Warmurtiyeed Ciidan – JWXO
January 18 2012
Ciidanka Itobiya ayaa bilaabay ololihii ay dadweynaha Ogadenya ay u gaysan jireen sanad walba. Ciidamo Itobiyaan ah oo kala yimid Wardheer, Qabridahe iyo Dhagaxbuur ayaa ka bilaabay dhoolatus iyo tababaro ay dadka shacabka ku waxyeeleeyaan agagaarka goobaha ay tababarka ku samaynayeen. Waxaa dhacday in guuto cidanka Itobiya ah oo ka soo kicitimay wardheer, Qoriile iyo Danood ay magaalada Caado isugu yimaadeen halkaasoo ay ka bilaabeen olole argagixin ah oy dadkii reer miyiga ahaa ee daganaa tuulooyinka agagaarka ah ay u gaysanayaan, iyagoo ku dilay agagaarka dad shacab ah oo gaadhaya 15, haween dhowr ahna ku kufsaday.
Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya qaybta Heegan ayaa 17kii Bishan weerar ku qaaday ciidamadii cadawga ee dhibaatada ku hayay dadka shacabka ah, waxayna halkaa kaga dileen cadawga 50 askari meesha uu dhawacooda gaadahayo 70neeyo. Waxaa kaloo ay CWXO kaga furteen goobta saanad ciidan oo isgu jira 5 boobaha culus ee BKM iyo 40 boobaha fudud AK47 iyo rasaas xad dhaaf ah.
Weerar kale oo midkaa garab socda ayay CWXO ku qaadeen ciidamada cadawga o marayay aagga Dhagaxbuur iyo Qabridahre halkaasoo lagaga burburiyay cadawga afar gawaadhida ciidanka ah, iyagoo halkaa ku joojiyay ciidankii cadawga ee u socday inay xasuuqaan dadka shacabka ah. Waxaa dagaaladaa ka soo gaaray cadawga khasaare laxaad leh, iyadoo inta la hubo laga dilay goobta dagaalka 60 askari oo darajooyin kala duwan ah.
ONA.
Military Communiqué - ONLF
January 18 2012
The Ethiopian army has begun the campaign it used to inflict on the people of Ogadenia every year. Ethiopian troops who came from Wardheer, Qabridahe and Dhagaxbuur have begun parades and training exercises in which they harm civilians in the areas around the sites where they were conducting the training. An Ethiopian army brigade that set out from Wardheer, Qoriile and Danood converged on the town of Caado, where they began a campaign of terror against the rural people living in the surrounding villages, killing about 15 civilians in the area and raping several women.
The Heegan unit of the Ogaden National Liberation Army on the 17th of this month attacked the enemy troops who were harming the civilian population, killing 50 enemy soldiers there, while their wounded numbered around 70. The ONLA also captured military equipment at the site, including 5 BKM heavy machine guns, 40 AK47 light weapons and a large quantity of ammunition.
In another attack carried out alongside that one, the ONLA struck enemy troops passing through the Dhagaxbuur and Qabridahre area, where four enemy military vehicles were destroyed, thereby stopping the enemy troops who were on their way to massacre civilians. The enemy suffered heavy losses in these battles, with at least 60 soldiers of various ranks confirmed killed on the battlefield.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

