Opens in a new tab

CWXO oo Gacan Bir ah ku Haya Dhaq-dhaqaaqa Shirkadaha Shidaalka ee Shiinaha

ONA28 August 2011
Read in English


Warar dagdag ahoo uu na soo gaadhsiiyay wariyaha noo jooga gobolka Jarar ayaa sheegay in 27/8/2011 ay CWXO weerar ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo maraysay wadada laamiga ah agaggaarka Cobole, halkaas oo ay kaga gubeen laba baabuur iyo wixii saaraa halka mid kalena ay naafeeyeen.

Kolanyadan oo gaadhaysay in ka badab toban baabuur ayaa waxay isugu jireen kuwa qaada ciidamada iyo kuwa dagaalka ee tiknikada loo yaqaan.

Wariyuhu waxa uu intaa ku darayaa in ciidankan uu ka mid yahay ciidamada ilaalada gaarka ah ee shirkadda Shiinaha kaas oo mudooyinkanba ku sugnaa wadanka Ogaadeenya.

Wararka waxay intaa ku dareen in dhaawacii iyo maydkiina loo qaaday magaalada Jigjiga uuna awoodi waayay cadawga inuu u sii socdo magaalada Dhagaxbuur oo ay u sii jeedeen markii hore. Lama garan karo in qoladii Shiinaha ay la socdeen iyo inay wax ka soo gaadheen midna. Waxaanan faahfaahinta rasmiga ah ee dagaalkan idiinku soo gudbin doonaa wararka dambe.

ONA/Dhagaxbuur

La wadaag