Jahawareer midkii ugu waynaa ee maamul gumaysi u wakiil ah soo mara ayaa ka muuqda Jigjiga taasoo muujinaysa inuu fashilmay barnaamijyadii gumaysiga uu ugu talagalay inuu halganka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ku soo afjaro.
Marka dawlad hadaladeeda iyo hab dhaqankeeda uu is-buriyo, oo qofna qofka kale uu aamini waayo oo midwalba uu hooskiisa ka dido, oo caruurtiisa iyo reerkiisa uu aamni waayo, oo qofwalba uu ugu muuqdo cadaw ka soo horjeeda, oo xabsiyada ay buux-dhaafiyaan dadkii shacabka ahaa ee la noolaa, oo hantidii loogu talagalay dalka boob iyo qaataye qaado loogu dhaqaaqo, oo qofwalba oo masuul ka ah xafiis uu aamino in muddo yar un uu jagada haysan doono, sidaa darteedna uu hamigiisa 1aad noqdo intuu xafiiska joogo inuu ka xoolaysto, dawladaasi waa mid ku jirta xilli kala guur ah oo isula joogta un yaan la ogaanin ceebta meesha taala.
Dhiigyacab Meles arintaa ayaa ka haysata, gaar ahaan maamulka uu dhigtay Jigjiga ee Cabdi iley uga masuulka ahaa laynta shacabka taasoo natiijo dhalin weyday.
Maalin walba waxyaabo kaa qosliya ayaad ka maqli Jigjiga. Waxyaabaha aan isqaadan karin ee Cabdi iley uu doonayo inuu is-qabadsiiyo waxaa ka mid ah; meel wuxuu doonayaa inuu bixiyo sawir ah inaysan jirin ONLF oy u dhamaatay, isla mar ahaantaa waxaa maalinwalba xabsiyada loo taaxaabaa boqolaal shacab ah oo da’walba leh rag iyo dumarba oo lagu soo eedeynayo waxaad tihiin taageerayaal JWXO. Waxaa ka mid ah majaajilada ka socota maalinwalba golayaashiisa in inta wiil dhalinyara ah la soo taago mel fagara ah la leeyahay waxaan soo qabanay sargaal sare oo ONLF oo inta la soo horjoojiyo dad caloola waaweyn oo kuraas ku fadhiya laga sheegsiinayo hadalo la wada xafidsan yahay hadda.
Waxyaabaha qosolka leh ee maalmaham ay qorayeen shabakadaha waxaa ka mid ah in dad kor u dhaafaya 20 loo soo xidh-xidhay hees caan ka ahayd waayadanba maamulka gumaysiga. Heestan oo dhaanta ahaan loo qaado – Bada Jawle een la joojin karayn – ayaa Cabdi iley oo muddo la dhacsanaa TV-giisa Cakaarana ka qaadi jiray loogu macneeyay Jawle waxaa laga wadaa JWXO. Waxaa la sheegay inuu isagoo madax haysta yidhi soo wada qabta kooxdii tumi jirtay iyo kuwii alifay iyo odayaashii isku dayay inay u sharxaan in si khaldan wax loogu sheegay.
Hadda dhantaadaa iyo muusiqadeeda ayaa noqotay dambi qofkii lagu maqlo xabsiga loo taxaabayo, oo daaqadaha loo soo istaagaa dadkii ku jaadi jiray, waxaana laga mamnuucay idaacadda iyo Tv-ga Cakaaro in dhaanto sidaa oo kale loo tumo laga soo saaro.
Xabsiga 15ka sano ah ee lagu xukumay dhiigyacabkii Jeel Ogaden, Cabdi badi ayaa iyada qudheeda ay garan la’yihiin dadka la shaqaysta gumaystaha sababta ka dambaysa. Mana dhici karto in la yidhaahdo Cabdi iley ayaa u xidhay ina bade dhibaatadii uu ku hayay dadka shacabka ah oy isla ogaayeen dilkooda, balse uu Cabdi iley ahaa midka u keensada dadka si loogu ciqaabo ama dilo.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegay in arintan lagu dajinayo dhaliilaha faraha badan ee xukuumadda dhiigyacab Meles loo soo jeediyay eek u saabsan xasuuqa ka socda Ogadenya, arintan ayaa soo saarideeda siraha ku duugan waxaa ku hawlan dad xog ogaal u ah arimaha maamulka adis ababa. Waxaa kaloo la sheegayaa inay jiraan warbixino laga qoray gobolka oo muujinaya inay lagama maarmaan tahay hadii la doonayo Cabdi iley inuu sii joogo xafiiska in la qurxiyo wajigiisa oo loo muujiyo inuu yahay nin u taagan danaha qabiilkiisa si loo soo xiragaliyo. Hasa ahaatee dad badan oo lala tashaday ayaa u arka inuusan Cabdi iley ahayn shaqsi la qurxin karo, sababtoo ah ma ah shaqsi leh caqli iyo aqoon ku filan oo ka soo bixi kara marxaladda uu doonayo gumaysiga Itobiya inuu uga gudbo marxaladii hore ee fashilantay.
Warbixino badan oo naga soo gaadhay Jigjiga ayaanan soo wada dhigi karin asbaabo istraatiiji ah oo la xidhiidha halganka socda darteed, waxaase hubaal oo qof walba u muuqata in xasilooni dari iyo kala shaki iyo kala yaac uu ka dhex socdo maamulka gumaysiga ag-oolka.
Jigjiga/ONA.
Among the laughable things the websites have been writing about in recent days is that more than 20 people have been arrested over a song that had been popular with the colonial administration for some time. This song, which is performed as a dhaanto – "The Jawle Sea That Could Not Be Stopped" – and which Abdi Iley had long been fond of and used to play on his TV at Cakaaro, was explained to him as meaning that "Jawle" refers to the ONLF. It is reported that, holding his head, he said: "Arrest the whole group that used to perform it, those who composed it, and the elders who tried to explain to them that they had been told wrongly."
Now that dhaanto and its music have become a crime, and anyone heard listening to it is dragged to prison, and those who used to listen to it are confronted at their windows, and the radio and Cakaaro TV have been banned from broadcasting any dhaanto of that kind.
As for the 15-year prison sentence handed to the bloodthirsty Abdi Badi of Jeel Ogaden, even those who work with the colonisers themselves cannot figure out the reason behind it. Nor can it be said that Abdi Iley jailed Ina Bade for the suffering he inflicted on civilians, since they were both aware of their killing; rather, Abdi Iley was the one who brought people to him to be punished or killed.
Other sources said that this matter is intended to calm the numerous criticisms directed at the government of bloodthirsty Meles concerning the massacre taking place in Ogadenia, and those busy uncovering the secrets buried in this matter are people with inside knowledge of the affairs of the Addis Ababa administration. It is also reported that there are reports written about the region showing that if Abdi Iley is to remain in office, it is essential to beautify his image and present him as a man standing up for the interests of his clan, in order to bring them on board. However, many people who were consulted believe that Abdi Iley is not a person whose image can be beautified, because he is not someone with sufficient intelligence and knowledge to manage the phase that Ethiopian colonialism wants to move into beyond the previous failed phase.
We cannot publish many of the reports that have reached us from Jigjiga for strategic reasons related to the ongoing struggle, but what is certain and visible to everyone is that instability, mutual suspicion and disarray are spreading within the colonial administration at its core.
Jigjiga/ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

