Opens in a new tab

Awaare oo Xabsiyadii Buux Dhaafeen iyo Ardaydii oo lagu Qasbay Ilaalinta Magaalada Xilliga Habeenkii ah

ONA5 April 2012
Read in English
Magaalada Aware oo ka tirsan   gobolka Jarareed ayaa  waxaa soo foodsaartay  xaalad qalafsan  oo ay kula kaceen ciidamada si gaarka ah uga amar  qaata  dhiigyacabka ku  can baxay xasuuqa shacabka ogaadeenya Ina ilay

4 April oo ku began  habeen hore  ayaa xilli danbe  2 saac ee habeenimo  ee galinkii danbe xilli dadku ay ku jiraan guryahoodii islmarkaana hurdaan waxaa lagu soo qaaday  weerar aan aabao yeel lahayn

Waxaana xabsiyada  la dhigay dad kor u dhaafaya 70 ruux oo u badan haween , iyadoo dad loo jidhdilayay si xadka ka baxsan,dhaawacyo culusna soo gaadheen

Wariyaha  ONA  uga soo warama gobolka Jarareed ayaa waxa uu intaa  ku darayaa in arintan ay ka horaysay amar dagdag ah oo lagu soo rogay  ardayda dugsiyada  kaas oo farayay  in ay ardayadu  ka qayb qaataan ilaalinta magaalada xilliga habeenkii  ,amarkan oo qaar ka mid ah ardaydii uu dhaawac ka soo gaadhay  kadib markii loo dhiibay hub aysan aqoon u lahayn sida la isaga badbaadiyo ka dibna uu ku qarxay  ,inta  la  ogyahay waxaa dhaawac halis  uu soo gaadhay hal wiil ah oo la yidhaahdo maxamed xasan tuur.

Dhinaca kale odayaashiii ka hadlay arinta ardayada ayaa xabsiga loo taxaabay

Magaalada aware oo hada ku jirta xukun  xaalad qalafsan ayaa u muuqta mid dadku ay u diyaar garoobeen dhibaato horleh oo soo foodsaartay

Hadaba dadka arintan lagula kacay oo aad u badan ayaanaan wada hayn  magacyadooda  waxaana ilaa hada soo gaadhay  xafiiska ONA

1.       Maxamed dhogor  oo 70 sano jira waxaana laga jabiyay gacan iyo feedhaha oo burburay odaygan oo sida la xaqiijiyay ka hadlay arinta ardayada lagula kacay ayay hada xaaladiisu maraysaa meel halis

A    Amina  Waris  oo uu jabay sanku isla markaana madaxa dhaawacyo culus kaga yaalaan

3.       Nimco maxamed colaad

4.       Hodan cabdi dheeg

5.       Sawda ilkacase

6.       Ayaan xaaji yuusuf

7.       Khadra xaaji yuusuf

8.       Shugri muxumed cabdi dalab

9.       Farxiya maxamed daahir

10.   Ardo maxamed aw aadan

11.    Ruqiya garas

12.   Dahabo oo uu ninkedii  cabdi risaaq xuseen horay u xidhnaa  iyo gabadh ay eedo u tahay oo lagu sheegay faadumo,dahabo ayaa waxaa laga dhacay jaad ay ka ganacsanaysay kaas oo sababay in markii danbana xabsiga la dhigo

Arimahan oo aad moodo inay soo kordhayaan  kuma eka oo kaliya  aware  ee waxay xaaladan  mid u eg ka dhacaysa magaalada wardheer taas oo dad badan ay ilaa hada ku xidhan yihiin

Wararkan wixii ka soo kordha iyo faahfaahin aan idiinka hayno weerarkii habeen hore ka dhacay Qabridahar kala soco wararka dhacdoyinka ee ONA

La wadaag