Opens in a new tab

19 Qof oo Ciidamada Jabuuti ay Dileen.

ONA23 December 2015
Read in English

Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay in 19 qof lagu dilay caasimada Jabuuti markii ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen dad ka qeyb qaadanayay kulan diimeed.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dad shacab ah ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen xaafada Balbal kuwaasoo xusayay Sheekh Yoonis Muuse oo ah hogaamiye diimeed hore.

Sidoo kela,  in ka badan 10 qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay ciidamadu fureen. Dawlada Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen kadib markii ay soo weerareen koox hubeysan oo ku dhex jirtay shacabka.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa lagu sheegay in sagaal kamid ah ciidamada ammaanka ay dhaawacmeen  oo uu kujiro nin sarkaal ah inkastoo war saxaafadeedka lagu sheegin wax dhimasho ah.

Wasiirku wuxuu intaas raaciyay in dhowr qof oo looga shakisan yahay ineey ku lug lahaayeen dhacdadaas ay ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Ku xigeenka hogaamiyaha mucaaradka ee Jabuuti Cumar Cilmi Kheyre ayaa sheegay in dad shacab ah oo u dabaal degayay dhacdo diimeed ay soo weerareen ciidamada boliiska iyo kuwa gendarmes, wuxuuna intaas raaciyay  in qaar ka mid ah dadka la bartilmaameedsaday in ay ahaayeen taageerayaasha mucaaradka.

Kheyre ayaa intaas raaciyay in xubno kamid ah mucaaradka in lagu weeraray xaruntooda ayagoo shir kujira, wuxuuna sheegay in mid kamid ah xildhibaanada mucaaradka in lagu dhaawacay weerarka.

ONA

 

La wadaag