Nin Carab ah oo reer miyi ah ayaa la weydiiyay inuu keeno daliil muujinaya inuu Ilaahay jiro. Markaasuu isagoo kaashanaya khibradii uu nolosha ka kasbaday yidhi; Saalada waxay daliil u tahay inuu geel dhigay, raadkana qofkii meesha maray, cirkan xidigaha leh, iyo dhulkan buuraha iyo wadooyinka leh miyaanu muujinaynin inuu abuuray Ilaahay wax maqla oo wax arka.
سئل أعرابي دليل عن وجود الخالق سبحانه وتعالى، فأجاب بفطرته ومن وحي بيئته المحيطة: البعرة تدل على البعير، والأثر يدل على المسير، فكيف بسماء ذات أبراج وأرض ذات فجاج، ألا يدل ذلك على السميع البصير؟!
Sidoo kale tasarufaadka xukuumadda gumaysiga Itobiya iyo dabadhilifyada uga adeega Jigjiga miyaanay daliil u ahayn awooda ay leedahay ONLF xag siyaasad iyo ciidanba, oon loo daliishan karin heerka uu gaadhsiisan yahay taageerada shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ay u hayaan jabhadda?
Dalalkii Carabta ee kacdoonada ay ka dheceen, sida Tunis, Masar, Libiya, waxaan ogsoonahay in sanad ka hor ay ahaayeen wadamo ay ka muuqato xasilooni u dhiganta midda qubuuraha oo shacabka dalalkaa markay arkaan madaxdii laga eryay xukunka ay isu taagaan una mashxaradaan. Xusni Mubaarak ayaa maalin la weydiiyay; siday ku dhici kartaa in 99% uu shacabka u codeeyo madaxtinimadaada. Jawaabtii uu bixiyay waxay ahayd; “Waxaan baadhaynaa sababta ay 1% ka hadhay ii diideen”.
Waxaan aragnaa waxa ka socda dalka Suuriya. Shacabka Suuriya markay dalbadeen inay la mid noqdaan walaalahooda ka xoroobay kali-talisnimada iyo cadaalad darada, waxaa loogu jawaabay xabsi iyo jidh-dil waxashinima ah iyo layn aabayeel la’aan ah. Sanad ka hor kamajirin dalka Suuriya oo wuxuu ahaa dal shacabka ku nool qofkii soo hadal qaada Bashaar Assad oo hareerahiisa fiiryo. Waxay hal-ku-dhig u qaateen – الموت ولا المذلة – Dhimasho ayaan ka dooranay dullinimo. Hadaba dhibaatada lagu hayo shacabka ee ah dilka, xabsiga iyo cunaqabataynta, sow daliil uma aha inay diideen adoonsigii horey u saarnaa ee kooxda yaree calawiyiinta ah ay ku hayeen?
Nabadda iyo xasiloonida uu doonayo qofka wax adoonsanaya waa dullinimada qofka la adoonsado. Ereyada u noqday halku-dhigyada dadka xoriyadda jecel waxaa ka mid ah odhaahdii uu yidhi ninkii ku dhiirigaliyay shacabka Mareykanka inay xoriyadooda ka qaataan xukunkii boqortooyada Ingriiska. Wuxuu yidhi Mr Patrick Henery; Give me Liberty, or Give me Death – Xoriyadayda i sii ama i dil aan Dhintee. Wuxuu ka khudbaynayay meel ay ku tashanayeen odayaashii u kacay xoriyadda shacabka Mareykanka oo qaarkood ay markii dambe ka noqdeen madaxweyne sida madaxweynihii ugu horeeyay dalka Mareykanka George Washington. Dadkii isugu yimid goobta waxay dhamaantood ku dhawaaqeen iyagoo u dareeray halgan – Give me Liberty, or Give me Death.-
Arintu waa sidaa. Inaad ogolaato dullinimo oo lagu daayo iyo inaad xoriyad dalbato ood u diyaar garowdo dagaal iyo dhimasho.
Waxaa la ogaaday in haduu dal xasiloon yahay oo shacabka iyo xukuumadda ay ku wada joogaan nabadgalyo iyo hogaansanaan, ay tahay sababta keeni karta laba mid un. In dalkaasi uu ka jiro nidaam siyaasi ah oo lagu heshiiyay iyo sharci loo siman yahay loona wada hogaansan yahay ama inuu yahay dal lagu xukumo xoog oo shacabka ay ku jiraan argagax iyo cabsi joogta ah. Sidoo kale inuu shacab la gumaysto ogolaaday gunnimadii oo dareenkii aadminimo uu ka dhintay iyo inuu ka dhiidhinayo oo halgan gobanimadoon uu wado waxaa lagu ogaadaa xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo gumaysiga.
Waxyaabaha muujinaya ee daliilka u ah inuu shacabka halgamayo waxaa ka mid ah; in xabsiyada ay ka buuxaan dad da’walba leh oo loo haysto tuhun ah waxay taageeraan ururka halgamaya, in shacabka si aabayeel la’aan ah loogu gumaado waxay taageereen ururkaa, in maleesiya calooshood u sahqaystayaal ah shacabka laga dhex qorto oo la siiyo amarka ah laaya shacabka, oo madaxtinimada shacabka uu gumaysiga u xulo hab ah yaa dadka si naxariisdara ah u laaya. Arimahaasoo idil waa waxyaabaha uu ku hayo shacabka masaakiinta ah Calooshii la ciyaarka Cabdi iley, waxayna daliil u yihiin awoodda ururka iyo inuu shacabka Ogadenya ku jiro halgan gobanimadoon. Waxaa afkiisa laga xaqiijiyay Cabdi iley inuu yidhi Itobiya ujeedadaa umbay ii haysataa. Sababtoo ah aqoon iyo caqli iyo akhlaaq toona ma leh dhaafsan inuu kolba dad shacab ah intuu soo laayo yidhaahdo waxaan soo dilay UBO. Shabakadaha gumaysiga Itobiya u hogaansan (RJ), hasa ahaatee diidan tasarufaadka Cabdi iley ayaa waxaa ka mid ahaa maqaal ay qortay; Shaqsi dadkii intuu sidan u galo, oo misana garaado ku raadsanaya oo ina Iley ka xun ma haysaan?, Waxaa laga yaabaa inuu is leeyahay tusi dawlada Itoobiya, sidaad wax yeeli kartid, balse runtii, dawlad sheeganeysa inuu u shaqeeyo magac xumo aad u weyn buu u keenay ..
Ugu dambayn, qofka shaki uu kaga jiro awooda ciidan ama siyaasadeed ee ONLF, hala socdo tasarufaadka gumaysiga iyo dhibaatada uu ku hayo shacabka S.Ogadenya. Lacag kor u dhaafaysa 500 Million oo Doolarka Mareykanka ah ayuu gumaysiga ku bixiyaa sanad walba dacaayadda ONLF iyo brobagaandada ka socota Jigjiga ee kolba koox inta la keeno qandaraas ku qaata inay duubaan hadalo aanay caruurta Ogadenya xataa rumaysan karin.
Ma aha Ugaas B.
Shiil ama Qararaf midka odhan kara nabad iyo horumar ayaa ka jirta Ogadenya. Arinta inay sidaa tahay waxaa ka warami kara haya’daha caalamiga ah oo loo fasaxo dalka inay six or ah u dhex maraan iyo saxafiyiinta caalamiga ah oo diyarka u ah inay si dhex-dhexaadnimo ah ay uga soo waramaan oo loo fasaxo inay galaan dalka.
ONA.
A Bedouin Arab was once asked to bring proof that God exists. Drawing on the experience he had gained from life, he said: Dung is proof that a camel has passed, and footprints show that someone has walked there; does not this sky with its stars, and this earth with its mountains and paths, show that it was created by a God who hears and sees?
سئل أعرابي دليل عن وجود الخالق سبحانه وتعالى، فأجاب بفطرته ومن وحي بيئته المحيطة: البعرة تدل على البعير، والأثر يدل على المسير، فكيف بسماء ذات أبراج وأرض ذات فجاج، ألا يدل ذلك على السميع البصير؟!
Likewise, are not the actions of the Ethiopian colonial government and the stooges who serve it in Jigjiga proof of the political and military strength of the ONLF, and can they not be taken as evidence of the level of support that the Somali people of Ogadenia have for the Front?
As for the Arab countries where uprisings broke out, such as Tunisia, Egypt and Libya, we know that a year ago they were countries that showed a stability equivalent to that of a graveyard, and the people of those countries, when they saw the leaders who were driven from power, would stand up and ululate for them. Hosni Mubarak was asked one day: how can it be that 99% of the people vote for your presidency? The answer he gave was: "We are investigating why the remaining 1% rejected me."
We see what is happening in Syria. When the people of Syria demanded to become like their brothers who had freed themselves from dictatorship and injustice, they were answered with prison, savage torture and merciless killing. A year ago Syria was no different; it was a country where the people living in it would look around them before anyone mentioned Bashar Assad. They took as their slogan – الموت ولا المذلة – We choose death over humiliation. So, is not the suffering being inflicted on the people, namely killing, imprisonment and sanctions, proof that they have rejected the slavery that the small Alawite group had previously imposed on them?
The peace and stability that the one who enslaves others desires is the humiliation of the one who is enslaved. Among the words that became slogans for freedom-loving people is the saying of the man who encouraged the American people to take their freedom from the rule of the British monarchy. Mr Patrick Henery said: Give me Liberty, or Give me Death – Give me my freedom or kill me so that I may die. He was giving a speech at a place where the elders who had risen for the freedom of the American people were deliberating, some of whom later became presidents, such as the first president of the United States, George Washington. The people gathered at the venue all cried out, stirred to struggle – Give me Liberty, or Give me Death.-
That is how the matter stands. Either you accept humiliation and are left alone, or you demand freedom and prepare yourself for war and death.
It is known that if a country is stable and the people and the government coexist in peace and obedience, there can be only one of two reasons for it. Either that country has an agreed political system and a law under which all are equal and which all obey, or it is a country ruled by force in which the people live in constant terror and fear. Likewise, whether a colonized people has accepted servitude and its sense of humanity has died, or whether it is resisting and waging a struggle for freedom, can be known from the relationship between the people and the colonizer.
Among the things that show and serve as proof that a people is struggling are: that the prisons are full of people of all ages held on suspicion of supporting the struggling organisation; that the people are mercilessly massacred because they supported that organisation; that mercenary militias are recruited from among the people and given the order to kill the people; and that the colonizer chooses the leadership of the people on the basis of who will kill people most mercilessly. All of these are the things that the belly-dancer Cabdi iley is inflicting on the poor people, and they are proof of the strength of the organisation and that the people of Ogadenia are engaged in a struggle for freedom. It has been confirmed from Cabdi iley's own mouth that he said: Ethiopia keeps me for that very purpose. This is because he has no knowledge, intellect or morals beyond killing civilians time and again and then saying, "I have killed the UBO." Among the websites that are loyal to the Ethiopian colonizer (RJ) but oppose the actions of Cabdi iley was an article they wrote: An individual who treats people this way and yet still seeks their sympathy, do you have anything worse than Ina Iley?, He may think he is showing the Ethiopian government what he is capable of, but in truth, he has brought very great disrepute to the government he claims to work for ..
Finally, whoever has doubts about the military or political strength of the ONLF, let him follow the actions of the colonizer and the suffering it is inflicting on the people of S.Ogadenia. The colonizer spends more than 500 million US Dollars every year on propaganda against the ONLF and on the propaganda coming out of Jigjiga, where groups are brought in time and again and hired on contract to record statements that even the children of Ogadenia cannot believe.
It is not Ugaas B.
Shiil or Qararaf who can say that there is peace and development in Ogadenia. Whether this is the case can be reported by international organisations allowed to move freely within the country, and by international journalists who are ready to report impartially and who are allowed to enter the country.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

