
In ka badan 100,000 ayaa la filayaa dhamaadka todobaadkan inay isugu yimaadaan magaalada Bloemfontein kaniisad ku taala oo ah meeshii lagu asaasay xisbiga ANC oo loo dabaaladagayo 100 guuradii asaaskii xisbiga. Xisbigan ayaa loo asaasay inuu la dagaalamo xukunkii 1994kii la badalay ee ku dhisnaa midab-takoorka inta yaree cadaanka ah ay ku dulaysanayeen aqlibiyadii madowga ahayd ee dalkaa loogu yimid.
Waxaan dabaaldagga sanadkan ka soo qaybgalin halyaygii shacabka Koonfur Afrika mudane Nelson Mandela oo 93 jir ah, caafimaad darteedna looga joojiyay inuu tago munaasabadaha waaweyn.
Calanka ANC ee dahabiga, cagaarka iyo madowga ka kooban ayaa meel walba ka babanaya, iyadoo dad badan ay wadooyinka ciyaarihii hidaha ay u lahaayeen ay ku cayaarayaan. Wadaadka qaatay biladda nabadda ee Noble-ka Archbishop Desmond Tutu ayaa salaadooda ugu qabtay kaniisada Mangaung, ee magaalada Bloemfontein oo ahayd meeshii 1912kii ay isugu yimaadeen odayaashii bulshada iyo madaxdoodii oy ku dhiseen ururkii gobanimadoonka ahaa ee ugu horeeyay Afrika.
Dabaaldagga oo bilowday maalintii Jimcaha ayuu dhacay xoogisa maanta oo Axad ah 8da bisha Janaayo oo ahayd malintii la asaasay xisbiga 8dii Jan. 1912.
Dad badan ayaa ka biya diidsan kharashka faraha badan ee lagu bixiyay dabaaldagga iyadoo waliba dhaliilo farabadan hadda loo soo jeediyo xisbiga ANC ee talada dalka qabtay, iyadoo lagu eedeeyo musuq-maasuq badan iyo lacaga farabadan oo la lunsado.
Halkan ka daawo damaashaadkii taageerayaasha ANC ;
ONA.

The ANC flag, made up of gold, green and black, is flying everywhere, while many people are performing their traditional dances in the streets. The Nobel Peace Prize-winning cleric Archbishop Desmond Tutu led their prayers at the Mangaung church in the city of Bloemfontein, which was the place where, in 1912, community elders and their leaders gathered and founded the first liberation movement in Africa.
The celebration, which began on Friday, reached its peak today, Sunday 8 January, which was the day the party was founded, 8 Jan. 1912.
Many people are unhappy about the huge expense spent on the celebration, while a great deal of criticism is also now being directed at the ANC party, which governs the country, as it is accused of widespread corruption and the loss of large sums of money.
Watch the celebrations of ANC supporters here;
https://www.youtube.com/watch?v=M8SkzZ4Si2g
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

