Amenesty International ayaa dhaleeco korka uga tuurtay kaligii taliye Zenawi iyo madax badan oo kamid ah taliska Itoobiya. kadib markii madax badan oo uu ku jiro KT Zenawi ay marar badan shaaciyeen “qofki lagu soo eedeeyo innuu geysto falal dhan-ka ah dowlada Ethiopia in lagu qaadayo sharciga argagaxisada” ayaga oo qofka eedaysanaha ah isaga oo la xukumin ku tilmaama innu yahay danbiile.
Eedaynta Amnesty ku eedaysay taliska Zenawi ayay ku sheegeen. In dowlada Itoobiya ay u adeegsato sharci ku sheega argagaxisada si ay ugula daggaalanto dhamaanba dadka kasoo horjeeda taliska Zenawi sida siyaasiyiinta mucaaradka. Waxa kale oo ay u addeegsataa suxufiyiinta inay ku cabudhiso. Iyaga oo xidh xidha dhamaanba siyaasiyiinta sida badheedhka ah uga hor yimada dowlada iyo Suxufiga iskudaya innuu wax ka qoro siyaasada Itoobiya.
Amnesty ayaa waxa ay soo bandhigtay suxufiyiinti iyo siyaasiyiinti lagu qabqabtay ama lasoo xidhay sanadkii 2005 lagasoo billaabo. Waxa amnesty ay sheegtay in sanadkaas laga soo billaabo aad usii kordhey dadka lasoo xidho kuwaas oo aan helin gar caddaalad ah kadibna laga buuxiyo xabsiyada waaweyn ee Itoobiya. Horray way u jirtay dadka suxufiyiinta ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka Itoobiya oo waa la xidhi jiray lakiin aad ayay usii korortay intii lasameeyay sharcigan lagu qaadayo qofkii mucaarad ku noqda taliska TPLF.
Sanadkan kaliya lagasoo bilaabo bishii March waxa la xidhay dad gaadhaya 114 siyaasiyiinta mucaaradka Itoobiya ah iyo 6 Suxufi. Waxa sidaas lagu soo qoray Warbixinta amnesty International.
Warbixinta Amnesty oo soo baxday Jimcihi dhowa ayaa lagu sheegay in wadanka Itoobiya qof kasta oo iskudaya si nabad galyo ah in uu banaanbax u sameeyo in laxidho laguna soo oogo sharciga arggagaxisada. Sidoo kale waxa iyana lagu soo ooggaa mid kaas la mid ah dadka iskudaya inay wax ka qoraan oo baadhitaano kasameeyaan xaalada dadka iyo dhulka Itoobiya.
Dadka ay Amnesty ka hadashay ayaa ah dadka siyaasada Itoobiya sida nabad galyada ah rabay inay uga howlgallaan wuuna ka duwanyahay kiiskani nidaamka ay ula dhaqanto dadka shacabka ah sida shacabka Ogadeniya oo iyagu ah dad ku jira xabsi madaxa ka bannnaan. oo Xassuuq, dil iyo kufsi loo gaysto sidoo kale wuu ka gadisnayahay sida loola dhaqmo dadka Ree Gambella oo ah iyaga dad dhulkoodi laga baro kiciyay xoogna lagu siiyay shirkadaha Beearaha qotta.
Dowlada Itoobiya ayaa waxa daggaalo badan kaga socdaan dhulka Ogadeniya sidoo kale mucaaradka Itoobiya ayaa aad usoo xoogaysanaya sanadkasta- ayaga oo isku bahaystay inay meel ugasoo wada jeedsadaan kaligi taliye Zenawi.
ONA
In its accusation against the Zenawi regime, Amnesty stated that the Ethiopian government uses a so-called terrorism law to fight all those who oppose the Zenawi regime, such as opposition politicians. It also uses it to suppress journalists, jailing all politicians who openly oppose the government and any journalist who tries to write about Ethiopian politics.
Amnesty presented the journalists and politicians who have been rounded up or detained since 2005. Amnesty said that since that year the number of people detained has greatly increased; they do not receive a fair trial and are then crammed into Ethiopia's large prisons. Journalists and Ethiopian opposition politicians were already being jailed before, but this increased greatly after this law was introduced to prosecute anyone who becomes an opponent of the TPLF regime.
Since March of this year alone, about 114 Ethiopian opposition politicians and 6 journalists have been detained. This was written in the Amnesty International report.
The Amnesty report, released last Friday, stated that in Ethiopia anyone who tries to hold a peaceful demonstration is arrested and charged under the terrorism law. Similarly, the same charge is brought against people who try to write about or investigate the situation of the people and the land of Ethiopia.
The people Amnesty spoke about are people who wanted to engage in Ethiopian politics peacefully, and this case differs from the way the regime treats ordinary civilians such as the people of Ogadenia, who live in an open-air prison and are subjected to massacres, killings and rape. It also differs from the way the people of Gambella are treated, who have been displaced from their land, which was forcibly given to agricultural companies.
The Ethiopian government is engaged in many battles in the land of Ogadenia, and the Ethiopian opposition is also growing considerably stronger every year, as they unite to jointly confront the dictator Zenawi.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
