Opens in a new tab

CIIDANKA JWXO OO DAGAALO AY LA GALEEN KUWA ETHIOPIA KAGA DILAY IN KA BADAN 40 ASKARI Bishi January 2012

ONA7 February 2012
Read in English
J

abhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya ayaa waxa ay dagaal hubaysan iyo mid siyaasadeedba kula jirtaa xukuumada gumaysiga Ethiopia, Dagaalda ay Jabahadu ku qaado fadhiisimada ciidama Ethiopia ayaa waxay yihii kuwo joogto ah, Dagaaldaas ayaa waxay isugu jiraan dagaalo qorshaysan iyo kuwo si kadis ah ku dhaca, Dagaalada qorshaysan ayaa waxay ciidadma Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya ku qaadaan fadhiisimaha ciidamada wayaanahu ay kasamaysteen Ogadeniya.

Waxaa iyaguna jira dagaalo qorshaysan oo dhaca habaynkii kuwaas oo loo yaqaano dagaalada mirta ah

Dagaalada ay CWXO lagalaan kuwa gumaysiga yaa waxaa ciidamada Ethiopia ka soo gaadha khasaarooyin Naf iyo Maalba leh, waxaan inta badan lagaga furtaa dagaaldaas saanad milatary.

Dagaaladii ugu dambeeyey ee dhacay bishii ina dhaaftay ee Jenaury iyo horraanta bishaan Feberuary ayaa waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia laga dilay askar farabadan waxaa sidoo kale laga dhaawacay dagaaldaas tiro aad u badan oo ciidamada gumaysiga ah. Hoos waxa aan idiinku soo gudbinayna dagaalo kamid ah dagaaladii dhexmaray Ciidanka JWXO iyo Ciidamada Gumeysiga ah ee Ethiopia bishii Januaray iyo Horaanti bishan Febraayo. Waxaana daggaaladaas Ciidamada Woyanaha lagu dilay ciidan kor u dhaafaya 40 Woyane ah.

 Haddaba dagaalo yaa waxay ka kala dhaceen Sanadkan Cusub meelaha kala ah:

04/01/2012 Ciidamada wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ayaa Howlgal ay kafuliyeen meesha layidhaahdo Miiraha oo katirsan Dagmada Fiiq waxaa ciidamada daalan ee Gumaysiga lagaga dilay 1 Askari

13/01/2012 Dharkayn-wayd oo katirsan Dagmada Haarcad ee Gobolka Qorahay isku dhac dhex maray sahan katirsan CWXO iyo Ciidamada Gumaysiga ayaa waxaa halkaasi lagaga dilay Askarta Gumasyiga 1 Askari

03/02/ 2012 Dagaal ka dhacay Deegaanka Duud-qoofal oo katirsan Degmada Sagag ee Gobolka Fiiq ayaa waxaa Ciidamada Ethiopia laga dilay 3Askari

30/01/2012 Ceel biyaha laga cabo oo kuyaala Iimayda Bari Fal mir ah oo halkaasi kafuliyeen Ciidamada JWXO ayaa waxaa laga dilay Ciidamada wayaanaha 1Askari waxaa sidoo kalana laga dhaawacay isla hal kale,

31/01/2012 Meesha layidhaahmo Axmed Daahir oo u dhaw magaalda Dhagaxbuur dagaal kadhacay ayaa waxaa ciidamda saamalaluulka ah ee Gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 4askari

28/01/2012 Wiwaaji oo katirsan Dagmada Shaygoosh Dagaal Mir ah oo qaadeen Ciidamada wadaniga xoraynta Ogadeniya ayaa waxaa lagaga dilay Ciidama mooraalka jabasan ee Gumaysiga 2Askari waxaana lagaga dhaawaxay 4kale.

28/01/2012 Dagaal sifiican loo qorsheeyey oo CWXO ee sooma jeestayaasha ahi ku qaadeen Ciidamada saama la luudka ah ee gumaysiga Deegaanka layidhaahdo Cadaadaale oo ka tirsan Gobolka Qorahay ayaa waxaa Ciidmada niyada nugul ee Gumaysiga lagaga dilay 20 Askari.

Isla 28/01/2012 Deegaanka Dharkaynleey oo katirsan dagmada Dhagaxbuur ayaa Kamiin ay  xidheen CWXO waxaa si kadis ah usoogalay ciidamada cagajiidka ah ee qasabka lagu keenay Ogadeniya ayaa waxaa halkaasi laga dilay 10 Askari halka 12 kalana laga dhaawacay.

26/01/2012 Garwaan oo katirsan………. dagaaal mir ah oo ay ku qaadeen CWXO Ciidamno Gumaysi oo halkasi daganaa ayaa waxaa lagaga dilay 1Askari.

Isla 25/01/2012 Deegaanka curcurka oo ka tirsan Dagmada Garbo Dagaal ku dhexmaray CWXO iyo kuwa Gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa hakaas laga dilay Ciidamda Wayaanah 1Askari waxaa sidoo kale lagaga dhaawaxay 1kale.

Isla 25/01/2012 Fal gaadma ah oo ay ku fuliyeen ciidamada Geesiyiinta ah ee Ogadeniya Ciidamo Gumaysi oo daganaa meesha layidhaahdo Sammu ayaa waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 1Askari halka dhaawucuna uu yahay 2 Askari.

25/01/2012 Meesha lagu magacaabo Dooyo oo katirsan Dagmada Dhuxun isku dhac dhex maray CWXO iyo ciidamada wayaanaha ayaa waxaa halkaasi ku bakhtiyey 1 Askari

Dagaalada Aan La Heyn Khasaraha

W

axaa iyaguna jira dagaalo fara badan oo ay ciidamada wadaniga xoraynta ogaadeniya ku qaadeen ciidamada daalan ee qasabka lagu keenay Ogadeniya, dagaaldaas ayaan wax faahfaahin ah laga hayn, Dagaaldaas ayaa waxay kakala dhaceen meelaha kala ah

06/01/ 2012 Miiraha oo katirsan Dagmada Fiiq isku dhac dhexmaray CWXO iyo kuwa Gumaysiga ayaan wax faafaahin ah laga hayn dagaalkaas.

22/01/2012 Deegaanka Babaase dagaal halkaasi ku dhexmaray Ciidamada wadaigani xoraynta ogaadeniya iyo kuwa Gumaysiga ayaan wax faafaahin ah laga hayn.

Isla 22/01/2012 Galbiska oo udhow marsin iska hor imaad ka dhacay ayaan isna lahayn khasaaraha kadhashay.

24/01/02 Deegaanka Gubad-guun kamiin ay xidheen ciidamada wadaniga xoraynta ogadeniya ayaa waxaa wayaanaha lagaga dilay askar farabadan oo aanaanu helin tiradooda

28/01/2012  Deegaanka Xidhinta oo ka tirsan Dhooba-wayn isku dhac halkaasi ka dhacay wali lamahayo faafaahintiisa.

29/01/2012 Deegaanka layidhaahdo fardhiig ee Gobolka Qorahay waxaa kadhacay isku dhac aan faafaahintiisa lahayn.

26/01/2012 Deegaanka Daratoole ee Gobolka Doollo fal qorshaysan oo halkaasi kafuliyeen CWXO ayaan laga hayn wax faahfaahin ah.

30/01/2012 Deegaanka Dacawo-dhacday oo ka tirasn Degmada Shaygoosh  dagaal halkaasi kadhacay wax faafaahin ah lama hayo.

04/02/2012 Horahawd  oo ka tirasn Dagmada Sagag  weerar sifiican loo qorsheeyey oo ay ku qaadeen CWXO ciidamo gumaysi oo halkaasi ku sugnaa ayaan wax faahfaahin ah laga helin khasaaraha kadhashay weerarkaasi.

ONA

Filim hore oo cjwxo ka muuqdan:

La wadaag