Opens in a new tab

Baaq Cambaareyn ah uu Soo Saaray Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya

ONA23 June 2011
Read in English


Ururuka dhalinyarada Ogaden Youth & Students Union (OYSU) wuxuu aad u canbaaraynayaa dilkii fulaynimada ahaa ee loogu gaystay magaalada Nairobi mudane Cabdi Cabdulaahi Muhumed Sayid habeenkii taariikhdu ahayd 19ka bishan June 2011. Dilkan oo ay sirdoonka Ethiopia & Dhuuni-qaatayaasha ka dawarsada ka danbeeyeen ayaa marxuumka oo si nabada u dhax socda magaalada Nairobi xabad lagu furay.

Dilkan uu cadawga Ethiopia u gaysatay marxuumka ayaa cadaynaya fulaynimada ay salkeedu dheertahay ee Ethiopia ay ku gaadayso shaqsi aan hubaysnayn oo dhaxsocdo magaalo nabad ah.

Gudiga fulinta ee dhalinyarada OYSU, kuwa qaaradeedka iyo kuwa Goboleedka, & dhamaan xubnaha dhalinyarada qaranka Ogadenia meelkasta oo ay joogaan, waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan dhamaan eheladii & qaraabadii uu ka shihiiday marxuum Cabdiraxmaan Cabdulaahi Sayid oo ahaa mujaahid tubta halganka mudo dheer ku soo jiray, mabda’iisuna ahaa xornimada umada Ogadenia & sidii ay aayahooda u maamulan lahaayeen. Waxaan leenahay ilaahay samir & iimaan ha idinka siiyo idinka & dhamaan shacabwaynaha S.Ogadeniaba.

Marxuumka oo ahaa geesi aan gabasho aqoon oo u soo halgamay xaqa umada dhacan ee S. Ogadenia ayaa waxaan mar labaad canbaaraynayaa dilkii waxshinimada ahaa ee loo gaystay Mujaahidka ka shihiiday dhamaan S. Ogadenia.

Halgamaaga Taariikhdaa Qorta.

Ururuka Midowga dhalinyarada iyo Ardayda S.Ogadenia (OYSU)

La wadaag