Weeraro ay qaadeen Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya intii u dhaxay 25/2/12 iyo 11/3/12 ayaa cadawga loogu gaystay khaasre lixaad leh. Warbixintan oo Xarunta Dhexe ee jabhadda ay u soo dirtay Wakaaladda ONA ayaa lagu sheegay in weerardan intooda badan ay ka danbeeyeen ka dib markii ciidamada cadawgu ay isku dayeen inay carqaladeeyaan kulan hawleed ay lahaayeen maamulka jabhadda ee ku sugan gudaha Ogaadeenya.
Weeraradan lagu qaaday ciidamada cadawga ayaa waxaa u sii dheeraa dhibaatooyin kaga yimid xagga cimilada iyo aqoondarida ka haysa dalka iyadoo xilligan Ogaadeenya lagaga jiro Jiilaal badhtamihii ayaa waxaa laayay qaar badan oo ka mid ahaa ciidanakoodii ka baxsaday goobaha dagaalka oon iyo gaajo.
Dagaaladaa lagu naafeeyay cadawga ayaa waxay u kala dhaceen sidan;
2-3-12 kamiin loo galay kolanyo gaadiid cadaw ah oo marayay wadada isku xidha Garbo iyo Gari’go’an jiirta Quman ayaa waxaa lagaga gubay hal Baabuur iyo ciidankii saraa, sidoo kale isla taariikhdaa ayay dagaalo ka kala dhacay deegaanada kala ah , Muluqo oo ka tirsan Gari’go’an iyo ceelka Hadha waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 18 askari waxaana lagaga dhaawacay 13 kale
3-3-12 dagaal ka dhacay labadii galin ee maalintaa oo lagu weeraray ciidanka cadawga oo ku sugnaa Ceel biyoodka Hadha ayaalooga gacan sareeyay, waxaana ciidanka cadawga laga dilay askar gaadhaysa 18 sakri waxaana looga dhaawacay 21 kale
4-3-12 dagaalo ka kala dhacay deegaanada kala ah Hadha oo ka tirsan Shaygoosh, Yaxni oo ka tirsan Gar’go’an, Qolqol dheer oo ka tirsan Gari’go’an, Dacarray oo ka tirsan Shaygoosh iyo Gari’go’an waxaa ciidan cadawga lagaga dilay askar gaadhaysa 24 askari waxaana lagaga dhaawacay 35 kale
5-3-12 dagaalo ka kala dhacay deegaanada kala ah Labi-naag oo ka tirsan Qabri- dahar , Haar-salaado oo tirsan Iimay bari, Bukudhawa oo ka tirsan degmada Aware, Hadha oo ka tirsan Shaygoosh, Salaxlay iyo Sanhawd oo ka wada tirsan deegaanka Gari’go’an, Laagta Bawa oo ka tirsan Ilo, Gosolalay oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur iyo Raari oo ka tirsan Dhuxun ayaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay askar gaadhaysa 44 askari waxaana lagaga dhaawacay 60 kale
6-3-12 dagaal ka dhacay Gabagabo oo ka tirsan degmada Qabri dahar waxaa ciidankla cadaw lagaga dilay 2 askari waxaana looga dhaawacay 3 kale
9-3-12 dagaal ka dhacay Ceelwayne oo ka tirsan degmada Dhanaan waxaa ciidanka cadawga looga dilay hal askari mid kalena waa looga dhaawacay
25-2-12 dagaal ka dhacay Caano daadiska oo ka tirsan degmada Shaygoosh waxaa ciidanka cadawga looga dilay 12 askari waxaana looga dhaawacay 20 kale.
Wariyaha ONA waxa uu intaa ku darayaa in ciidamadii looga taagroonaday Ceelbiyoodka Hadha uu askari ka mid ahaa ragii kaga dhaawacmay halkaas uu bam gacmeed u adeegsaday ciidankii uu ka tirsanaa ee cadawga waxaana halkaa kaga dhintay 8 askari kadibna way toogteen.
Dhianaca kale ciidamadii cadawga ee duulimaadka ku qaaday shir hawleedkii oo watay awr ayaa waxaa la xaqiijiyay in markii ay sahaydii iyo biyihii ay wateen ay kaga dhamaadeen dhulkii oomanaha ahaa, in ay ka soo carareen dhaawac u badan jajab kaasoo ay awoodi waayeen inay soo qaataan. Tirada dhawaacan ayaan wali laga hayn war rasmi ah, waxanaa dagaalkaa laga helay hub iyo rasaas badan oo ay tureen ciidamadii naflacaariga ahaa.
Dhinaca kale waxaa jira dagaalo maanta oy bishu tahay 11-3-12 ka dhacay meeela kala duwan, kuwaas oo aan wali laga hayn faahfaahin buuxda. Waxay dagaalada ka kala dhaceen Gunburka shaygoosh, Miirdanbas, Caleen wayne iyo Bardaaxle.
Dagaaladan ayaa waxaa hal-kudhig u noqday – “ ADAA II LAHAA IYO ADAA II LAHAA” – oo ahaa hadalkii ay ku dhawaaqayeen ciidamada cadawga kaasoo muujinaya inay ka shalaayeen islamarkaana muujinaya in dhibaato xoogan uu ka soo gaadhay weeraradii ay isla haayeen ku joojiya shirka. Wuxuu sidoo kalena muujinayaa hadalada ay iskula hadlayeen inuu ku jiro khilaaf xoogan oo dhexdooda ah.
ONA.
Attacks carried out by the Ogadenia National Liberation Army between 25/2/12 and 11/3/12 inflicted considerable losses on the enemy. This report, which the Front's Central Headquarters sent to the ONA agency, stated that most of these attacks came after the enemy forces tried to disrupt a working meeting held by the Front's administration based inside Ogadenia.
In addition to the attacks launched on the enemy forces, they also suffered hardships caused by the climate and their unfamiliarity with the country. With Ogadenia currently in the middle of the Jiilaal dry season, many of their soldiers who fled the battlefields died of thirst and hunger.
The battles in which the enemy was crippled took place as follows;
2-3-12: An ambush was laid for an enemy vehicle convoy travelling on the road linking Garbo and Gari'go'an, on the Quman side, and one vehicle was burned along with the troops aboard it. Also on the same date, battles took place in the localities of Muluqo, which belongs to Gari'go'an, and the Hadha well, in which 18 enemy soldiers were killed and 13 others wounded
3-3-12: In a battle that took place in both halves of that day, in which the enemy forces stationed at the Hadha water point were attacked, the enemy was overpowered, and as many as 18 enemy soldiers were killed and 21 others wounded
4-3-12: Battles took place in the localities of Hadha, which belongs to Shaygoosh, Yaxni, which belongs to Gar'go'an, Qolqol dheer, which belongs to Gari'go'an, and Dacarray, which belongs to Shaygoosh and Gari'go'an, in which as many as 24 enemy soldiers were killed and 35 others wounded
5-3-12: Battles took place in the localities of Labi-naag, which belongs to Qabri- dahar, Haar-salaado, which belongs to Iimay bari, Bukudhawa, which belongs to Aware district, Hadha, which belongs to Shaygoosh, Salaxlay and Sanhawd, both of which belong to the Gari'go'an area, Laagta Bawa, which belongs to Ilo, Gosolalay, which belongs to Dhagaxbuur district, and Raari, which belongs to Dhuxun, in which as many as 44 enemy soldiers were killed and 60 others wounded
6-3-12: In a battle that took place at Gabagabo, which belongs to Qabri dahar district, 2 enemy soldiers were killed and 3 others wounded
9-3-12: In a battle that took place at Ceelwayne, which belongs to Dhanaan district, one enemy soldier was killed and another was wounded
25-2-12: In a battle that took place at Caano daadiska, which belongs to Shaygoosh district, 12 enemy soldiers were killed and 20 others wounded.
The ONA correspondent adds that among the troops who were overpowered at the Hadha water point, a soldier who was one of the men wounded there used a hand grenade against the enemy unit he belonged to, killing 8 soldiers there, and they then shot him.
On the other hand, it has been confirmed that the enemy forces who launched the expedition against the working meeting, travelling with camels, fled after the supplies and water they were carrying ran out in that waterless land, leaving behind wounded men, mostly with fractures, whom they were unable to carry. There is still no official information on the number of these wounded, and many weapons and much ammunition abandoned by the soldiers who fled for their lives were recovered from that battle.
Meanwhile, there are battles that took place in various places today, the 11th of the month, 11-3-12, of which full details are not yet available. The battles took place at Gunburka shaygoosh, Miirdanbas, Caleen wayne and Bardaaxle.
The slogan of these battles became - "IT WAS YOU WHO SENT ME, AND IT WAS YOU WHO SENT ME" - which was what the enemy soldiers were shouting, showing that they regretted it, and also showing that severe hardship had befallen them as a result of the attacks they were mounting to stop the meeting. The words they were exchanging also show that there is a strong rift among them.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
