Caqabadahii ANC ay soo martay kana soo gudubtay iyo madaxdii ururka 100kii sano ee la soo dhaafay
Guusha ayna cidina qiyaasi karin waxay ahayd sida ay madaxda ANC isugu hayeen ururka midnimadiisa iyadoo ururku uu soo maray wakhtigii ugu adkaa ee urur gobanimo doon uu soo maro. Culayska ugu badni wuxuu ahaa iyadoo dhamaan madaxda ururku ay masaafuris kaga maqnaayeen dalka intii ka badbaaday xabsigii caanka ahaa ee markii danbe noqday jaamacada caanka ah, Roben Irland.
Dhab ahaan way adagtahay in urur caqabadahan oo kale ka soo gudbo isagoo midaysan. Waxyaabaha madaxdii masaafusika ku maqnaa ay la daalaa-dhacayeen waxaa ka mid ahaa ilalinta iyo isku wadida ururka iyadoo ay ugu darayd ciidanka oo qaybi ay falaagowday. Sideed nin oo saraakiishii sar-sare ka mid ahaa ay damceen inay gooni uga go’aan urur waynaha. Waxaa kaga sii adkayd madaxda ANC oo dhibaato joogta ahi ka haysatay sidii ay ururka uga ilaalin lahaayeen ama uga dhex saari lahaayeen xubnaha maandooriyaha isticmaala oo cadawga (dawlada midabtakoorka ah) si joogta ah isugu dayayay inuu ku dhex galo haya’daha ururka iyagoo mararar badan ku guulaysatay inay xataa saamayn ku yeeshaan gudiyada qaranka ee ANC ee go’aan qaadashadooda iyo hawl fulintooda intaba qaabilsanaa.
Caqabada 2aad waxay ahayd dilalkii iyo shirqooladii loo gaysanayay madaxdooda ka hawlgala dibadaha iyadoo mararbadan lalaayay madax qiimo badan ugu fadhiyay halganga oo ku maqnaa masaafuris. Qaarkood waxaa lagu laayay waraaqo la soo miineeyay, qaarna toogasho kuwa kaleetana waxaa lagu sumeeyay wadamo kale dheexedood.
Ruth First oo ahayd gabadh u ololaysa ANC ayaa tusaale loo soo qaadan karaa oo lagu dilay caasimada Rodishia Mabuto iyadoo loo soo diray warqad miinaysan.
Guulaha ay ANC gaadhay waxaa si cad u qiray una hanbalyelay ururarada mucaaradka ku ah oo ugu waynyahay ururka matala cadaanka ee DA oo loo arko inuu yahay hadhaagii dawladii midab takoorka ee ANC la dagaalantay. Gabadha ururka DA hogaamisa waxay tidhi sidan; “In urur gobonima doon ka gudbo caqabado noocan oo kale ah waa guul mucjiso ah oon la arkin ANC kahor. Waxaana loo baahanyahay maskaxda iyo muruqa ANC ay ku hirgalisay guushaa inay ku hirgaliso baabi’inta kala sareynta dhaqaale iyo farqiga u dhexeeeya dadka kala midabka ah eeSouth Africa.”
Xisbiga kale ee COP (Congress Of the People) ayaa yidhi isna; “Waa arin layaab u muuqata in ANC adkaysatay mudo 86sano oo halgan aan kala go’lahayn ahaa ka dibna ku qasbaan inuu yimaado cadawgooddii miiska wada hadadlka.”
Xisbiga kale oo ladhaho Pan-african Congress ayaa isna yidhi; “Guusha lagu faani karo waxay ahayd in ANC midaysay dadkii Africakaanka ahaa.”
100kii sanee ANC madaxdii soo martay
8dii Jan. 1912 waxa isugu yimid Kaniisad yar oo ku taala duleedka magaalada Bloemfontien hogaamiyayaal dhaqameed, wadaado kiniisadeed iyo waxgarad kale, waxayna ku asaaseen urur la yidhaahdo South African Native Congress, waxayna madaxwayne u doorteen ninka la yidhaahdo John Dube oo ahaa aqoon yahan, philosopher, qoraa iyo gabyaa intaba ahaa. Waxase la caydhiyay markuu aqbalay siyaasadii midab takoorka ahayd ee ku dhisnayd in lakal sooco madowga iyo cadaanka. Waxaa lagu badalay Sefako.

Wakhtigiisii waxaa dadka laguu qasbay shaqooyinka sharcigii dhulka iyo canshuuraha ee ay dowladu ku soo rogtay dadka. Shaqad kaliya ee ay heli kareen dadka madow waxay ahayd beeraha cadaanka iyo godadka macdanta laga qodo oo inta yaree cadanka ah ay lahaayeen inay ka shaqeeyaan. Inkasta oo dadka qaybo ka mida ay ka shaqaynayeen magalada Johannesburg, hadana dadka madowga ah dhamaantood waxao loo yaqanay soo galooti. Sharcigii koontroolka isu socodkuna wuxuu dadka ku sii adkeeyay inay isu yimaadaan, isu safraan ama meelo kale ay shaqo u radsadan. Urukii markaa jiray wuxu isku khilaafay talaabooyinki laga qaadi lahaa arintasi. Taasi waxay muujinaysay tabar yaraanta uruka. 1923 ayaa waxaa magacii ururka loo badalay ANC (African National Congress).
Arintan waxaa looga danlahaa in dadka dulman ee Koonfur Afrika oo idil ay ka mid noqdaan ururkan cusub iyada oo ururkii hore uu ahaa urur dadka madowga ah kaliya leeyihiin oo loo maleeyay in magiciisu is hortaagay dad badan inay ku soo biraan halganka. Wakhtigaa waxay daadk madowga ah xaq u yeesheen inay tareemada dadka qaada ay ka fuulan qaybaha dambe, meesha markii hore dadka madowga ah ay raci jireen oo kali ah tareenka dhuxusha qaada. Urukan ANC waxay markii ugu horeysayba hindiseen inay la saaxiiban dhaman ururada la hadafka ah.
1937dii waxa ANC hogaankeeda la wareegay Mahabona, oo ku saleeyay dagalkiisa uu kaga so horjeeday midab takoorka siyasad iyo diinta masiixiga. Waxaa isagana xilka kala wareegay Jasiah Gumade oo hirgaliyay horomar dhanka bidix u janjeedha (Leftist tendency). Wuxuuna mideeyay fikiradihii kala badalaa ee hanti-wadaaga iyo hanti-goosiga u kala safnaa.
Ka dib waxaa hogaanka kala waregay Pixely Isaca, wuxuuna hirgaliyay isaga oo taageero lacageed ka helay boqradii Swaziland taasoo qaybwayn ka noqotay horomarkii ururka.
1949kii waxaa kala wareegay AB Xuma oo hirgaliyay sharcigii midaynayay xuquuqda muwaadiniinta, wuxuna aasaasay ururki midnimada haweenka Koofur Africa.
James Moroko wuxuu ahaa nin ku soo kicitimay shaqooyinkii Ururka Dhalinyarada, wuxuuna hirgaliyay mabaadii ku salaysan dagaal iyo gacan ka hadal. Wuxuu ahaa ninki bilaabay mudaharadadii dowlada ka wareeriyay.
1952dii waxaa xilka qabtay caaqil Luthuli oo noqday qofkii ugu horeeyay ee madow ah ee ku guulaysta bilada loo yaqaano Nobel Peace Price oo ku mutaystay u ololayntiisi halgan aan rabsho lahayn. Wakhtigiisaana waxay Oliver iyo Mandela aasaaseen Ururkii Dhalinuyarad ee qaybta ugu wayn ka qaatay halgankii ANC.
1967dii waxa hoganka la wareegay Oliver Thampo oo ka mid ahaa asaasayaashii ururkii dhalinyarada. Wuxuu dhashay Oliver Thambo 5 sano ka dib aasaaski ANC, wuxuuna ku barbaaray howlihii ururka. Wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara ANC. Wuxuu xilka hayay tan iyo intuu ka dhimanayay 1991kii. Wuxuu ahaa hogamiyihii ugu waxtarka badnaa ANC. Kadib xasuuqii Nashville waxay ANC ka codsatay inuu dalka ka baxo. Intii ka danbaysay wakhtigaa wuxuu noqday hogaamiye dibada jooga wuxuuna siyasada ANC ka gaday dunida oo dhan, isagoo albaab walba ka soo xidhay nidaamkii midab takoorka ku dhisnaa (Apartheid).

1991dii waxaa xilka la wareegay Mandela oo heshiiskii lagu dhisay dawladda Casriga ah ee South Africa lagalay cadaankii markii laga soo daayay xabsigii ugu dheeraa oo nin siyaasi ah uu ku jiro casrigan. Wuxuu xukunka kala wareegay xukuumadii cadaanka ahayd doorashadii uu xisbiga ANC ku guulaystay aqlibiyadda. Taariikhda Nelson Mandela si gooni ah ayaan uga sheekeyn doonaa.
Waxaa ku xigay oo qabtay hogaaminta xisbiga iyo madaxweynaha dalkaba Thapo Mbeke oo laba xilli ka dib ku wareejiyay madaxtinimada xisbiga oo noqday madaxweynaha talada dalka haya Mr. Jacob Zuma.

OMAR JIGJIGA/ SA
The obstacles the ANC went through and overcame, and the leaders of the organisation over the past 100 years
The success that no one could have imagined was the way the ANC leadership held the organisation's unity together, while the organisation went through the hardest time a liberation movement can go through. The greatest burden was that all of the organisation's leaders who had escaped the famous prison, which later became the famous university, Roben Irland, were living in exile outside the country.
In truth, it is difficult for an organisation to overcome obstacles like these while remaining united. Among the things the leaders in exile were struggling with was preserving and running the organisation, made worse by part of the army having rebelled. Eight men who were among the most senior officers attempted to break away from the main organisation. Even harder for the ANC leadership was the constant trouble of protecting the organisation from, or expelling from within it, members who used drugs, and the enemy (the apartheid government), which constantly tried to infiltrate the organisation's bodies and many times succeeded in even influencing the ANC's national committees responsible for both its decision-making and its executive work.
The 2nd obstacle was the killings and plots carried out against their leaders operating abroad, with many times leaders of great value to the struggle who were in exile being killed. Some of them were killed with letter bombs, others by shooting, and others were poisoned in other countries abroad.
Ruth First, a woman who campaigned for the ANC, can be cited as an example; she was killed in the capital of Rodishia, Mabuto, when a letter bomb was sent to her.
The other party, COP (Congress Of the People), also said: "It is something that appears astonishing that the ANC endured 86 years of unbroken struggle and then forced their enemy to come to the negotiating table."
Another party called the Pan-african Congress also said: "The success worth being proud of was that the ANC united the African people."
The leaders who have led the ANC over the 100 years
On 8 Jan. 1912, traditional leaders, church clerics and other intellectuals gathered in a small church located on the outskirts of the city of Bloemfontien, and they founded an organisation called the South African Native Congress, and they elected as president a man called John Dube, who was a scholar, philosopher, writer and poet all in one. However, he was expelled when he accepted the apartheid policy, which was based on separating blacks and whites. He was replaced by Sefako.

In his time, people were forced into labour by the land law and the taxes the government imposed on the people. The only work black people could get was on white farms and in the mines that the small white minority owned, where they had to work. Although some sections of the people worked in the city of Johannesburg, all black people were nevertheless regarded as immigrants. The law controlling movement also made it even harder for people to gather, travel together or seek work in other places. The organisation that existed at the time disagreed over the steps to be taken on that issue. That showed the weakness of the organisation. In 1923 the organisation's name was changed to ANC (African National Congress).
The aim of this was for all the oppressed people of South Africa to become part of this new organisation, since the previous organisation had been one belonging to black people only, and it was believed that its name had prevented many people from joining the struggle. At that time black people gained the right to ride in the rear sections of passenger trains, whereas previously black people had only been able to ride on coal-carrying trains. This ANC organisation from the very beginning planned to befriend all organisations with the same goal.
In 1937 the leadership of the ANC was taken over by Mahabona, who based his fight against apartheid on politics and the Christian religion. He was in turn succeeded by Jasiah Gumade, who brought about a development leaning to the left (Leftist tendency). He also united the differing ideas aligned with socialism and capitalism.
After that the leadership was taken over by Pixely Isaca, and he brought about, having received financial support from the king of Swaziland, something that became a major part of the organisation's development.
In 1949 he was succeeded by AB Xuma, who implemented the law unifying the rights of citizens, and he founded the women's unity organisation of South Africa.
James Moroko was a man who rose up through the work of the Youth League, and he implemented principles based on fighting and the use of force. He was the man who started the demonstrations that unsettled the government.
In 1952 Chief Luthuli took office, and he became the first black person to win the medal known as the Nobel Peace Price, which he earned for his campaigning for a non-violent struggle. In his time, Oliver and Mandela founded the Youth League, which played the greatest part in the ANC's struggle.
In 1967 the leadership was taken over by Oliver Thampo, who was one of the founders of the Youth League. Oliver Thambo was born 5 years after the founding of the ANC, and he grew up in the work of the organisation. He was the longest-serving leader the ANC has had. He held the post until he died in 1991. He was the ANC's most effective leader. After the Nashville massacre the ANC asked him to leave the country. From that time on he became a leader abroad and he sold the ANC's policy to the whole world, closing every door to the system based on racial discrimination (Apartheid).

In 1991 the post was taken over by Mandela, who concluded with the whites the agreement on which the modern government of South Africa was built, after he was released from the longest imprisonment a political man has served in this modern era. He took over power from the white government in the election in which the ANC party won the majority. We will tell the history of Nelson Mandela separately.
He was followed, taking over the leadership of both the party and the presidency of the country, by Thapo Mbeke, who after two terms handed over the party leadership to Mr. Jacob Zuma, who became the president governing the country.

OMAR JIGJIGA/ SA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
