Weerar mir ah oo si joogta ah loogu qaaday 21, 22, iyo 23kii bishan March 2012 xeryaha ay ciidamada cadawgu ka daggan yihiin magaalada Dhagaxbuur caasimada gobolka Jarareed ayaa khasaare laxadleh lagu gaadhsiiyay. Xerayaha la weeraray ayaa kala ah, Xeradda Bangiga, xeradad Buundad Togga , iyo xero ku taal xaafada Lixaad.
Ciidamada qaybta Duufaan ayaa mir joogta ah ku hayay ciidamada cadawga kaas oo ku abuuray khalkhal iyo argagax . Warar laga helay dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in fadhiisamadii cadawga ee xerada Bangiga dhamaanba la baabi,iyay, waxaana si toos ah loo arkayaa ciidanka cadawga oo ku hawlan Aasitaanka Mayaydadkii ku dhamaaday guuda ahaan xeryahaas
Dhacadadan la yaabka leh ayaa waxay cadawgii ku abuurtay inuu jiif iyo joog midnaba qaban waayo islamarkaana uu isku koobo goobo gaar ah oo uu isku ilaaliyo.
Khaasaraha soo gaadhay xeryahan oo mid walba la miray saddex habeen oo xidhiidh ah ayay dadku ku tilmaameen inuu gaadhayo boqolaal askari ,hase yeeshee ay adag tahay in la ogaado tirada sax ah
Hawlagan waxaa barbar socday abaabul balaadhan iyo shirar ay ka qabteen ciidamada geesiyiinta ee jwxo xaafadaha magaalada dhagaxbuur ,isla habeenadii ay falkan fulinayeen , taasina waxay muujinaysaa kalsoonida ciidanka iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya ciidamada jabhadda iyo shacabka deegaanka.
Dad goob ahaa ayaa xaqiijiyay in shirarka ciidamadu ku dhaceen jawi farxad leh kana qabsoomeen inta badan magaalada dhagaxbuur habeenadii uu ka socday hawlgalka dagaalku, taas oo ay dadku sacab iyo damaashaad ku soo dhaweeyeen islamarkaana ugu hanbalyeeyeen geesinimada ay muujiyeen iyo gacanta loo baahnaa ee ay ku dhufteen ciidanka cadawga
Dhacdadan ka dib ayaa ciidankii cadawgu sidii caadada u ahayd waxay ku gadoodeen dadkii deganaa magaalada dhagaxbuur ,wararka aan ila hada helaynaana waxay xaqiijinayaan in tirade dadka xabsiga loo taxaabay ay gaadhayso 60 ruux u badan dad laga soo qabqabtay agaarka xeryaha cadawga ee la burburiyay
Wararkan wixii ka soo kordha dib ayaan ka soo gudbin doonaa.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

