Tababar maamul{hogaamin} oo socday mudo toban maalmood ah oo lagu baranayay qaybaha kala duwan ee hogaaminta ciidanka ayaa loosoo gabagabeeyay madaxda ciidanka ee qaybta Birjeex ee jwxo Koorsadan gaaban waxay furantay 5/3/12 iyadoo lasoo gabagabeeyay 15/3/12 .Tababarkan oo ay soo diiyaariyeen taliska guud ee cwxo waxaa loogu talagalaya in kor loogu qaado aqoonta hogaaminta ee madaxda dagaalyahanada jwxo , ayaa waxa casharo ka bixiyay macalimiin khibrad iyo aqoon fiican u leh casharada ay bixinayeen, waxay macalimiintu amaan u soo jeediyeen madaxda soo diyaarisay koorsadan xilligan adag ee jiilaalka ah taasina waxay ka markhaati kacaysaa dadaalka joogatada ah ee loogu jiro kor u qaadista maamul ee madaxda ciidanka .
Koorsadan gaaban oo lagu baranayay waxyaalo badan ayaa dhamaan xubnihii ka qaybgalay waxay muujiyeen sida ay uga faa’iidaysteen iyagoo dhinaca kalana balanqaaday inay fagaaraha dagaalka ka muujindoonaan aqoonta ay heleen
Koorsadan gaaban oo loogu magacdaray Cabdi cabdulaahi ayaa waxaa xidhitaankeedii ka soo qayb galay madaxda xarunta dhexe iyo maamulka taliska ciidanka jwxo
Koorsadan waxay qayb ka tahay koorsooyin xidhiidh ah oo aqoon loo fidiyo madaxda hogaamisa cwxo taas oo lagu dhisayo cwxo ,si uu u hanto waajibaadka laga sugayo
ONA
A ten-day management {leadership} training course covering the various aspects of military leadership has been concluded for the army commanders of the ONLF's Birjeex division. This short course opened on 5/3/12 and concluded on 15/3/12. The training, which was prepared by the general command of the ONLA, is intended to raise the leadership knowledge of the commanders of ONLF fighters. Lessons were delivered by instructors with good experience and knowledge of the subjects they were teaching. The instructors praised the leaders who prepared this course during this difficult dry season, which bears witness to the continuous effort being made to raise the management skills of the army commanders.
All the members who took part in this short course, in which many things were studied, showed how they had benefited from it, and on the other hand pledged that they would demonstrate the knowledge they had gained on the battlefield. This short course, which was named Cabdi Cabdulaahi, was attended at its closing by leaders from the central headquarters and the administration of the ONLF army command. This course is part of a series of courses through which knowledge is extended to the leaders who command the ONLA, through which the ONLA is being built so that it can fulfil the duties expected of it. ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
