Opens in a new tab

Dacwada lagu Oogay Ethiopia Maxay Tahay? Faah Faahin Dheraad ah iyo Qaabka ay Warbaahintu uga Qeybqadatay

ONA16 February 2012
Read in English

Radiyo Xoriyo oo faahfaahin dheeraad ah weydiisay Cumar Jigjiga oo ah Masuulka Warfaafinta Ogadeniya ee Wadanka South Afrika.  Ayaa kawarbixiyay Qaabkii loo gudbiyay Dacwada lagu  soo oogay Taliska Ethiopia.

Dacwadan ayaa waxa si aan qarsooneyn loogu shaaciyay Shir-jaraa’id oo lagu qabtay Magalada Johansburg ee wadanka South Afrika. Shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen warbaahinta Caalamka ayaa waxa ka hadlay 8 loyar oo caan ka ah wadanka South Afrika waxaana lagu soo bandhigay dacwad ka kooban 700 oo xaashiyood waxaana goob joog ahaa oo wax kasoo diyaariyay shirkan jaraaid haayadaha xuquuqul insaanka iyo danbi baadhayaasha caalamiga ah. Waxana dacwadan loo gudbiyay maxkamada Caalamiga ah ee ICC iyo Maxkamada Sare ee Wadanka South Afrika.

WARBAAHINTA CAALAMKA>

Shirkan Jaraa’id ayaa markiiba waxa faafisay warbaahinta aljazeera oo ku soo saartay bogga internetka sidoo kale kaga faalootay Qeybta TV-ga carabiga iyo Ingiriiska. Waxaa sidoo kale ka hadlay TV-yada South Afrika iyo Radiyoyaasha South Afrika oo horeyna uga faaloonayay eegana aad u sii faafiyay.

Hadaba Dacwadan Yay Saameynaysa?

Dacwadan lagu soo bandhigay wadanka South Afrika waxa ay si toos ah uga hadlaysa tacadiyada, dilka, kufsiga, xidhayga iyo guud ahaanba danbiyada daggaal ee taliska EThiopia ka geystaan dhulka Somalida Ogadeniya. Waxayna si toos ah eedu ugu socota Xubno ka tirsan Taliska TPLF iyo Kuwo u adeega gumeysiga oo si toos ah u geystay xasuuq. Xubnahaas ayaa wajigooda hore yahay 17 qof.

South Afrika Kaalintedu maxay tahay>

South Afrika waa wadanka ugu horumarisan Afrika uguna awooda badan, marka la eego dhanka sharciyada South Afrika waxa ay lamid tahay wadamada Europe oo kale, waxii dhulkooda laga sharciyeeyo waxa ay lamid tahay sharci caalami ah oo wadamada Ree Galbeedka laga Ansixiyay oo kale. Sidoo kale Haayadaha Danbi baadhayasha ah iyo kuwo Interpol oo ah haayada caalamiga ah ee Wadankasta kaso qaban kara danbiilaha ay u dhibyareynaysa in sharciyadan ay fuliyaan si dhibyarna lagu soo qabto danbilayashaas.

Dacwadan waxay xoojinaysa oo kale: taliska Ethiopia oo hadda ka hor danbiyo daggaal loogu soo oogay wadanka USA. Lana soo saaray HR2003 oo ah sharci lagu cunaqabateynayo danbilayasha Taliska TPLF si aysan usoo galin USA iyo in mucawamada laga jaro Ethiopia.

Wadanka South Afrika waxa uu noqonaya marba haddii dacwadi si Official ah maxkamadooda sare looogu gudbiyay qareemona loogu qabtay wadanka dacwada  gudbin doona ee Dacwadan matalaya. Qaramada midobay iyo Maxkamadaha caalamiga ah haddii aad rabto indacwad aad u gudbiso waxa jira jaran jarooyin lamaro waxaa lagama maar maan ah inaad heysato wadan dacwadadaada ku qanacsan oo Moshinka soo bandhiga. Kaalinta South Afrika waxay noqon karta inay motionkaas gudbiso oo heer caalami ah ay u qaado qadiyada Ogadeniya.

Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee South Afrika waxa ay muddo dheer ku mashquulsaneyd sidii ay kuheli laheyd taagerada wadanka South Afrika waxayna daggaal dheer la galleen Safaarada Ethiopia ee Wadanka South Afrika halkaas oo kaga danbeynti ay ka guuleysteen safaarada Ethiopia ee South Afrika oo aan loo ogoleyn inay shirar ka baxsan safarada qabsan karin hada. Sidoo kale waxa Jaaliyadu kaga guulaysatay safaarada Ethiopia diplomasiyadi waxayna Jaaliyadu ay heshay taagerada Xisbiga ANC oo ah iyagu dad soo halgamay aqoon badana u leh halganka Ogadeniya.

Dacwadan waxa kale oo ay saameyn doonta dad waqtigan ku sugan wadamada Europe iyo Amerika.

Dacwadan oo ay gacanta ku hayaan loyaro caan ku ah kiisaska noocan oo kale ah hadda ka horna ku guuleystay in xubno ka tirsan Dowlada Isra’il ay ku oogaan danbiyo noocan oo kale ah ayaa la filayaa inay gaadho marxalad aad u koreysa oo qadiyada Ogadeniya loogu hiilinayo.

Faahfaahinta kiiskan oo muddo dheer lagu howlana meel sarena la gaadhsiiyay wararka la xidhiidha kala soco ONA.

ONA

 

La wadaag