Opens in a new tab

CWXO oo Gadoomin Kuhaya Wadooyinka Soo Gala Magaalada Qabridahar

ONA6 April 2012
Read in English

Magaalada Qabridahar  oo ah magaalo  madaxda gobolka Qoraxay waxay xarun u tahay ciidamada ka hawlgala inta badan dalka ogaadeenya, waana xarunta milatariga ee gumaysiga Ethiopia,

Ahmiyada  uu siiyay cadawgu  gobolkaa ayaa ahayd mid mudo aad u dheer soo jirtay  waana meesha kaliya  ee taariikhda inta la ogyahay  uu yimid Xaylasilaase intii uu xukunka haystay mudo laba jeer ah

Ciidamada jwxo oo ka duulaya dareenkaas cadawga ayaa madaxda qaybta Danab iyagoo la kaashanaya  taliska sare  ee CWXO ayay go’aansadeen in  ay si dhab ah u  goyaan xidhiidhka  dhuleed  ay Qabridahar la wadaagto  magaalooyinka  dalka iyaga oo hor istaagay dhamaanba iskusocodka ciidamada gumeysiga.

Warar aan ka helay  xarunta taliska  qaybta  Danab ayaa sheegaya in 24kii saac ee la soo dhaafay  ay ka dhaceen wadooyinka soo gala magaalada  in ka badan 5 dagaal

Wadada isku xidha Doollo iyo  Qoraxay  kamiin  uu cwxo ka galay waxay ku naafeeyeen  hal baabuur  iyadoo ciidankii  saaraa  laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawacmay

Wadada isku xidha degmada Shilaabo iyo magaalada Qabridahar  meesha loo yaqaan  Fooljeex  kamiin loo galay kolanyo gaadiid cadaw waxaa la soo gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba ah.

Wadada isku xidha Goday iyo Qabridahar meesha loo yaqaan Dalaad kolanyo  gaadiid oo loo galay  ayaa waxaa   la soo gaadhsiiyay  khasaare kala duwan

Wadada isku xidha  Shilaabo oo Qorahay ka tirsan iyo Doollo  meesha loo yaqaan qarsoodi-  kolanyo halkaa maraysay kamiin loo galay ayaa waxaa ciidanka cadawga  ka soo gaadhay khasaare dhinacyo kala duwan ah.

Wararkan  sida  hordhaca ah uu inoo soo gaadhsiiyay wariyaha ONA u jooga  Qoraxay  ayaa tilmaamaya in guud ahaan ciidamada cadawga ee ku sugan Qabridahar ay dareemeen culays xoogan oo dhinacyo badan ah taasina waxay ku abuurtay baqdin  iyo walwal hor leh

Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii dagaal ka dhacay gudaha magaalada cadawga lagu soo gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh kaas oo badalay jawigii magaalada

 Faahfaahin rasmi ah wali kama soo bixin dagaaladan ,waxyaabaha ka soo kordhana waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe hadii eebe ogolaado.

ONA

La wadaag