Wararka aan ka helnay Xarunta dhexee jabhadda ayaa waxay sheegeen in taariikhada marakay ahayd 26- 30/08/11 ciidamo laga soo ururiyay meela kala duwan ay ka soo baxeen, Jigjiga, dh/Buur iyo Baabili iyaga oo kaga jawaabaya dagaaladii khasaaraha weyn lagu gaadhsiiyey ciidankii waday Chinese-ka ee Woyaanaha ahaa.
Warbixinadii ay na siiyeen xarunta waxaa kaloo ka mid ahaa inay isku haleeleen CWXO iyo ciidamada cadawga goobo kala duwan oy ka mid yihiin, Birjeex, Dargaamo iyo Ceel Weyne, Galaalsho oo 3ex dagaal uu ka dhacay iyo Faafin.
Waxaa iyadana shalay oo ahayd maaintii ciidul fidriga (Soonfureed) uu ka bilowday dagaal culus oo ilaa maanta socday Buuralayda Dargaamo, oo ku aadan woqooyiga Dhanaan. Dagaaladaa oo dhexmaray CWXO iyo ciidan Woyaane ah ayaa khasaare culus loogu gaystay Cadawga, iyaga oo askar badanoo uu ku jiro sarkaalkii watay lagu dilay goobtaas.
Dadkii magaalada oon wax ka weydiinay waxay noo sheegeen in aad loo soo eryay askartii cadawga iyaga oo la soo baqday dhaawac farobadan.
Dhanka kale waxa dagaal culus uu ka dhacay Karinka Soolle oo u dhexeeya Dhagaxbuur iyo Dhagaxmodaw, kabtaas oo kolonyo cadaw ah lagu heley wadada u dhexeysa labada magaalo waxaana firxadkii cadawga uu ku soo noqday Dhagaxmadaw oo kolkii horeba ay ka soo baxeen.
Wararkan hordhaca ah waxaa naloogu sheegay in aad loogu wax yeeleeyey cadawga, waxayna noo sheegeen in dagaalka Dargaamo uu ku bakhtiyey Sargaalkii ciidankaas watay.
ONA.
Reports we received from the Front's central headquarters said that between 26 and 30/08/11, forces gathered from various places set out from Jigjiga, Dh/Buur and Baabili in response to the battles in which heavy losses were inflicted on the Woyane forces that had been escorting the Chinese.
The reports the headquarters gave us also stated that the CWXO and the enemy forces clashed in various locations, including Birjeex, Dargaamo and Ceel Weyne, Galaalsho, where 3 battles took place, and Faafin.
Also yesterday, the day of Eid al-Fitr (Soonfureed), heavy fighting broke out that continued until today in the Dargaamo hills, located north of Dhanaan. In the fighting between the CWXO and Woyane forces, heavy losses were inflicted on the enemy, with many soldiers, including the officer commanding them, killed at that location.
Residents of the town we spoke to told us that the enemy soldiers were driven back hard, carrying many wounded.
Meanwhile, heavy fighting took place at Karinka Soolle, located between Dhagaxbuur and Dhagaxmodaw, where enemy convoys were caught on the road between the two towns, and the remnants of the enemy fled back to Dhagaxmadaw, from where they had originally set out.
According to these preliminary reports, the enemy suffered heavy damage, and we were told that the officer commanding the enemy force died in the Dargaamo fighting.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
