Opens in a new tab

BAYAAN DEGDEG AH

ONA23 June 2026
Read in English

Baaq Nabadeed iyo Cambaareyn ku Saabsan Dagaallada iyo Xadgudubyada Ka Socda Deegaanka Doollo

23 Juun 2026

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay dagaallada, daadinta dhiigga iyo xadgudubyada halista ah ee maalmahan ka socda deegaanka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wararka la helayo waxay muujinayaan in shaqaaqo ka dhex bilaabatay laba reer oo wada dhashay ay isu beddeshay masiibo bani’aadamnimo oo aad u culus, kaddib markii ciidamo ka tirsan Liyuu Booliiska loo diray goobta, balse halkii laga filayay inay dhexdhexaadiyaan, xasiliyaan xaaladda, isla markaana kala dhexgalaan labada dhinac, ay ku kaceen adeegsiga awood xad-dhaaf ah oo si gaar ah loogu beegsaday mid ka mid ah labada reer.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah, dhacdooyinkaas waxaa ku naf waayay in ka badan labaatan qof, halka ku dhawaad afartan qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay, khatartuna sii jirto.

ONLF waxay si adag u cambaaraynaysaa dhammaan falalka sababay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku baaqaysaa qodobadan soo socda:

Kow, ONLF waxay ugu baaqaysaa labada reer ee walaalaha ah inay si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dagaalka iyo colaadda aan wax faa’iido ah u lahayn bulshada Soomaaliyeed. Colaadaha noocan ahi waxay dhaawacayaan wadajirka bulshada, waxayna fursad siinayaan cid kasta oo danaynaysa sii kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed.

Laba, ONLF waxay ugu baaqaysaa Dowlad Deegaanka Soomaalida inay si degdeg ah u joojiso dhammaan falalka waxshinimada ah iyo adeegsiga xoogga xad-dhaafka ah ee lagu beegsanayo shacabka. Waajibaadka hay’adaha amnigu waa ilaalinta nolosha iyo badbaadada muwaadiniinta, mana aha inay qayb ka noqdaan hurinta ama sii ballaadhinta colaadaha bulshada dhexdeeda.

Saddex, ONLF waxay dalbanaysaa in la sameeyo baadhitaan madax-bannaan oo degdeg ah oo lagu ogaanayo masuuliyadda dhacdooyinkan, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug lahayd dilalka iyo xadgudubyada dhacay.

Afar, ONLF waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah magdhow iyo gargaar loo gaadhsiiyo dhammaan qoysaska ay waxyeelladu soo gaadhay, gaar ahaan ehellada dadkii la dilay iyo kuwa dhaawacmay.

Shan, ONLF waxay ugu baaqaysaa isimada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo dhammaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaanka inay si degdeg ah ugu gurmadaan xalinta khilaafkan, kana shaqeeyaan dib-u-heshiisiin waarta oo dhex marta labada reer ee walaalaha ah, si looga hortago in colaaddani sii faafto.

Ugu dambayn, ONLF waxay xusuusinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in colaadaha sokeeye aysan waligood xal u noqon dhibaatooyinka jira. Dad wada dhashay oo is dilaya ma guulaystaan; guuldarradu waxay ku dhacdaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Ilaalinta nabadda, wadajirka iyo xurmada nolosha bani’aadamku waa mas’uuliyad ka sarraysa dan kasta oo gaaban.

Waxaa lagama maarmaan ah in caqliga, dhaqanka iyo wada noolaanshaha Soomaaliyeed ay ka sarreeyaan aargoosiga iyo xamaasadda colaadeed.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO_ONLF)

23 Juun 2026

La wadaag