
Wararka aan ka helayno magalada Wardheer ayaa sheegaya in maxaysatada Cabdi iley ee hawaarin ay xasuug (Wareysiyo laga soo duubay qaxootiga Dadaab hoos ka fiiri) ka gaysteen tuulada Uubataale oo 7 km ka xigta magaalada Wardheer dhanka galbeedka.
Dhacdadan layaabka leh ayaa timid kadib markii ay soo galeen tuulada koox hubaysan oo ka yimid magaalada Wardheer kuwaas oo bilaabay in ay boobaan dadkii isla mar ahanataana ay rasaas ku furaan dadkii shacabka ahaa. Ma cada tirada dadka wax ku noqday, dhanka xidhiidhka dartii ayadoo uusan jirin telfoon goobta ay wax ka dheceen isla mar ahaantaana gaadiidku ka mamnuucan yahay.
Waxaa magaalada jijiga loola cararay gabadh rasaas badan haleeshay laguna magacaabo Ardo jeel iyo wiil naloogu sheegay ina Macalin Cabdiqaadir oo isna dhawac ah. Majirto wax jawaab ah oo laga bixiyay xasuuqan loo gaystay dadka shacabka ah ee aan wax galabsan. Mana ahan markii ugu horaysay ee dhacdadan oo kale ay kadhacdo isla tuuladaas. Sanadkii aan soo dhafnay iyo kii ka horeeyayba waxaa sidaas oo kale loogu dilay dad shacab ah oo aan laga hadlinin waxaana kamid ahaa Alaha u naxariistee Cabdiqadir Cabdi waaxid oo lagu dilay tuulada Ubataale.
Guud ahaan wadanka ogaadeniya waxa ka socda xasuuq aan loo kala meel dayaynin. Waxay ahayd bishii MAY markii boqolaalka ruux lagu dilay hawkgaladii ay fulinayeen jabhada Tigreega iyo Hawarinta oo wada socda. Taariikhda markay ahayd 14/05/2011 ayay maxaysatadaa xushay toga Fafaneed halkaas oo lagu dilay dad kabadan 40 ruux laguna waayay tiro dad ah.
Xasuuqa iyo gaboodfalka lagu hayo dadka shacabka ah ayaa ah mid ay isku dayayso xukumada Addis Ababa in ay kaga weeciso rabitaanka dadweynaha Ogadenya ee doonaya in ugu noolaado dalkiisa si xor ah una madax banaanaado aayahiisa.
ONA/Gumaysidiid
Wareysigan waxaa soo qaaday Saxafi Rooble Garaad.
Reports we are receiving from the town of Wardheer say that the militia of Cabdi iley and the Habesha carried out a massacre (see interviews recorded with refugees in Dadaab below) in the village of Uubataale, which lies 7 km west of the town of Wardheer.
This shocking incident came after an armed group that came from the town of Wardheer entered the village and began looting the people while at the same time opening fire on the civilians. The number of people harmed is not clear, owing to communications, as there is no telephone at the site where the events took place and at the same time vehicles are banned.
A girl named Ardo jeel, who was hit by many bullets, was rushed to the town of Jijiga, along with a boy we were told is the son of Macalin Cabdiqaadir, who is also wounded. No response has been given regarding this massacre committed against innocent civilians. Nor is this the first time such an incident has occurred in the same village. Last year and the year before, civilians were likewise killed without it being spoken of, among them the late Cabdiqadir Cabdi waaxid, may God have mercy on him, who was killed in the village of Ubataale.
Throughout the country of Ogadenia, indiscriminate massacres are taking place. It was in the month of MAY that hundreds of people were killed in operations carried out jointly by the Tigrayan front and the Habesha. On 14/05/2011 that militia targeted the Fafaneed valley, where more than 40 people were killed and a number of people went missing.
The massacres and abuses being inflicted on the civilian population are an attempt by the Addis Ababa government to divert the people of Ogadenia from their desire to live freely in their own country and to independently determine their own destiny.
ONA/Gumaysidiid
This interview was recorded by Journalist Rooble Garaad.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

