
Mudaharaad balaadhan oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka midowga dhalinyarada iyo ardayda Ogaadeeniya (OYSU) Iyo Jaaliyada Ogaadeeniya ee gobolka Minneasota ayaa maanta kadhacay Aqalka Cad ee looga taliyo gobolka Minneasota ee loo yaqaano State Capital building.
Mudaharaadkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii indhaha caalamka loogu soo jeedinlahaa xasuuqa ay Itoobiya kawado gobolka Ogaadeniya ayaa waxaa kasoo qaybgaley dadweyne aad u farabadan oo ay wajigooda kamuuqato xamaasad iyo murugo badan. dadweynihii mudaharaadayey ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo kadhan ah dowlada Itoobiya iyo gabood falada foosha xun ee ay kawada gobolka Ogaadeeniya.
Waxay sidoo kale dadku ka mudaharaadayeen heshiiska been abuurka ah ee ay Itoobiya la gashay shirkahada Shiina ah ee ku saab inay shidaal ka qodaan Ogaadeeniya arintaas oo ay shacabka reer Ogaadeeniya cadho badan kamuujiyeen shirkadaha shiina ah ee isku dayaya in ay bililiqaystaan shidaalka Ogaadeeniya. Mudaharaadkan kaliya kuma koobneyn gobolka Minneasota ee waxaa kale oo uu mudaharaadkan mid lamida lagu qabtay gobolo badan oo kamid ah gobolada maraynkan sida;
Dallas Texas
Fargo North Dakota
Sandiego California
Loss angels California
Ugu dambeyntiina mudaharaadkan oo ahaa mid in badan laga soo shaqeynayey gobolo badana iskumaalin laga qabtay ayaa u dhacay si aad iyo aad u heersaraysa iyada oo ay meeshaas joogeen inta badanba warbaahinta ama Media gobola kaladuwan ee uu mudaharaadku dhacay maanta. Waqooyiga maraykanka oo ay ku noolyihiin jaaliyadaha ugu balaadhan ee ka soo jeeda bogolka Ogaadeeni ee kudhaqan qurbaha ayaa qabanqaabinaya in ay qabtaan mudaharaadyo kan lamid ah oo siwada jir ah looqabto mustaqbalka dhow.
MN/ONA
A large demonstration jointly organised by the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) and the Ogadenia community of the state of Minnesota took place today at the White House from which the state of Minnesota is governed, known as the State Capital building.
The demonstration, whose purpose was to draw the world's attention to the massacre Ethiopia is committing in the Ogadenia region, was attended by a very large crowd whose faces showed great passion and deep sorrow. The demonstrators chanted slogans against the Ethiopian government and the ugly abuses it is committing in the Ogadenia region.
The people were also protesting against the fraudulent agreement Ethiopia has entered into with Chinese companies to extract oil from Ogadenia, a matter over which the people of Ogadenia have shown great anger towards the Chinese companies attempting to plunder Ogadenia's oil. This demonstration was not limited to the state of Minnesota; a similar demonstration was also held in many other American states, such as:
Dallas Texas
Fargo North Dakota
Sandiego California
Loss angels California
Finally, this demonstration, which had been worked on for a long time and was held simultaneously in many states, took place at a very high standard, with most of the media of the various states where the demonstration took place today present. North America, home to the largest diaspora communities originating from the Ogadenia region, is organising similar demonstrations to be held jointly in the near future.
MN/ONA

AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

