Aniga oo ku hadlaya afkii Guddoomiyaha iyo Maamulka Sare ee JWXO waxaan CWXO iyo shacabka Ogadenya leeyahay Ciid mubaarak.Ciidda Carafa waa maalin uu Allaha Weyn ee midka ah u doortay inuu muslimiinta Xajka gudata dambigooda dhaafo xataa haddii uu lamid yahay dhibicda roobka tan iyo maalintii Eebbe abuuray dunida ilaa maalinta qiyaamaha. Waa maalin in ka badan 3ex milyan oo muslimiin ah oo xujay ah ay u ducaynayaan ummadaha muslimiinta oo inagu ka mid nahay. Waa maalin ay in ka badan hal bilyan oo muslimiin ah ay faraxsan yihiin oo ciidayaan. Waa maalin tobanka maal mood ee ka horeysa camalka la falo uu ajirkiisu laban laab yahay. Waxaa mahad leh Eebbaha Weyn ee inaga dhigay kuwa loo ducaynayo ee Muslimiinta ah.
Sidaa daraadeed, waxaan shacabka mujaahidiinta ah ee Ogadenya ugu hambalyeynayaa Ciidda Barakaysan iyo inuu Eebbe halganka xaqa ah ay ku jiraan ku abaal mariyo una aqbalo ducada xujayda iyo muslimiinta ciidaysa. Waxaan munaasabadan qiimaha badan ku baraarujin shacabka geesiga ah ee Ogadenya in gumaysigii na soo dulaystay uu marayo marxalo burbur kama dambays ah. Wuxuu ku guul daraystay taliska Addis Ababa goobaha dagaalka. Askartiisii iyo kuwa uu u kiraystay inay dadka bir ma gaydada ah gumaadaan waxay qarka u saaran yihiin inay kala cararaan, kadib markay u adkaysan waayeen dharbaaxooyinka CWXO. Waxay galeen marxalo amardiido joogta ah iyo baxsi. Taasi waxay keentay in saraakiil badan oo ciidanka cadowga wax la casilo iyo wax la eryo noqdaan. Waxaa ku baraarugay bulsha weynta caalamka dambi dagaaleedka uu taliska dhiigyacabku ka gelayo shacabka Ogadenya. Taas oo keentay in maxfalada waaweyn ee caalamka laga dhaleeceeyo haddii ayna joojin xuquul insaan meel kaga dhaca ay ku hayso shacabka Ogadeny in laga joojin doono gargaarka. Sida la ogsoon yahay taliska Addis Ababa wuxuu ku dhisan yahay gargaarka shisheeyuhu siiyo oo uu u isticmaalo hab ciidan iyo siyaasadba. Waxaa ka mid ah hayadaha dhaleeceeyey ee digniinta adag ee kama dambaysta ah siiyey, UN, EU, iyo Ururo Goboleedyo kale iyo kuwo u dooda xuuqda aadamaha.
Wuxuu taliska cadowga Addis Ababa ku fashilay inuu garaadka iyo aragtida caalamka khaldo isaga oo leh waxaan heshiisyo la galay ururo markii hore ila dagaalamay. Runtii haddii ay jiri lahaayeen ururo si dhab ah u jira oo heshiis la galay Itoobiya waxaa la argi lahaa is beddel (haba yaraadee) maslaxo u ah gumeysiga. Waxaa laga dareemi lahaa halganka oo ka daciifa qaybtii ay ka qaadan jireen. Arrintaasi waxay ka mid ahayd qorshe dhagareedyadii uu weligiiba isku deyi jiray kuna fashili jiray. Inuu ku guuldarestay qorshahaas waxaa markhaati ka ah heerka uu maanta marayo halganka shacabka Ogadenya dhinac kasta.
Waxaan munaasabadan Ciidda Barakaysan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin guulaha ay uu soo hoyey ugu dirayaa CWXO kaas oo u gogol xaadhaya taariikh cusub oo ku dhisan caddalad, iskaashi iyo dulmi diid inay ka dhalato Geeska Afrika. Taasina waxay ku suuroobi kartaa oo kali ah in shacabka Ogadenya loo ogolaado aayo ka tlintooda.
Waxaan sida oo kale hambalyo u diri shacabka Geesiga ah ee u adkaystay gumaadka cadowga lana loodin la’yahay iyaga la’aantoodana uuna halganka xaqa ah ee Ogadenya hirgaleen. Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa jaaliyadaheena ku kala baahsan dunida dacaladeeda ee taageerada la garab taagan qadiyada shacabkooda ee xaqqa ah.
Waxaa sidoo kale aan umahada Muslimiinta ah meelay joogaaba ugu tahniyadayn Ciidan Barakaysan.
Ugu dambayn waxaan munaasabadan shacabka Ogadenya ugu baaqayaa inay halganka ay ugu jiraan madaxbanaanidooda, midnimadooda iyo mintidnimadooda ay sii laban laabaan, guusha inta ka haddayna ay dhamays tiraan.
Gud/Xigeen JWXO
M. Ismail
Speaking on behalf of the Chairman and the Senior Leadership of the ONLF, I say Eid Mubarak to the ONLA and the people of Ogadenia. The Day of Arafah is a day the One Almighty God has chosen to forgive the sins of the Muslims performing the Hajj, even if they equal the raindrops from the day God created the world until the Day of Judgement. It is a day on which more than 3 million Muslim pilgrims pray for the Muslim nations, of which we are one. It is a day on which more than one billion Muslims are joyful and celebrate Eid. It is a day whose preceding ten days double the reward of the deeds performed in them. Praise be to Almighty God, who made us among the Muslims who are prayed for.
Therefore, I congratulate the mujahid people of Ogadenia on the Blessed Eid, and pray that God rewards them for the just struggle they are engaged in and accepts the prayers of the pilgrims and the Muslims celebrating Eid. On this precious occasion, I remind the heroic people of Ogadenia that the colonialism imposed upon us is going through a stage of final collapse. The Addis Ababa regime has been defeated on the battlefields. Its soldiers and those it hired to slaughter unarmed people are on the verge of scattering and fleeing, after they could no longer withstand the blows of the ONLA. They have entered a stage of constant insubordination and desertion. This has led to many officers of the enemy forces being dismissed and expelled. The wider international community has become aware of the war crimes the bloodthirsty regime is committing against the people of Ogadenia. This has led major international bodies to condemn it and warn that if it does not stop the gross human rights violations it is carrying out against the people of Ogadenia, aid will be cut off. As is well known, the Addis Ababa regime is built on the aid foreigners give it, which it uses for both military and political purposes. Among the bodies that have condemned it and issued strong final warnings are the UN, the EU, and other regional organisations as well as human rights advocacy groups.
The enemy regime in Addis Ababa has failed to mislead the understanding and view of the world by claiming that it has signed agreements with organisations that previously fought against it. In truth, if there were genuinely existing organisations that had signed an agreement with Ethiopia, some change (however small) beneficial to the colonisers would have been seen. The struggle would have been felt weakening in the areas those organisations used to contribute to. This matter was one of the treacherous schemes it has always attempted and always failed at. Its failure in this scheme is witnessed by the level the struggle of the people of Ogadenia has reached today on every front.
On this occasion of the Blessed Eid, I especially send congratulations and praise for the victories it has achieved to the ONLA, which is paving the way for a new history built on justice, cooperation and rejection of oppression to emerge in the Horn of Africa. This can only be made possible by allowing the people of Ogadenia to determine their own destiny.
I likewise send congratulations to the heroic people who have endured the enemy's slaughter and who are unmatched, without whom the just struggle of Ogadenia would not have been realised. I also send congratulations and praise to our communities spread across the corners of the world who stand in support of the just cause of their people.
I also congratulate the Muslim nation, wherever they may be, on the Blessed Eid.
Finally, on this occasion I call on the people of Ogadenia to redouble the struggle they are waging for their independence, their unity and their steadfastness, and to complete the victory that remains.
Deputy Chairman, ONLF
M. Ismail
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

