
Faahfaahin iyo sawiro dheeraad ah – Ururka Dhalinyarada OYSU iyo Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Kenya ayaa maanta shir heer sare ah waxay ku muujiyeen dareenkooda ku wajahan Xasuuqa iyo gumaadka Ogaadeeniya ka socoda Shirka oo ka dhacay Hotelka ku yaala badhtaha Xaafada Soomaalidu dagantahay ee Islii ayey ka soo qayeb galeen boqolaal ka tirsan dhalinyarad Ogaadeeniya ka soo jeeda ee ku nool xaafadaasi Sidoo kalena Shirka Waxaa goob joog ka ahaa Duqa magaalad Gaarisa Mudane Ismaaciil Maxamed Garaad iyo dhalinyaro kale oo ku welisay imaatinka shirka.
Hadaba Shirkan oo ahaa shir dareen murugo xanbaaranaa khudbado kala duwan ka soo jeediyey mas’uuliyiin badan waxaan oogu horeyn khudbadii furitaanka jeediyey Xoghayaha Ururka Oysu Mudane Xassan Macali Cara oo dhalinta u sheegay maanta ay ahmiyada gooni ah u leedahay dhalinta Ogaadeeniya wuxuuna Xassan Yidhi; “Waxaan maanta la Murugooneynaan Hooyooyinka reer Ogaadeeniya ee asaydu u saarantahay sidoo kalena waxaan ka murogooneynaan dhibaneyaasha kale ee ay kamid yihiin gabdheena ku waayey sharaftooda”wuxuu Xassan intaas raaciyey in bisha February ay tahay bishii ay dheceen dhacdooyina xasuuq kuwii oogu badanaa ayna ahmidyad gooni ah u leedahay shacabka Soomaalida Ogaadeeniya waan xusuusanahay Xasuuqii Wardheer,Qabridahare,Dhagaxbuur Jigjiga, Qabribayax, Godey iyo dhamaan magaalooyinka kale ee dhulkeena ka dhacay sidoo kalen waan xusuusanahay weeraradii dadkeena loo gaystay, Mudane Xassan oo dhalinta Xusuusinayey aya yidhi ma aha wax cusub mana aha wax xili fog ah wax aan Xusayno aan fiirino xauuqii oogu danbeeyey 15 kii bihan oo maalmo kaliya ay ka oo wareegatay Magaalad Gunagado ayaa lagu laayey dad shacab aha oo gaadhay 19 qof.

Shirka oo sii socoday ayaa laga akhriyey qoraalo loogu talogalay munaasabada kuwaas oo dhamaantood ay ku xusnaayeen dhacadooyinka iyo xiliyada ay kala dhaceen dadkii lagu laayey xasuuqayada Ogaadeeniya ka dhacay tirokoobkooda waxaan marar badan shirka hadhaynayey hooyin iyo xusuus murugoleh maadaam dadka jooga intooda badan ay yihiin kuwo si qoto dheer oola socoda dhacdooyinkan iyo xiliyada ay dhaceen qaarkoodan ay ku jireen dad ehelkoda ahaa dadkaa la laayey.

Waxaa shirka hadal Kooban ka jeediyey Duqa Magaalada Gaarisa ee caasimada gobolka W/Bari Kenya Mudane Ismaaciil Maxamed Raage wuxuu dhalinta ku yidhi Ismaaciil “Ma aha in aad maanta ku tilmaantaan Maalin murugo waa maalin farxadeed sababtoo aha halgankii jwxo wuu socodaa wixii looga danlahaa xasuuq waxay ahayed in halgankiina la joogiyo mana istaagin halgankii” Wuxuuna ku guubaabiyey dhalinta Ogaadeeniya ee Kenya ku nool in ay ka faa’iidaystaan aqoonta oo ay waxbartaan si ay u anfacaan dalkoodii hooyo anaguna waan idin garabtaaganahay xili walba. Waxaa sidoo kale shirka ka hadalay dhalinyaro ka soo jeeda gobolka W/bari-Kenya oo dhamaantood sheegay in ay aad oogu faraxsanyihiin taageerasan yihiin garbana siinayaa dhalinta ogaadeeniya.

Dadweynihii shirka joogay ayaa aad oola dhacay heeso ay Kooxda Danab ee Xidigaha jwxo oogu talogaleen maalinta Xasuuqa Ogaadeeniya iyadoo ay goobta fadhiyeen Abwaano uu oogu horeeyo Abwaan Axmed Sh Cali Heelaale Heestan iyadoo dhalinta Kooxda Danab iyo Abwaanad shirka joogay ay soo bandhigeen Suugaan ay ku cabirayaan Xasuuqa shacabka Ogaadeeniya lagu hayo.

Gabogabadii shirka waxaa ka hadalay dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo kamid ahaa marti sharaftii shirka waxayna dhalinta Ogaadeeniya ooga mahadceliyeen sida wanaagsan ee soomaalinimadu ku jirto ee ay ooga danqanayaa meel walba oo dadka soomaaliyeed ku dhibanyihiin waxayn qaarkood sheegeen in dareenkood ay aad u soo jiidatay markii uu Abwaan heelaal sheegay in uu isku si jidhkiisu oogu danqado maatida muqdisho lagu laayo iyo kuwa Ogaadeeniya.



ONA/Nairobi
Details and additional photos - The Ogaden Youth and Students Union (OYSU) and the Ogadenia community in Kenya today held a high-level conference at which they expressed their feelings about the massacres and genocide taking place in Ogadenia. The conference, which took place at a hotel located in the centre of Eastleigh, the neighbourhood where Somalis live, was attended by hundreds of Ogadenia youth living in that neighbourhood. Also present at the conference was the Mayor of Garissa town, Mr Ismaaciil Maxamed Garaad, along with other young people who added to the attendance of the conference.
This conference, which carried a sense of sorrow, saw various speeches delivered by many officials. First, the opening speech was given by the Secretary of OYSU, Mr Xassan Macali Cara, who told the youth that today holds special importance for the Ogadenia youth. Xassan said: "Today we mourn with the mothers of Ogadenia who bear the grief, and we also mourn the other victims, among them our girls who lost their dignity." Xassan added that February is the month in which the largest massacres took place and that it holds special importance for the Somali people of Ogadenia. "We remember the massacres of Wardheer, Qabridahare, Dhagaxbuur, Jigjiga, Qabribayax, Godey and all the other towns in our land where they occurred, and we also remember the attacks carried out against our people." Mr Xassan, reminding the youth, said: "What we commemorate is not something new, nor something from long ago. Let us look at the most recent massacre, on the 15th of this month, just a few days ago, in the town of Gunagado, where civilians numbering 19 people were killed."
As the conference continued, writings prepared for the occasion were read out, all of which recorded the events, the times at which they occurred, and the numbers of the people killed in the massacres that took place in Ogadenia. Many times the conference was overshadowed by weeping and sorrowful remembrance, since most of the people present were those who follow these events and the times they occurred very closely, and some of them had relatives among the people who were killed.

A brief speech was given at the conference by the Mayor of Garissa, the capital of Kenya's North Eastern Province, Mr Ismaaciil Maxamed Raage. Ismaaciil told the youth: "You should not describe today as a day of sorrow; it is a day of joy, because the struggle of the ONLF continues. What was intended by the massacres was to stop your struggle, and the struggle has not stopped." He urged the Ogadenia youth living in Kenya to take advantage of knowledge and to get an education so that they can benefit their motherland, "and we stand by you at all times." Also speaking at the conference were young people from Kenya's North Eastern Province, all of whom said that they are very pleased, that they support the Ogadenia youth and stand shoulder to shoulder with them.

The public attending the conference greatly enjoyed songs that the Danab Group of the ONLF Stars had prepared for Ogadenia Massacre Day, while poets were seated at the venue, foremost among them Poet Axmed Sh Cali Heelaale. In addition to this song, the youth of the Danab Group and the poets attending the conference presented literature expressing the massacres being inflicted on the people of Ogadenia.

At the close of the conference, Somali youth who were among the guests of honour spoke. They thanked the Ogadenia youth for the fine Somali spirit within them, through which they feel for Somali people wherever they are suffering. Some of them said that they were deeply moved when Poet Heelaale said that his body aches equally for the children being killed in Mogadishu and those in Ogadenia.
ONA/Nairobi
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
