
Lusaka – Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareylanka Marwo Hillary Clinton oo ka bilowday dalka Zambiya socdaal ay ku mareysa dhowr dal oo Afrika ah ayaa waxay uga digtay dadka Afrikaanka ah inay dib ugu noqdaan gumaysi laakiin nooc ka duwan midkii hore.
Waxay digniintaa u bixisay Mrs Clinton ka dib markii dalal ay ugu horeyso Shiinaha aad u kordhiyeen xidhiidhka ay la leeyihiin dawladaha Afrika, iyadoo dawladda Shiinaha adeegsanaysa awoodeeda dhaqaale inay ku hanato gaar ahaan madaxda Afrika.
Mrs Clinton oo wax laga weydiiyay arimaha Shiinaha eek u sii fidiya dalalka Afrika ayaa waxay tidhi Afrikaanka waxaa la gudboon inay ka feejignaadaan kuwa ku xidhan madaxda oo kali ah. Waxay raacisay;
“Ma doonayno inaan ku aragno Afrika Gumaysiga Cusub.”
Dawladda Shiinaha oo ka mid ah kuwa ugu hooseeya marka la eego arimaha xuquuqul insaanka ayaa aad ugu dhex jirta Afrika gaar ahaan dawladaha Afrikaanka ah ee laga dalbo inay hagaajiyaan meel ka dhaca Xuquuqda Aadanaha si loo siiyo taageero dhaqaale ayay dawladda Shiinaha aabayeel la’aan u siisaa dhaqaale xoogan iyo gacan qabasho aan ku xidhnayn shuruudaha reer Galbeedka ee ah inay hagaajiyaan Xuquuqda Aadanaha. Dhiigyacabka Itobiya KT Meles Zinawi ayaa ka mid ah dalalka Afrikaanka ah ee Gumaysiga Cusub ee Shiinaha dib u galiyay dalalkooda.
Mrs Clinton waxay tidhi; ” Waan rabnaa in ay dad maalgalin ku sameeya Afrika yimaadaan, waxaanse doonaynaa inay si habsami ah u fuliyaan oo aanay meel uga dhicin maamul wanaagii lala rabay Afrika.”
Lacag gaareysa ilaa iyo 10Bilyan oo doolar ayay dawladda Shiinaha ku shubtay Afrika laga soo bilaabo 2009 iyadoo waxyaabihii ay ka iibsanayeena uu kor u kacay. Hasa ahaatee Shiinaha waxay dabaqaysaa hadda nidaamkii hore ee dawladaha Afrika lagu gumaystay oo ah sida ay sheegtay Mrs Clinto markay tidhi;
” Waxaan la soconaa inay sahal tahay in dal inta la yimaado la qaato khayraadkiisa dabiiciga ah, xoogaa loo tuuro madaxda lagana tago sida waayadii hore ee gumaysiga uu soo galayaya Afrika.”
Taasina way ka duwan tahay bay tidhi habka ay doonayso dawladeeda Mareykanka oo ah in kor loo qaado arimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga. Waxayna tusaale ahaan u soo qaadatay hawlaha ay ka wadaan dalka Zambiya oy tidhi;
” dawladda Mareykanka waxay maalgalisaa dadka shacabka ah ee reer Zambiya ee ma maalgaliso madaxda oo kali ah, taasoo waqtiga fog uu waxtarkeeda soo baxayo.”
Waxay ugu baaqday dalalka Afrika inay ka tusaale qaataan dawladaha Asia sida ay xukuumadaha leh maamul wanaaga ay u horumarin karaan dhaqaalahooda, hasa ahaatee bay tidhi Shiinaha ma noqon karaan tusaale lagu daydo.

Shiinaha ayay ku tilmaantay dal aan ogolayn xoriyadda shaqsiga ah oo xataa dadkiisa ka xanibay adeegyada Internetka. Waxay ugu baaqday inay duruus ka qaataan Mareykanka iyo dawladaha dimoqraadiga ee xorta ah.
Wuxuu caalamka wada arkay hadda dhul boobka ay maalqabeeno Asia ah ku hayaan dalalka Afrika iyagoo gacansaar la leh madax kooban oo laaluush siinaya. Itobiya ayaa madaxa koobaad gashay dhul boobka iyadoo budhcadda Wayaanaha ah ee xukunka haysata aanay wax aabayeel ah u haynin dadka shacabka ah ee dhulkooda ay ka rarayaan si ay u siistaan wax ka yar 2$ halkii Hector taasoo noqtay arin aad loola yaabo caalamka oo fadeexad ah.
ONA.
Lusaka – The United States Secretary of State, Mrs Hillary Clinton, who began a tour of several African countries in Zambia, has warned African people against returning to colonialism, but of a different kind from the earlier one.
Mrs Clinton issued the warning after countries, led by China, greatly increased their relations with African governments, with the Chinese government using its economic power to win over African leaders in particular.
Mrs Clinton, who was asked about China's growing expansion into African countries, said that Africans should be wary of those who are connected only to the leaders. She added:
"We do not want to see a new colonialism in Africa."
The Chinese government, which is among the lowest-ranking with regard to human rights, is deeply involved in Africa. In particular, African governments that are asked to correct human rights violations in order to receive economic support are given, recklessly, substantial funds and assistance by the Chinese government that are not tied to the Western conditions requiring them to improve human rights. The bloodsucker of Ethiopia, PM Meles Zenawi, is among the African countries that have let China's new colonialism back into their countries.
Mrs Clinton said: "We want people who invest in Africa to come, but we want them to carry it out properly and not undermine the good governance that was hoped for in Africa."
The Chinese government has poured money amounting to as much as 10 billion dollars into Africa since 2009, while the goods it was buying rose in value. However, China is now applying the old system by which African states were colonised, as Mrs Clinton stated when she said:
"We know that it is easy to come into a country, take its natural resources, throw a little to the leaders and leave, as in the old days when colonialism was entering Africa."
That, she said, is different from the approach her United States government wants, which is to advance political, economic and good governance matters. As an example, she cited the work they are carrying out in Zambia, saying:
"The United States government invests in the ordinary people of Zambia and does not invest only in the leaders, which will show its benefit in the long term."
She called on African countries to take as an example the Asian states, showing how governments with good governance can develop their economies; however, she said, China cannot be an example to emulate.
She described China as a country that does not allow individual freedom and has even blocked its own people from Internet services. She called on them to take lessons from the United States and free democratic states.
The whole world has now seen the land grabbing that wealthy Asians are carrying out in African countries, in collusion with a few leaders whom they are bribing. Ethiopia has taken first place in land grabbing, with the Woyane bandits who hold power showing no regard whatsoever for the ordinary people whom they are removing from their land in order to sell it for less than $2 per hectare, which has become a matter of great astonishment and a scandal to the world.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
