Opens in a new tab

Dacwad ka Furanaty Dalka Koonfur Afrika

ONA15 February 2012
Read in English

Bishan horaanteedii ayaa dacwad lagu soo oogay 11 nin oo ka tirsan taliska Ethiopia ee dhiigyacabka ah kuwaasoo isugu jira madax ciidan iyo kuwo siyaasadeed. Dacwadaas oo ururinteedu ay socotay mudo aad u dheer ayaa waxaa iska kaashaday garyaqaano aad caan ugu ah danbiyada aadanaha laga galo iyo hawladeenada laamaha ururada bulshada jaaliyadda S.Ogadenya ee Koonfur Africa .

Siduu xaqiijiyay Garyaqaanka matalaya jaliyada S.Ogadenia oo dacwadan ka shaqeeyay, waxaa dukumiinti ka kooban 5000 oo xaashiyood lagu soo koobay danbiyo laga gaystay gayiga Ogadenia mudadii u dhaxaysay 2005-2011. Danbiyadasi waxay isugu jiraan kuwo siyaasadeed iyo kuwo ciidanba; sida  xasuuq uu gaystay ciidanka Itobiya oo dad badan lagu laayay, lagu kufsaday, lagu gubay deegaano laguna boobay hanti iyo kuwo siyaasadeed sida cunaqabatayn, go’doomin bulsho iyo xaalufin deegaan.

Garyaqaanada dacwada gacanta ku haya ooy weheliyaan hawlwadeenada urururada bulshada ee jaaliyadda ayaa waxay dacwadaas gaadhsiiyeen  maalintii Talaadada ahayd xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Koonfur Africa iyagoo halkaas kulan kula qaatay xeer ilaaliyaha guud  ee qaranka (National Prosecuting Authority NPA ), iyo madaxa Baadhista Danbiyada Halista ah ee booliiska Koonfur Africa ( Head of priority crime investigation) oo balanqaaday inay si dag-dag ah baadhis ugu samayn doonan kiiskaas. Dacwadan waxaa kale oo loo gudbin doonaa maalamahan soo socda maxkamada caalamiga ah ee danbiyada.

Dhankakale waxaa maalinta Arbacada ah ee 15 bishan shir jaraa’id lagu qaban doonaa magaalada Johannesburg si loo shaaciyo dacwadaas dunidana loogu soo bandhigo xad-gudubyada qarsoon iyo xasuuqa baahsan ee Ethiopia ka gaysatay dalka Ogadenia.

Waxaa lafilayaa garyaqaanadu  inay si faahfaahsan usoo bandhigaan nooca dacwada iyo dacwaysanayaashu kuwa ay yihiin iyadoo  hawlwadeenada jaaliyada iyo shaqsiyad kaleetaba ay soo bandhigi doonaan waxyaabaha murugada leh ee ay u soo joogeen si ay u xaqiijiyaan dhab ahaanshaha danbiyada Ethiopia ka gashay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya. 

 Lasoco wararka danbe.

Cumar jigjiga/ONA.

 

La wadaag