Taliska Ethiopia ee madaxda uu ka yahay kaligii taliye Zenawi ayaa canbaareyn kulul caalamku usoo jeediyay kadib markii maxkamad kutaala magalada Addis Ababa ay si sharciga caalamka ka baxsan ay xukun ugu riday laba wariye oo u dhashay wadanka Sweden. Labada wariye ayaa laga soo qabtay dhulka Ogadeniya ayaga oo baadhitaano ka wada ay ku daba jooggeen shirkadaha shidaalka iyo tacadiga Gumeysiga Itoobiya ku hayo shacabka Somalida Ogadeniya.
Wadanka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay war saxafadeed uu kaga hadlayo wariyaasha sida sharci darada ah ugu xidhan taliska Ethiopia ku sheegay inay dowlada Ethiopia ay xidhay laba wariye oo u dhashay wadanka Sweden oo kasoo waramayay dhulka Ogadeniya. Waxa aan Taliska Ethiopia aanu horey ugu sheegnay markii aanu kala xaajooneynay arrimaha xuquuqul insaanka in xoriyada saxaafadu tahay asaasiga demoqradiyada. warsaxafadeedka mareykanku ku dhaleecayay dowlada Ethiopia waxa uu daba socday oo taagero u muujiyay dowlada Sweden oo iyana si kulul uga hadashay xukunka labada wariye
Raisal wasaraha wadanka Sweden ayaa isagu si kulul u canbaareyay xukunka labada wariye waxa uuna si kulul u sheegay in si dhaqso leh ay dowlada Ethiopia u sii dayso labada wariye oo aminsanahay inay shaqadoodii gudanayeen. Waa in lasii daayo si ay labadaas wariye reerkoodii ula kulmaan sida ugu dhaqso badan.
Xukunka labada wariye ayaa waxa dowlada Ethiopia ay kusoo beegtay xilli dadka heysta diinta Kiristianku ay u dabbaal dagayaan Kirismaska xillilgaas oo ah xilli ay ehelada iyo qarabadu isasoo booqdaan. haddaba dowlada Ethiopia oo aad ugu xumeynaysa dowlada Sweden ayaa xukun ku rogtay labada wariye ay ku sheegeen inay danbi ku heleen labada wariye midkaas oo xadhigoodu noqon karo 15 sanno oo xabsi ah. Dhamaan qaadiyadi maxkamaduna waxa ay isku raaceen in labada wariye ay ahaayeen danbilayaal u addeegayay argagaxiso.
Waalidka iyo asxaabta labada wariye oo uu weheliyo safiirka sweden ee Addis Ababa ayyaa ka baxay goobtii maxkamada markii xukunku dhacay ayyaga oosan la hadlin saxaafada.
Jonas Nordling oo ah Gudoomiyaha midowga saxaafada Sweden ayaa xukunkan labada wariye ku sheegay in ay tahay iskuday dowlada Ethiopia kaga hortageyso in baadhitaano lagu sameeyo xadgudubyada ay dowlada Ethiopia ka geysato dhulka Ogadeniya. Waxa isaga oo hadalkisa sii wata uu yiri xukunkani waa xukun siyaasi mana jiro wax caddeyn ah in labada wariye danbi ay galleen. Labada wariye si sharci ah oo waafaqsan nidaamka suxufiyiinta ayay ku howlgalayeen.
Nordling waxa uu sheegay in dowlada Ethiopia aysan rabin si madax banaan in loogaso waramo dhulka Ogadeniya oo ay rabbaan in caalamka oo dhan ay ka awdaan.
Waxa kale oo si kulul uga hadlay dhamaanba midowga suxufiyiinta ee caamka ka jira illaa heer gobol. Xukunkan ayaa noqday mid wariyaasha caalamka oo dhan ay si qotto dheer daba gal ugu hayeen ulana socdeen xaalada labada wariye iyo nidaamka aan sharciga aheyn ee lagula dhaqmay wariyaasha.
Hayada Xuquuql insaanka ee Amnesty International ayaa sidoo kale war saxaafadeed kasoo saartay ay dowlada Ethiopia ku dhaleecaysay uguna baaqday inay sii dayso wariyaasha una fasaxdo dhulka Ogadeniya saxaafada.
Sidoo kale waxa xidhaygan ka hadlay Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya oo ku tilmaamtay xukunka wariyaasha mid lagu cabsi galinayo wariyaasha. Sidoo kale waxa Jabhada ONLF ay ka hadashay beesha caalamka ee falalka danbi kusii taagersan gumeysiga Ethiopia.
Haddaba xukunkan labada wariye waxa uu xidhiidhka labada wadan ee Sweden iyo Ethiopia oo markii horeba ahaa mid aad u liitay uu gaadhsiiyay heer aad u hooseeya. Dolwada Swedena waxa caddaadis badan uga yimid Suxufuyiinta midowga Sweden iyo guud ahaanba shacabka Ree Sweden oo arrintan u arka in aysan dowlada Sweden sidii loogu talo galay uga howlgalin. Waxaana horey loogu eedeyay wasiirka arrimaha dibada ee Sweden innuu kamid ahaa maamulka Lundin Petrolium oo ah shirkad baadha shidaalka saamina ku leh ceelasha shidaalka ee Ogadeniya.
Dadka quburada ah ee indho indheeya siyaasada Geeska Afrika ayaa ku tilmaamay xukunka wariyaasha Sweden ficil doqonimo ah oo ay dowlada Ethiopia gaadhay. Waxa uu ka horkeenaya wadamada Ree galbeedka sidoo kale waxa uu sare u qadaya qadiyada somalida Ogadeniya oo helaysa waji cusub oo beesha caalamku ku eegto.
Waxa hadda ka hor ay dowlada Ethiopia xidhay wariyaal ka socday New York Times taas oo ku noqotay dhabar jab taliska Ethiopia. Kadib markii warbaahinta caalamku soo bandhigtay tacadiyada gumeysi ee lagu hayo somalida Ogadeniya.
ONA
SWEDEN
The Ethiopian regime, headed by the dictator Zenawi, has faced strong condemnation from the world after a court in the city of Addis Ababa, in a manner contrary to international law, sentenced two journalists who are citizens of Sweden. The two journalists were arrested in the land of Ogadenia while carrying out investigations into the oil companies and the abuses that Ethiopian colonialism is inflicting on the Somali people of Ogadenia.
The United States, for the first time, in a press statement addressing the journalists unlawfully held by the Ethiopian regime, stated that the Ethiopian government had detained two journalists who are citizens of Sweden and who were reporting from the land of Ogadenia. "We have previously told the Ethiopian regime, when we discussed human rights issues, that press freedom is the foundation of democracy." The American press statement criticising the Ethiopian government followed, and showed support for, the government of Sweden, which also spoke out strongly about the sentencing of the two journalists
The Prime Minister of Sweden strongly condemned the sentencing of the two journalists and strongly stated that the Ethiopian government should swiftly release the two journalists, who he believes were carrying out their work. "They must be released so that these two journalists can be reunited with their families as quickly as possible."
The Ethiopian government timed the sentencing of the two journalists to coincide with the period when people of the Christian faith celebrate Christmas, a time when families and relatives visit one another. So the Ethiopian government, which is greatly offending the government of Sweden, handed down a sentence on the two journalists, saying they had found the two journalists guilty, a verdict for which their imprisonment could amount to 15 years in jail. All the judges of the court agreed that the two journalists were criminals who had been serving terrorists.
The parents and friends of the two journalists, accompanied by the Swedish ambassador in Addis Ababa, left the courtroom when the verdict was delivered without speaking to the press.
Jonas Nordling, the Chairman of the Swedish Union of Journalists, said that this sentencing of the two journalists is an attempt by the Ethiopian government to prevent investigations into the violations the Ethiopian government commits in the land of Ogadenia. Continuing his remarks, he said this verdict is a political verdict and there is no evidence that the two journalists committed a crime. The two journalists were working lawfully and in accordance with the code of journalists.
Nordling said that the Ethiopian government does not want independent reporting from the land of Ogadenia and wants to shut it off from the whole world.
All the journalists' unions in the world, down to the regional level, have also spoken out strongly. This verdict has become one that journalists all over the world have been following closely, keeping track of the situation of the two journalists and the unlawful manner in which the journalists were treated.
The human rights organisation Amnesty International likewise issued a press statement in which it criticised the Ethiopian government and called on it to release the journalists and to open the land of Ogadenia to the press.
The Ogaden National Liberation Front also spoke about this detention, describing the sentencing of the journalists as one intended to intimidate journalists. The ONLF also spoke about the international community, which continues to support the criminal acts of Ethiopian colonialism.
So this sentencing of the two journalists has brought relations between the two countries, Sweden and Ethiopia, which were already very poor, down to a very low level. The Swedish government has come under heavy pressure from the Swedish Union of Journalists and from the Swedish public in general, who see this matter as one in which the Swedish government did not act as it should have. The Swedish foreign minister had previously been accused of having been part of the management of Lundin Petroleum, a company that explores for oil and has a stake in the oil wells of Ogadenia.
Experts who observe the politics of the Horn of Africa have described the sentencing of the Swedish journalists as a foolish act committed by the Ethiopian government. It sets it against the Western countries, and it also raises the profile of the cause of the Somalis of Ogadenia, which is gaining a new face in the eyes of the international community.
The Ethiopian government previously detained journalists from the New York Times, which turned out to be a backbreaking blow for the Ethiopian regime, after the international media exposed the colonial abuses being inflicted on the Somalis of Ogadenia.
ONA
SWEDEN
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.


