
Mudadaii yareyd uu barnaamijka Ileys hawada ku jiray wuxuu ka kasbaday dunida daafaheeda daawadaal badanoo u oomanaa inay la socdaan laba arimood.
1- Halganka ka socda Ogadenya heerka uu marayo – gude iyo dibadba -, dhibaatada uu gumaysiga ku hayo shacabkaa, xidhiidhka uu la smaynayo halganka shacabka Ogadenya caalamka dibadda, xidhiidhka sii wanaagsanaanaya ee ka dhexeeya JWXO iyo shacabka Somaliyeed.
2- Dhibaatada ay ku hayaan guud ahaan umadda Somaliyeed gaar ahaan shacabka halgamaya ee Ogadenya maamulada uu gumaysiga Itobiya abuuray sida Kililka 5aad, midka 6aad iyo midka 7aad. In shacabka Somaliyeed la tuso oo farta loo saaro cadawtinamada uu u qabo umadda Somaliyeed iyo shirqoolada uu la maagan yahay Kaligii taliyaha Itobiya Meles Zinawi qaranimadii Somaliyeed.
Mudadii yareyd ee barnaamijka Ileys uu hawada ku jiray wuxuu si hufan u waraabiyay shacabkii u oomanaa arimahaa, wuxuuna noqday barnaamijka loogu daawasho badnaa, marka la eego mudadii uu socday iyo guud ahaan caqabadihii ku xeernaa.
Risaaladii Ileys ee saaxiiba bandan kasbatay, shaki kuma jiro in cadawgii umadda Somaaliyeed uusan farxad galin sidoo kalena qaar badanoo isqarin jiray oo tooshka Ileys uu qabtay iyagoo sii hulaalanaya godadka gumaysiga inay colaad badan u qaadeen.
Daawadayaal badan oo nala soo xidhiidhay ayaa uga shakiyay inuu cadawga ku guulaystay ugu damabyn inuu bakhtiiyo Ileys-kii u bidhaamayay shacabka. Waxaanse ugu bishaareynaynaa inaysan arintu sidaa ahayne uu jiro mashruuc ka balaadhan oo goor dhow soo gali doona hawada lagana daawan doono qaaradaha caalamka oo idil. Barnaamijkii ka socday Somali Chanell wuxuu ahaa tijaabo ku meel gaar ah, wayna fushay tijaabadii haddana waxaan u gudbaynaa marxaladii 2aad, waxaana xigi doonta marxalad kale oo 3xaad.
Shacabka S.Ogadenya wuxuu ku xaqiijinayaa himiladiisa Isku tashi iyo Mintidnimo. Waxaad sugtaanba waa Barnaamijkii Ileys iyo Marxaladiisii 2aad (Phase Two).
ONA.
During the short period that the Ileys programme was on the air, it won a large audience across the world, viewers who were thirsty to follow two matters.
1- The stage the struggle in Ogadenia has reached – both at home and abroad –, the suffering the coloniser is inflicting on that people, the relations the struggle of the people of Ogadenia is building with the outside world, and the ever-improving relationship between the ONLF and the Somali people.
2- The suffering inflicted on the Somali nation in general, and in particular on the struggling people of Ogadenia, by the administrations created by Ethiopian colonialism, such as the 5th Region, the 6th and the 7th. To show the Somali people, and point a finger at, the enmity that the Ethiopian dictator Meles Zinawi holds towards the Somali nation and the conspiracies he is plotting against Somali nationhood.
During the short period that the Ileys programme was on the air, it thoroughly quenched the thirst of the people who were longing for these matters, and it became the most watched programme, considering the time it ran and the obstacles that surrounded it in general.
There is no doubt that the message of Ileys, which won many friends, did not please the enemy of the Somali nation, and likewise that many who used to hide, and whom the torch of Ileys caught as they were still wandering through the holes of the coloniser, came to harbour great hostility towards it.
Many viewers who contacted us suspected that the enemy had finally succeeded in extinguishing the Ileys that was shining a light for the people. However, we bring them the good news that this is not the case; rather, there is a broader project that will soon go on the air and will be watched on all the continents of the world. The programme that ran on Somali Channel was a temporary trial, and that trial was fulfilled; now we are moving on to the 2nd phase, and it will be followed by another, 3rd phase.
The people of Ogadenia are realising their aspiration through self-reliance and steadfastness. What you are all waiting for is the Ileys programme and its 2nd Phase (Phase Two).
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
