Opens in a new tab

Abdirashiid Duulane, iyo Wayaane la Socday oo Markale ku Fashilmay Denmark

ONA17 February 2012
Read in English

Cabdirashiid Duulane waxaa lagu xasuustaa dhalinyaradii uu ka ururiyay gobolada Ogadenya say difaac ugu noqdaan ciidamadii Wayaanaha dagaalkii ka qarxay aaga Badame sanadkii May 2000, halkaasoo dhalinyaradii la geeyay noqdeen qaar ku dhintay oo maydkoodii ay Itobiya markii dambe diiday inay qaataan oy inkirtay inay yihiin Itobiyaan iyo kuwii ku soo dhaawacmay oo markale lagu gumaaday Jigjiga markay ka gadoodeen sida foosha xun ee loola dhaqmay.

Saxaafadda caalamka ee dagaalkaa wax ka qoray waxay sheegeen in boqolaal dhalinyaro ah oon tababar fiican lahayn oo wata qoryaha fudud ay Itobiya soo galisay xadka markii ugu horeysay, loogumana talagalin inay gaaraan dhufaysyada ciidanka Eretrea ee hadafka wuxuu ahaa in miinada ku aasan lagu baneeyo .. (Some 700 yards away were the Ethiopians in their trenches. Their first wave would consist of cannon fodder, recruits with little training and armed with a rifle. They were not expected to reach the Eritrean side but used to clear a path across the minefield, sacrificing themselves to do so. Once avenues were cleared, the real troops would be sent across. However, before this occurred, a massive artillery and air barrage would befall the Eritreans, similar to WW1 in scale. It was WW1 all over again in 1999.)

Cabdirashii Duulane, wuxuu ku helay dhiigii dhalinyarada dhufayska looga dhigay Wayaanaha dalacsiin iyo inuu safiir ka noqdo Jaban.

Sida aan wada ogayn sanadkii 2010 waxay  maamulka Wayaanuhu, wadamada Yurub, iyo waqooyiga ameerica, ka kaxeeyeen dad u dhashay Soomaalida Ogadenya, oo u badnaa dadkii la qabsan waayay nolosha qurbaha ee beerta galay ama family problem kala kulmay qurbaha. Dadkaas danta laga lahaa waxay ahayd in lagu jilo ama lagu matalo Riwaayadii beenta ahayd ee “nabadda” ee ay atooraha ka´ahaayeen Ibrahim dheere, iyo Macow. Dadkaas waxay maamulka wayaanuhu ka´bixiyeen dhamaan wixii kharash kubaxay oo ay ka´midyihiin, Tigidhadii diyaaradaha iyo hoteladii ay seexanayeen markii lawareejinayay Abdis Ababa iyo Jigjiga.

Hadaba Maamulka Wayaanaha ee TPLF ayaa waxay soo fikireen xeelad cusub oo ay ku soo ceshadaan dhaqaalihii, farahabadnaa ee kaga baxay Riwaayadaas fashilantay, waxayna keeneen wax ay ugu magacdareen sheer laga iibsanayo “dhismo biya xidheen” lagadhisayo galbeedka itoobiya, waxaana lagaga qaybgali karaa  sida ay sheegeen 50 Dolar.

Hadaba si lacagtaas loo helo ayaa waxaa loo xilsaaray in uu Dabaqoodhi Abdirashiid Duulane kiishwayn qaato kuna soo ururiyo lacagtaas, lacunsiiyay dadkii riwaayadii lagu jilay, wuxuuna maalintii  Sabtida ee 4-2-2012 isugu yeedhay dhoor xubnood oo kamid ahaa Dabaqoodhiga Denmark ee kamid ahaa dadkaas jigjiga iyo Abdis ababa kusoo qalay si lacagtaas loo helo, laakiin, maxaa dhacay??

Shirka waxaa qaban qaabiyay Nin Taxi leh ah oo lagu magacaabo Tasfaye`oo Tigrey ah, wuxuuna tasfaye, waayay dhamaan intii uu moodayay in ay isku jeelyihiin wax dabaqoodhi ah oo sooxaadirana wuuwaayay, dhamaan Dabaqoodhigii, waxay kabaxeen faryaro bidix, marka laga reebo laba ama sadex, ileen Dabaqoodhigu wuxuu rabaa in isaga wax bilaash ah la´siiyo oo uu kusoo qayilo jigjiga iyo Abdis Ababa, laakiin, markii layidhi dabaqoodhiyow inbadan ayaad durduurataye,  maanta adaa lagaa rabaa in aad jeebka TPLF wax kurido ayuu dabaqoodhi jaanta wadhay, waana lawaayay meel uu jaan iyo cidhibdhigay ileen dabaqoodhi hoomooyee, keen lamayidhaah. markii ay xaaladu meel xun kamarayso Abdirashiid Duunale, ee ay dabaqoodhigii ka´dhuunteen wax soo xaadirana waayay, ayuu qaylo dhaan udirsaday Reer Puntiland iyo reer Hargaysa, waxaana uyimid 20 ruux oo labadaas gobol udhasha  oo qoloba takale yayna kuwanjalin uyimid iyo 5 tigrey ah oo Sweden lagakeenay.

Dawlada gumaysiga Ethiopiana waxay uugu balan qaaday dadkaas in ay lacag , guryo iyo boosas siinayso laakiin hadda balanqaadyadii oo dhan intay soo xidhmeen ayay dawlada Woyanahu tidhi ” bal wixii aad haysaan ee lacag ah isku soo dara” , sidaa darteed waxaa Abdirashiid Duulane, kudhacday oraahdii soomaaliyeed ee ahayd “maxaan cunaa ayaa kalahday, waxaana ka´hortimid aan kucuno”

Denmark

 

La wadaag