Shirweynahaa oo socday intii u dhexesay 8-11 Dec. 2011 oy ka qaybgaleen wafti uu hogaaminayo HAD ayaa waxaa lagu aqoonsaday qadiyadda Ogadenya, iyadoo la aqbalay codsigii wafdiga ONLF, halkaasoo uu ka soo baxay badheedhe (motion) loogu magacdaray (Special Motion Regarding the Ogaden) oo u qornaa sidan;
Xukuumadda Itobiya waxay ka wadaa Ogadenya xasuuq u dhigma dambi dagaal iyo mid aadminimo. Qaramada Midoobay iyo haya’adda xuquuqda uu dooda ee Human Rights Watch ayaa labadaba ay xaqiijiyeen dambiyadaa. Kal-fadhiga 2aad ee Shirweynihii 39aad ee xisbiga Nonviolent Radical Party Transnational and Transparty wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Itobiya inay joojiso dambiyadaa waana inay Itobiya;
1- Ka qaado cuna-qabataynta xagga dhaqaalaha iyo samafalka ee saaran Ogadenya.
2- Joojiso dilka sharcidarada ah, xadhiga iyo kufsiga ay u adeegsanayaan dagaalka.
3- Si dagdag ah u soo dayso dhamaan siyaasiyiinta u xidhan oy u ogolaadaan haya’daa Caalamiga ah ee Bisha iyo Laanqayrta Cas (ICRC) inay galaan Ogadenya si haya’daa u gudato waajibaadka saaran sida uu qeexayo xeerka Geneva.
4- Ay soo dayaan labada wariye ee Sweden ee dambiyada aan jirin ee argagixiska lagu eedeeyay una ogolaadaan saxaafadda caalamka inay inay si xor ah u dhex socdaan Ogadenya.
5- Joojiso Itobiya barakicinta qasab ah ee bulshada xoola dhaqatada ah lagu hayo si shirkadaha shidaalka loo siiyo iyo kuwa beeraha dhulkooda.
6- Inay Itobiya kala diraan maleesiyaadka dambiyada dagaal ku haya shacabkooda iyo shacabka Ogadenya.
7- Inay joojiyaan u adeegsiga mucaawanada caalamiga ah hab siyaasdeed iyo ciidan.
8- Inay ogolaato Itobiya wadahadal dhab ah inay la gasho ururka ONLF si dagaalka loo soo afjaro.
Shirweynaha xisbiga Raadikaalka (NRPTT) ayaa waxay ugu baaqayaan Qaramada Midoobay (QM), Midowga Afrika (MA), Midowga Yurub (MY), inay masuuliyad iska saaraan sidii loo joojin lahaa xasuuqa ka socda Ogadenya oo ah asal-tirtir (genocide). Si arintaa u hirgasho waa inay QM, MA, iyo MY u diraan Ogadenya guddi xaqiiqa raadin ah oo soo baadha xad-gudubka oo soo taaga sharciga kuwa masuulka ka ah.
Xisbiga Raadikaalka (NRTTP) wuxuu dhisi doonaa guddi dabagal ku sameeyo talooyinkaa la soo jeediyay.
F.G.Khudbadii HAD hoos ka fiiri adigoo ku dhufanaya magaca ah Abdi Maadi ama gee 47.
ONA.
The congress, which took place between 8 and 11 Dec. 2011 and was attended by a delegation led by HAD, recognised the Ogadenia question. The request of the ONLF delegation was accepted, resulting in a motion named the "Special Motion Regarding the Ogaden", which read as follows:
The Ethiopian government is carrying out massacres in Ogadenia that amount to war crimes and crimes against humanity. The United Nations and the human rights organisation Human Rights Watch have both confirmed these crimes. The 2nd Session of the 39th Congress of the Nonviolent Radical Party Transnational and Transparty calls on the Ethiopian government to stop these crimes, and Ethiopia must:
1- Lift the economic and humanitarian blockade imposed on Ogadenia.
2- Stop the extrajudicial killings, detentions and rape that it uses as weapons of war.
3- Urgently release all detained politicians and allow the International Committee of the Red Cross (ICRC) to enter Ogadenia so that the organisation can carry out its duties as defined by the Geneva Conventions.
4- Release the two Swedish journalists accused of non-existent terrorism crimes and allow the international press to move freely within Ogadenia.
5- Stop the forced displacement of pastoralist communities being carried out so that their land can be given to oil companies and agricultural companies.
6- Disband the militias committing war crimes against their own people and the people of Ogadenia.
7- Stop using international aid as a political and military tool.
8- Agree to enter into genuine negotiations with the ONLF to bring the war to an end.
The congress of the Radical Party (NRPTT) calls on the United Nations (UN), the African Union (AU) and the European Union (EU) to take responsibility for stopping the massacres taking place in Ogadenia, which amount to genocide. To achieve this, the UN, AU and EU must send to Ogadenia a fact-finding committee to investigate the violations and bring those responsible to justice.
The Radical Party (NRTTP) will set up a committee to follow up on the recommendations that have been put forward.
N.B. Watch HAD's speech below by clicking on the name Abdi Maadi or go to 47.
Click Here
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

