Idaacad ka hadasha dalka Sweden ayaa wareysi dheer la yeelatay ninka lagu magacaabo Keith Hill, Agaasimaha Guud ee shirkadda African Oil Corp. oo ah shirkadda ay Lundin Petroleum ka iibisay qaybtii ay ku lahayd shidaal baadhista.
Sidaan la socono labada wariye ee ka xidhan Sweden Martin Schibbye iyo Johan Persson ayaa ugu socday Ogadenya intaan la qabanin inay soo baadhaan falaadkii shirkadda Lundin Petroleum intay joogtay Ogadenya, arintaasoo si aad ah loogu eedeeyay WAD ee dalka Sweden oo sidii laga filayay aan u difaacin muwaadiniinta ka xidhan dalkiisa. Waxaa hubaal ah in wareysiga Keith Hill ay qayb ka tahay baadhitaanka ku socda shirkadda Lundin iyo dhibaatadii loo gaystay shacabka Somalida Ogadenya.
Haya’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo kuwa samafalada ayaa xaqiijinaya inay ciidamada Itobiya u gaystaan dadweynaha nugulka ah gaboodfalo baahsan marka ay la dagaalamayaan jabhadda ONLF, gaboodfaladaa oo isugu jira jidh-dil, afduub, barakicin, kufsi iyo dil.
Ninkan la wareystay Keith Hill ayaa ku sheegay wareysiga inay jiraan gaboodfalo isagoo raaciyay inaysan iyagu arag wax muujinaya arintaa. Wuxuuna intaa ku darayaa in dadkuu la kulmay ee ka socday xukuumadda iyo ciidanka Itobiya ahaayeen dad xilkas ah oo doonaya inay arimahaa wax ka qabtaan.
Wuxuu kaloo sheegayaa Hill inay African Oil Corp. isku dayayso inay dadweynaha Ogadenya ku cawiso mashaariic horumarineed.
Hasa ahaatee Kerstin Lundell, oo ah wariye ka qortay shirakadda Lundin Petroleum kitaab qaatay abaalmarin ayaa arintaa ku tilmaantay wax lala yaabo oo tidhi; “Hadday jirtaba, ma’aha kuwa ay caawinayaan shacabka laga eryayo guryahoodii ama la gubayo aqaladooda, waxaa hubaal ah in aanay caawinin dadweynaha Ogadenya ee goobahaa dagan.”
Hill ayaa wareysiga ku leh ma’aanan arag wax muujinaya dagaal ka socda goobaha aan joogno, hasa ahaatee gabadhan Lundell ayaa tidhi, shirkadda African Oil Corp. iyo kuwa kalee shidaal waa laga yaabaa in aanay arag dagaal sababtoo ah goob lagu kala food-qaaday umaby yimaadaan, hasa ahaatee bay raacisay waxaa hubaal ah in qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda ay arkeen arimahaa.
Wuxuu sheeganayaa Hill in shirkadda African Oil Corp. ay ceelka ugu horeeya ka qodi doonto koonfurta Ogadenya dhamaadka 2012 ama 2013, wuxuuna kula kulmayaa Stockholm maalgaliayaal danaynaya shirkadiisa. Isagoo intaa raaciyay waa fursadii ugu dambaysay qofkii doonaya inuu wax nugu darsado inta aanan bilaabin qodista.
Waxaa halkaa kaaga muuqanaya inuu yahay Hill qof dacaayad u samaynaya shirakadiisa oo doonaya in la maalgaliyo, waxaase hubaal ah inuu ku hungoobi doono shidaalka Ogadenya siday ugu hungoobeen shirkado badan oo ka horeeyay African Oil oo lafahooda uga cararay ciida Ogadenya.
Sidaan la socono shucuubta Afrika waxaa qaar badan ay naftooda u waayeen si loo biliqaysto khayraadka dhulkooda ku jira oo laga yaabo inaysan laba soconin. Meelaha sida aadka ah loogu dhibaateeyo shacabkii daganaa waxaa ka mid ah dhulka shidaalka (dahabka madow) laga helo, kolkaasoo ay shirkadaha ajnabiga ee soo saaraya shidaalka iyo xukuumadaha dalalkaa ka taliya ee musuq-maasuqa ku caan baxay ama adoonsiga ku haysta shacbkii dhulka lahaa ku heshiiyaan inay boobaan hantidaa dabiiciga. Shirkadahaa dhaca iyo boobka u socda waxaa dhaqan u ah inay laayaan ama sasabaan dadkii xaqqa u lahaa hantidaa ay dhacayaan.
Waxaa xusuusin ah inuu Keith Hill dhabarka u ridan doono dhibaatada soo gaadha shaqaalaha shirkada African Oil Corp. iyo kuwii kalee soo hunguriyeeya shidaalka Ogadenya.
ONA.
A radio station broadcasting in Sweden held a lengthy interview with a man named Keith Hill, the Director General of African Oil Corp., the company to which Lundin Petroleum sold its stake in oil exploration.
As we know, the two journalists imprisoned in Sweden's name, Martin Schibbye and Johan Persson, were heading to Ogadenia before they were captured in order to investigate the activities of the Lundin Petroleum company while it was in Ogadenia, a matter for which the Ministry of Foreign Affairs of Sweden has been strongly criticised for not defending, as expected, the country's citizens imprisoned abroad. It is certain that the interview with Keith Hill is part of the ongoing investigation into the Lundin company and the suffering inflicted on the Somali people of Ogadenia.
International human rights and humanitarian organisations confirm that Ethiopian troops commit widespread abuses against the vulnerable population when fighting the ONLF front, abuses that include torture, abduction, displacement, rape and killing.
The interviewee, Keith Hill, said in the interview that abuses exist, adding that they themselves had not seen anything showing this. He further added that the people he met from the Ethiopian government and army were responsible people who want to address these issues.
Hill also says that African Oil Corp. is trying to compensate the people of Ogadenia through development projects.
However, Kerstin Lundell, a journalist who wrote an award-winning book about the Lundin Petroleum company, described this as astonishing and said: "If they exist at all, they are not helping the people who are being driven from their homes or whose huts are being burned; it is certain that they are not helping the people of Ogadenia living in those areas."
Hill says in the interview, "I have not seen anything showing fighting going on in the areas where we are," but Ms Lundell said that African Oil Corp. and other oil companies may not see fighting because they do not come to places where clashes have taken place, though she added that it is certain that some of the company's employees have seen these things.
Hill claims that African Oil Corp. will drill its first well in southern Ogadenia at the end of 2012 or in 2013, and he is meeting in Stockholm with investors interested in his company. He added that this is the last opportunity for anyone who wants to buy shares with us before we start drilling.
Here it becomes clear to you that Hill is someone doing propaganda for his company, wanting it to be invested in, but it is certain that he will fail with Ogadenia's oil just as many companies before African Oil failed, which themselves fled from the soil of Ogadenia.
As we know, many of the peoples of Africa have lost their lives so that the resources in their land, which may not even benefit them, could be plundered. Among the places where the local population is most severely harmed are lands where oil (black gold) is found, whereupon the foreign companies extracting the oil and the governments ruling those countries, notorious for corruption or for holding in servitude the people who own the land, agree to loot that natural wealth. It is the custom of these companies engaged in robbery and looting to kill or coax the people who rightfully own the wealth they are stealing.
It is a reminder that Keith Hill will bear on his back the responsibility for any harm that befalls the employees of African Oil Corp. and the others who covet Ogadenia's oil.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

