Waxay shabakadaha wax ka qora arimaha Waqooyiga Somaliya aad u buun-buuniyeen heshiis la yidhi waxaa laga saxiixay Siilaanyo oo dhigaya in Gaaska Ogadeya laga dhoofinayo dakadda Berbera. Heshiiskan waxaa ka horeeyay oo isagana maalmo la hadal hayay heshiiskii shirkadda Shiinaha ah PetroTrans Company Ltd. Mana aha markii ugu horeysay ee dacaayadahan oo kale caalamka la maqashiiyo.
Ujeedada Itobiya waxay weeye marka si sahlan loo dhigo inay dacaayad iyo heshiisyo waraaqo lagu qoray kaga dhaadhiciso caalamka arin aan ka jirin Ogadenya. Ugu dambayntana wuxuu dhibka ugu weyn ku dhacayaa qofkii ama shirkadii rumaysata dacaayadaa ee soo aada Ogadenya.
Qadiyadda Ogadenya waxay noqotay hadda qadiyad caalami ah oo aduunka uu isha ku hayo. Dagaalka ka socda Ogadenya iyo tacadiyadda ay ciidamada gumaysiga Itobiya ka wadaan ma’aha wax ka qarsoon caalamka. Si Itobiya ay uga jeediso caalamka qodobka dhabta ah (the real issue) ee caalamka uu isha ku hayo hadda ee ah xasuuqa uu Wayaanaha ku hayo dadka shacabka ah ee Itobiya guud ahaan iyo gaar ahaan dagaalada gobanima doon ee ka socda Ogadenya, ayay kolba Itobiya iyadoo kaashanaysa Shiinaha ay soo saaraan wax ay ku tilmaameen heshiis iyo suuq gayn Gaaska iyo Shidaalka Ogadenya.
Haddii Shiinaha ay u gogol xaadhayaan heshiis hirgala 50 sano ka dib oo maadaama ay dawlad weyn tahay ay qorshe qarniyeed ay dajisanayso waa meesheeda iyo xaaladeeda. Arimahase loogu talagalay dacaayadda iyo in caalamka laga gado waxaan jirin ee Itobiya ay ku doonayso inay ku abuurto dareen ay kaga dhex faa’daysto quwada isku haya Afrika ee Reer galbeedka iyo Shiinaha ah, waxaa haboon inuusan Siilaanyo dhexda u galin.
Waxaa iyadana nasiibdarra ah in Qarnigan 21aad uu Shiinaha ku soo baraarugo Afrika inuu dib u gumaysto, oo bilaabo dhaqan la mid ah kii qarnigii 18aad markay reer Yurub intay dhowr qof oo oday-dhaqameedya ah ka saxiixdaan waraaqo ay sidaa ku xalaalaysan jireen dal iyo dadkii lahaa.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya digniin af iyo adinba ah way siisay shirkadaha u malaynaya inay Itobiya kula heshiin karaan shidaalka Ogadenya. Shirkaddan Shiinaha ee Petro Trans qudheeda digniin ku filan hadda way heshay.
ugu damabyntii, waxba kama badalayso xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Ogadenya dacaayadaha raqiiska ah ee Itobiya ay u soo kaxaysatay Siilaanyo ee la doonayo in shacabka lagu jahawareeriyo .
ONA.
Websites that write about the affairs of Northern Somalia have greatly exaggerated an agreement said to have been signed by Siilaanyo, which stipulates that Ogadenia's gas will be exported through the port of Berbera. This agreement was preceded by the agreement of the Chinese company PetroTrans Company Ltd, which was also talked about for days. Nor is this the first time that propaganda of this kind has been fed to the world.
Put simply, Ethiopia's aim is to use propaganda and agreements written on paper to convince the world of something that does not exist in Ogadenia. In the end, the greatest harm will fall on the person or company that believes that propaganda and comes to Ogadenia.
The Ogadenia issue has now become an international issue that the world is watching closely. The war taking place in Ogadenia and the abuses being committed there by the Ethiopian colonial forces are not hidden from the world. In order for Ethiopia to divert the world's attention from the real issue (the real issue) that the world is now watching, namely the massacres the Woyane are committing against the civilian population of Ethiopia in general, and in particular the wars for freedom taking place in Ogadenia, Ethiopia, with the help of China, from time to time puts out what they describe as an agreement and the marketing of Ogadenia's gas and oil.
If the Chinese are laying the groundwork for an agreement to be implemented 50 years from now, then since it is a great power that draws up plans spanning centuries, that is its own affair and its own situation. However, when it comes to matters intended as propaganda and as selling the world something that does not exist, through which Ethiopia seeks to create a perception that it can exploit amid the rivalry over Africa between the Western powers and China, it would be appropriate for Siilaanyo not to get involved in the middle of it.
It is also unfortunate that in this 21st century China has awakened to Africa in order to recolonise it, and has begun a practice similar to that of the 18th century, when Europeans would have a few traditional elders sign papers, and in that way they used to legitimise taking possession of a country and its people.
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) has issued warnings, both in word and in deed, to companies that think they can make agreements with Ethiopia over Ogadenia's oil. This Chinese company, Petro Trans, has itself now received a sufficient warning.
In the end, the cheap propaganda that Ethiopia has dragged Siilaanyo into, and which is intended to confuse the public, changes nothing about the real truth that exists in Ogadenia.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
