Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya
Xarunta Dhexe ee JWXO
Bayaan
Shir hawleed ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Dhexe ee ku sugan Xarunta Dhexe/ JWXO ee gudaha dalka Ogaadeenya intii u dhaxaysay 19 – 22 bishan December, waxaa lagu qiimeeyay:
a- Xaaladda guud ee halganka iyo duruufaha ku xeeran.
b- Qiimayn xaaladaha cadawga uu ku sugan yahay.
c- Xaaladaha ka jira Geeska Afrika.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa la isla qiray in guulo wax ku ool ah laga gaadhay halganka shacabka Ogadenya ee gaadhay heer sare oon ka soo laabad lahayn iyo gaar ahaan hawlagadii ciidan ee la qaaday intii u dhaxaysay labada Shir-hawleed.
Waxaa la qiray inuu cadowga taliska Addis Ababa ku guul daraystay dhamaan qorshayaalkiisii ku wajahnaa Geeska Afrika gaar ahaan Ogadenya. Waxaa hoosta laga xariiqay inuu cadawgu ku sugan yahay marxalad burbur ah oo dhinac walba ah, sida ciidankiisa uu ku jira amardiido, goosi iyo mooraal xumo uuna garanaynin sabab uu ugu dhinto Ogadenya iyo siyaasadiisa oo gebi dhaclaynaysa oo meel kasta ka soo xidhantay.
Markii ajandaha shirka si mug leh looga wada hadlay waxaa lagu go’aamiyay si loo dardargaliyo halganka qodobada soo socda;
- In la fuliyo islamarkaana la sii xoojiyo go’aamadii Shir- hawleedkii hore.
- In la fashiliyo shirqoolada cadawga lana burburiyo ujeedooyinka aan midho dhalka lahayn ee soo noqnoqonaysa.
- Waxaa la ansixiyay qorsho shaqeedka la jaan qaadaya xilligan.
- Waxaa shirka canbaarayn looga soo jeediyay falalka argagixisnimo ee uu gumaysigu kula kaco shacabka birmagaydada ah ee Ogadenya.
- Waxuu shirku canbaareeyay shirkada shisheeyaha ah ee damaca foosha xun ee doonaya inay boobaan khayraadka rabaaniga ah ee Ogaadeenya.
- Shirku waxa uu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogaadenya (CWXO) ee sida geesinimada ah u gutay xilkiisa. Sidoo kale shirku wuxuu hanbalyo iyo bogaadin u diray shacabka Ogaadeenya gude iyo dibadba siduu u garab-istaagay hogaanka iyo ciidanka JWXO ee u taagan raadinta xaqa aayo ka talinta shacabka.
- Wuxuu shirku shacabka uga digay inayna ku kadsamin beenta iyo shirqoolada dhagareed ee cadowga una adkaystaan dibindaabyada uu ku hayo.
Wuxuu shirku u soo jeedinayaa digniin kama dambays ah kuwa biidhi qaatayaalka ah ee naftoodii, caqiidadoodii iyo sharaftii qaranimadooda iibsaday inay ka waantoobaan haddii kale ay la kulmi doonaa caaqibo xumo.
Midnimo – Mintid – Iskutashi – Guul
A/AKBAR A/AKBAR A/AKBAR
ONA.
Ogaden National Liberation Front
ONLF Central Headquarters
Statement
A working meeting attended by members of the Central Council based at the ONLF Central Headquarters inside the country of Ogadenia, held between 19 and 22 December this month, assessed:
a- The overall situation of the struggle and the circumstances surrounding it.
b- An assessment of the situation the enemy is in.
c- The situation in the Horn of Africa.
After lengthy debate and analysis, it was agreed that effective successes have been achieved in the struggle of the people of Ogadenia, which has reached a high level from which there is no turning back, in particular the military operations carried out between the two working meetings.
It was acknowledged that the enemy, the Addis Ababa regime, has failed in all of its plans directed at the Horn of Africa, particularly Ogadenia. It was underlined that the enemy is in a state of collapse on every front: its troops are mired in insubordination, desertion and low morale and do not know why they should die in Ogadenia, while its policy is failing completely and has become blocked on every side.
After the meeting's agenda was discussed thoroughly, the following points were decided in order to accelerate the struggle;
- To implement and further strengthen the decisions of the previous working meeting.
- To foil the enemy's conspiracies and destroy its fruitless, recurring aims.
- A work plan in keeping with the current period was approved.
- The meeting condemned the acts of terrorism committed by the colonizer against the defenceless people of Ogadenia.
- The meeting condemned the foreign companies with evil greed that seek to plunder the God-given natural resources of Ogadenia.
- The meeting praised and commended the Ogaden National Liberation Army (ONLA), which has courageously carried out its duty. The meeting also sent congratulations and commendation to the people of Ogadenia, both at home and abroad, for standing by the leadership and the forces of the ONLF, who stand for the pursuit of the people's right to self-determination.
- The meeting warned the people not to be deceived by the lies and treacherous conspiracies of the enemy, and to stand firm against the abuses it is inflicting on them.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

