Shir ay wadajir u soo abaabuleen Haya’adaha Xuquuqda Aadanaha ee (International Federation for Human Rights (FIDH) iyo haya’adda Xuquuqul Insaanka Jabuuti (DjiboutiLeague for Human Rights (LDDH) ayay kaga codsadeen in aanay xukuumadda u adeegsanin dadka banaanbaxaya awood xad-dhaaf ah. talaabadan ayay ku tilmaameen mucaaradka inay keenayso in caalamka u soo jeedsado hadda xadgudubka uu M/Weynaha Jabuuti ku hayo mucaaradka ka soo horjeeda.
Mudane Cabdiraxmaan Boreh oo arintaa ka hadlay ayaa yidhi;
” Waa arin wanaagsan in xaaladda Jabuuti ka taagan uu caalamka u soo jeedsado. Waxaanan doonaynaa intaa wax ka badan oo ah in saxaafadda caalamka ay u soo jeedsato iyo in dadweynaha ay u istaagaan xuquuqdooda.”
Ciidamada Booliska ayaa kala eryay iyagoo xoog isticmaalay boqolaal ku soo banaabaxayay Wasaaradda Garsoorka horteeda iyagoo codsanaya in la soo daayo nin ka mid ah mucaaradka Jabuuti oo lagu magacaabo Sheekh Bashiir Cabdiraxiim.
Dadka ayaa ka gadoodsan sida loo xaday codkooda doorashadii ugu dambaysay oo inta badan ay ka soo horjeedsadeen in mar 3xaad la doorto Ismaaciil C. Geele hasa ahaatee codkoodii loo rogay dhanka kale.
Cali Saalax oo ah arday jaamacadda dhigta ayaa saxaafadda u sheegay oo yidhi;
“Kuma aanay ekaanin inay xadaan guushanadii doorashada, waxay hadda xabsiga ku gurayaan dadkii aan u codeynay.”
Xisbiga M/weynaha ayaa sheegtay inuu ku guulaystay 49 kursi Golaha Baarlamaanka oo ka kooban 65.
Jabuuti ayaa aad u qasan ka dib markii uu diiday M/weynaha Jabuuti oo ka dhaxlay 1999kii jagada M/weyninimada abtigii Xassan Guuleed Abtidoon markuu geeriyooday inuu ilaaliyo Dastuurka oo qeexayay inuusan laba jeer ka badan isu soo sharixin jagada.
Wuxuu isku dayay M/Weyne Ismaaciil C. Geele in doorkii 1aad ee madaxtinimadiisa u muuqdo inuu yahay M/weyne Somalinimo ay ku jirto oo diyaar u ah inuu umadda Somaliyeed danaheeda wax ka qabto. Waxaa lagu xasuustaa shirkii Carta ee lagu dhisay dawlidii Cabdiqaasim Salaad. Hasa ahaatee wuxuu ugu dambayntii gacanta u galay yeedhinta Itobiya oo ku qasabtay inuu soo qabqabto dadkii qaxootinimada u soo galay dalkiisa ee ka soo cararay cadaadiska gumaysiga Itobiya. Talaabo aad u fool xun oo ka baxsan dhaqanka Islaamnimada iyo midka Somalinimada ayuuna kula kacay isagoo u gacan galiyay sirdoonka Itobiya dhalinyara badan oo halkaa magangalyo u joogtay.
Halkan ka dhagayso Afhayeenka mucaaradka Jabuuti mudane Axmad rayaale oo ka warbixinaya arimahaa.
http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Mucaaradka-Jabuti.mp3
ONA.
Police forces used force to disperse hundreds who were demonstrating in front of the Ministry of Justice demanding the release of a member of the Djibouti opposition named Sheekh Bashiir Cabdiraxiim.
The people are angry at how their votes were stolen in the last election, in which most of them opposed Ismaaciil C. Geele being elected for a 3rd time, but their votes were turned to the other side.
Cali Saalax, a university student, told the press:
"They did not stop at stealing our election victory; they are now throwing into prison the people we voted for."
The President's party claimed it won 49 seats in the 65-member Parliament.
Djibouti has been in great turmoil since the President of Djibouti, who in 1999 inherited the office of the presidency from his maternal uncle Xassan Guuleed Abtidoon upon his death, refused to respect the Constitution, which stipulated that he could not run for the office more than twice.
During his 1st term in office, President Ismaaciil C. Geele tried to appear as a president with a sense of Somali identity who was ready to work for the interests of the Somali nation. He is remembered for the Carta conference at which the government of Cabdiqaasim Salaad was formed. However, he ultimately fell under the sway of Ethiopia's summons, which forced him to round up the people who had entered his country as refugees, having fled the oppression of Ethiopian colonialism. He also carried out a very ugly act, contrary to the customs of Islam and of Somali identity, by handing over to Ethiopian intelligence many young people who had sought asylum there.
Listen here to the spokesman of the Djibouti opposition, Mr Axmad rayaale, reporting on these matters.
http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Mucaaradka-Jabuti.mp3
Read More:
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
