawli ah oo difaaca loo diro Koonfurta Kuuriya. Waxaa isgarab taagay Mareykanka dhowr dal oo ciidamo taageera ciidamada Mareykanka u diray Kuuriya. Itobiya oo fursadahanoo kale ka faa’idaysata ayaa durbadiiba ku dhawaaqday inay ciidan gaaraya ilaa 3000 oo askari u dirayso Kuuriya, arintaasoo uu soo dhaweeyay Mareykanka.
Laga bilaabo waqtigaa Itobiya waxay noqotay dawlad la wada ogsoonyahay inay ilaalinayso danaha Mareykanka uu ka leeyahay Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo Bariga dhexe. Waxaana lagu abaal mariyay in dalkii Eretreeya la siiyo, Ingriiskana lagu qasbo inuu ku wareejiyo intii ka hadhsanayd Ogadenya boqor Xayle Salaasi.
Huwiska bahda reer galbeedka iyo ilaalinta danaha Mareykanka waxay ku shaqaysanaysay Itobiya laga bilaabo waqtigaa ilaa boqor Xayle Salaasse laga tuuro xukunka oo ciidankiisii ay ka qabsadeen carshigiisii. Isbadalkaa ku yimid nidaamkii Itobiya waxaa ka faa’idaystay shucuubtii gumaysiga boqortooydiisa ku jirtay ee Somalida Ogadenya, Eretrea iyo Oromiya waxayna ku guulaysteen inay xoreystaan 90% dhulkoodii.
Waxaa u cadaatay kooxdii cusbayd ee xukunka qabsatay inuusan huwiskii reer Galbeedka sii shaqayn karin, waxayna u toleen Itobiya huwis horleh oo casaan ah oo looga keenay Moosko iyo dawladihii shuuciga ahaa.
La soco qaybaha dambe.
Q1aad- Itobiya way taqaanaa sida loogu luuqeeyo kolba heesta socota
Qarnigan 21aad waxay adeegsanaysaa mawjadda socota ee argagixisada loo yaqaana. Waxaana u suurtaglainaya koox wax magarata ah oo aan taariikhda waxba ka aqoon, diinta islaamkana ka yaqaana un goynta gacmaha iyo madaxyada. Waxaan si taxana ah u raadraaci doonaa siyaabahii ay Itobiya uga soo faa'idaysatay inay is raaciso kolba mawjadda socota.
Itobiyada maanta jirta waxay soo dhaxashay boqortooyo guun ah oo wax ka badan 10qarni soo jirtay kana soo gudubtay marxalado adadag iyadoo dhawr jeerna kuba sigatay in laga waayo khariidada caalamka. Markasta oy sigato boqortooyadii Abisiinya waxaa badbaadin jiray quwad dibadda ka ah qaaradda Afrika oo ugu soo hiilin jiray siyaaba kala gadisan. Waxayna marwalba oy Abisiinya/Itobiya khatar dareento badalanaysay huwiskii ay qabtay iyadoo qaadanaysay huwiska quwadda ay taageerada ka rabto.
Hadaan si kooban ugu yarehe noqono taariikhda dhow ee Itobiya ay badbaadada ka heshay quwad Yurub ah, waxaan xasuusanaa dagaalkii dhexmaray boqortooyadii Abyssinia iyo Imaam Axmad Gurey 1506 – 1542. Markuu Imaam Axmad Gurey ku dhawaaday inuu wada qabsado oo inta badan dhulkii ay ka talin jirtay boqortooyada Abisiinya ay gacantiisa soo gashay, oo boqor Lebne Dengel arkay xaaladdu inay ku adagtahay ciidankiisa, uu ogaaday in ciidankiisa aanay u babac dhigi karin ciidanka imam Axmad Gurey, ayuu gargaar milateri u dirsaday quwadii ugu xooga badnayd waqtigaa reer Yurub oo ahayd boqortooyadii Bortoqiiska -ka.
Wuxuu boqor Lebne Dengel, ka codsaday nin la oran jirey John Bermudes oo ka mid ahaa khubaradii Portuguese ee joogey dalkiisa in uu xaalada qallafsan ee boqortooyada Abyssinia ay ku sugantahay uga warbixiyo boqorkii Bortoqiiska-ka, uuna gaarsiiyo in loo baahanyahay gurmad degdeg ah si loo badbaadiyo inta ka harsan boqortooyadii Abisiinya oo si tartiib tartiib ah gacantiisa uga sii wareegayey. Sandkii 1541kii ayaa waxaa xeebta Musawac ka soo degey ciidan uu Bortoqiiska u soo diray boqortooyada Abisiinya, oo uu hogaaminyey wiil uu dhalay bad-mareenkii caanka ahaa ee Vasco da Gamma oo lagu magacaabi jirey Christopher da Gamma. Dagaala dhawr ah oo aad loogu jabiyay ciidankii Boqrtoqiiska iyo xabashidii la socotay laguna dilay wiilkii da Gamma ayaa la’isku qaaday. Ugu dambayntii waxaa u suurtagsahay Bortoqiiskii inay si lama filaan ah ku dilaan Imaam Axmad, taasoo keentay in ciidankii Imaamka dib loo soo celiyo oo la soo jabiyo. Dagaaladii Axmad Gurey ku qaaday Abisiinya waxay ku reebtay Itobiya taariikh ma hadhaan ah waxayna ka dhaxleen dhaqano ay ka mid yihiin cunitaanka hilibka caydhiin.
Boqor Xayle Selasi oo ka hadlaya arintaa ayuu qoray Paul B. Henze inuu yidhi “ .. Masixiyiinta buuraha daga waxaa ilaa hadda caruurtooda uga sheekeeyaan jabkuu u gaystay Axmad Gurey. Markaan tago waqooyiga Itobiya waxaa la’i tusaa qalcadaha iyo magaalooyinka iyo kaniisadaha uu burburiyay Axmad Gurey oo weli u burbursan sidii iyadoo ay shalay ahayd arintan.”
Itobiya sida ku cad warbixinadii laga qoray qarnigii 16aad, waxay ku soo beer-laxawsatay quwadihii waagaa ka jiray caalamka oo Bortoqiiska ugu horeeyay, inay tahay jasiirad masiixi ah oo ku dhex jirta badweyn muslimiin ah.
Sheeko halgan ( Hormuud iyo Heegan iyo Halyeey )
Sheekadan sadex goosood ah ee dhex martey bah JWXO ayaa waxaan jeclaystey inaan idin la wadaago.
Sexdeda saaxiib ee sheekadan ay dhex martey ayaa kala ah Hormuud oo ah N/Hure CWXO, Heegan oo ah Gabadh gudaha ka hawl gasha iyo Halyeey oo ka mid ah jaaliyaddaha mintidka ah.  Sadexdoodaa ayaa midba goonidiisa wuxuu u cabirayaa sida hawshoodu ku socoto waliba maalmaha xusuusta ka mudan mid walba agtiisa. Waxaa sheekadii ugu horeynba la isla qaatey in wiilka raanta iyo raasamaalka leh bilaabo sheekada wuxuuna yidhi sidan;
40meeyo askartii ah ha idin soo dabagaleen idinkuna talaabada u dheereeya. Raadkiina ha hayeen ilaa maalintii oo dhan marba dhan ula kaca. Habeen haku galo. Markey daalaanba laba xabadood dhaw ka siiyaa ha idin sii cayrsadeen. Maalinta danbe reero haku soo baxeen xoolo haka qasheen. Kooshartoodii ha isla dhaceen (khuukhuuq toodu ha baxdo). Kolkay oomaan biyo ha soo doonteen idinkuna kobtaa ku suga. Biyaha ha dhaansadeen. Kolkay cab is dhahaan oy dhar dhigtaan dhawda kaga saara oo ha kala carareen oo markay dhaqaaqi waayaan mid mid ooga muudsada ka dibna talaabada kobtaad ka soo biloowdeen dib u abaara.
Sargaalkii watey ha raagsado oo koox kale oo iyana 40tameeyo ah haka soo daba diro iyagoo laafyoonaya isha ku dhufta kobtaa ku suga markey salka dhulka dhigaan ileyn waa niman xaloo dhan heegan ku jiraye dhawda kaga saara idinkoon wakhti lumin kobtii gawaarida isku sii daaya deedna laba idinka mid ah oo qoriga 7ka ah wadata ha u dhuumaalaysteen .
Sargaalkii ha daahsado intuu cadhoodo naga ka xeeya ha dhaho , labo gaadhi ha fuulaan midna haku rartaan wixii agab ah ay sitaan. Kolkuu taayarku rogmado oy wadada fuulaan labo 7 ah qabadsiiya oo ha isla basbeelaan. Durba wiil dirsada qaybtii ha gaadho oo gurmad ha idiin yimaado qaniimada ilaa 300 oo qor iyo rasaastood ha gaadhaan. Dhaanta kobtaa ka bilaaba. Maalmaha macaan ee xusuusta mudan iga dheh.
Horta goobtu Jig-jiga hakaa ahaato, qaybtiina ha idin soo ag degto, unugtii ha fashilanto oo jeel Ogaadeen hala isku guro. Halkaa gawda hala isaga saaro. Adigoo kali ah ka fako. Adoo dhuumaalaysi ku jira waaxid jaajuus ah gurigaad daganayd qol haka kireysto. Durba isha isla hela sheedaba iska garta oo qosol haku dhufto. Cabaar ka dib xili qadadii ah, wadaad ordaya oo ku raadinaya hakuu yimaado. Durbaba warqad dalabaad ah gacanta hakaa galiyo. Jaajuuskii ha arko. Danba ha u galin. Isna ha isa sii daayo. Xeradii ha geeyo warkaaga. Sargaalkiisii amar haku siiyo inuu ilaa 3 maal maalmood ku daba socda ilaa xogta kama danbeysta ah uu helayo.
Adiguna danba ha u galin. Adeegaagii iska bilaabo oo wixii aad gado meel ku diyaarso. Hoosta warqad codsi ah ka dirso. 4 wiil halaguu soo diro. Warbixin buuxda dhab ku sii. Dusha hakaala socdaan adiguna jaajuuska qandaraaska kugu soo qaatey kor ka tus.
Sadex dameerood raro maalinkii sadexaad oo adigoo sii laafyoonaya xerada horteeda jaajuuskii oo farxad is hayn la’ hakuu yeedho. Horey ka joogso adiguna. Markuu ilaa 10 tilaabo kuu soo jiro labada garbood halala boodo oo gabigiiba hala dalaco oo hoosta halooga dhiibo. Dhawdii yeertey xabashidii hasoo yaacaan ilaa 10neeyo hala wadho. Meeshu ha isla dhabaqdo.
Dameerahaagii horey ha u sii socdaan oo 4tii wiil hala dusaan adinguna gurigaagii ku soo nabad noqo. Kobtaa ka cilaamayso. Sow sheekadu ma aha maal macaan oo xusuusta mudan.
Horta goobtu Copenhagen hakaa ahaato. Madaxda caalamka ha is balan sadaan idinkuna is balan sada. Males ha isa soo miidaamiyo. Cimilada laga hadlayana ha isla walaaqmo barafkuna ha is balansado, oo eeggaba ha oogu darnaado. Wax dhaqaaqa hala waayo. Jaw-jawduba ha yaraato.
Safar dheer oo maalin iyo badh ah soo gal. Adoo awalba jilbo dhaadheeraa kursi gaadhi cidhiidhi ah ku jir. Daal dartii adoo burbursan imoow. Guddigii qabanqaabata guri ha ku geeyo ka dibna meel aad ka seextaba waa. Daaqad hoosteed buste iska dhigo. Habeenkii oo dhan hurdada seeg oo dhaxan dhawda hakugu hayso. Subixii hala kalaho. Qaylo dhagaha ha la’is xanuujiyo.
Males oo qadh qadhi dhagahiisa qiiq haka baxoo isla hadal ha bilaabo, oo ha yidhaahdo; dadkan maxaa loo lalahaa waa 3 million waaba 100 milyane iyo maxaan ka yeelaa ha iskula dodo. 10 malyan kama badna iyagoo dhan. Ma 10 malyan ayaad maaro u waydey adoo 70 malyan madaxa kaga fadhiya. Walee waa maya ha ku niyad dhisto.
- Madaxdii afrikaay hurudooy - ha shireen oo Males ha wakiisheen. 400 oo bilyan noo soo xasili halagu heshiiyo. Males war uma cadee miiska ha isgeeyo. Maxaan idiin qabanaa halagu bilaabo. 10 malyan kama badna hala soo boodo. Faransiis qosol haku dhufto war ma waalatey sidey wax kaa yihiin ha yidhaado. Males waa maqane joogee 10malyan haku hadaaqo. Kobtaa saxiixiisa haku duugo.
-Afrikaay hurudoy - qaylo af labadii ha yeerto. Saxaafadii yaab haka soo hadho. Males oo qadaadka weynyahay xaaskiisa ha u yimaado. Iyadiina furka haku tuurato. Naa go’do qolyihiibaa madaxa iga cunay oo waxaan sheegayba ma ogayn oo  saxaafadaan ku miirsaday haku sasabo. Isla markiibaa taleefoon ha qaato. Wiilashiisii jig-jiga joogay canaan hakala dul dhaco. Iyaguna ha isla guuxeen oo Cabdi Iley ha wakiisheen. Isaguna TVga ha yimaado. Hawshii ha bilaabo. Wuxuu ugu yeedhay UBO caydiiisa dabada ha qabsado. Aniguna aan ku raaxaysto. Koob shah ahna aan u soo shubto. Maalmaha macaan ee xusuusta mudan iga dheh.
Guul iyo Gobonimo
Hussein aw_Guuled.