Ciidamada JWXO ayaa waxay weeraro ku qaadeen deegaano balaadhan oo uu dagan yahay cadawgu, dagaaladaas ay ciidanka waddaniga xoraynta ogaadeenya la galeen kuwa cadawga ayaga oo gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo isugu jira naf iyo maal
Warar uu nasoo gaadhsiiyay wariyaha ONA uga soo warama gudaha ogaadeenya ayaa sheegaya in 20/2/12 lagaga gubayBaabuur lafta kala jeexan oo u dhaxaysa tuulooyinka Dig iyo Wayla lagu xidh ee degmada Awaare. ciidankii iyo dhamaan wixii saraa ay gawaadhidaas ku basbeeleen.
Dhinaca kale waxaa jira dagaalo dhexmaray Ciidamada JWXO iyo kuwa cadawga oo ka kala dhacay.
23/2/12 Horahawd oo ka tirsan degmada Qabri bayax- dagaal habeenimo oo ka dhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari tiro kalena waa lagaga dhaawacay.
9/2/12 dagaal ka dhacay Gasaangas oo ka tirsan degmada Xamaro waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari tira kalena waa lagag dhaawacay.
Waxaa kale oo jira dagaalo ka kala dhacay deegaanada Galaalshe, Gabagabo,Dig, iyo Shayagoosh oo aanan wali ka hayn faahfaahin buuxda.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

