Opens in a new tab

Dad Yar oo Danish ah ayaa Maqlay Dhulka Ogadeniya, Arrinkaas Way Isbadashay oo Waxa Badalay Ururka OYSU Denmark

ONA12 March 2012
Read in English

Wargeyska Vollsmose ee kasoo baxa wadanka Denmark oo kahadlay Shirkii Xasuuqa Ogadeniya ee lagu qabtay wadanka Denmark.

Hadaba wargeyska oo afka Danishka kusoo baxa ayaa ay noo suurto gashay inaan turjuno waxuuna u qornaa sidan hoose.

Ogadeniya waxa la odhan karaa waxa maqlay oo yaqaana tiro aad u yar oo Danish ah, dhulka Ogadeniya waa dhul ku yaala East Afrika. iyada oo lagasoo bilaabo sanadkii 1948 tameeyadi dhulkaas uu hoostagay wadanka Ethiopia. Waa dhul dagaalo iyo khilaafyo ka jireen oo ay isku heystaan dowlada Ethiopia iyo dadka Somalida ah ee dhulkaas iska leh oo ay hormuud u yihiin Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ee ONLF.

Waxaan rabnaa in aan dadweynaha aduunka u sheegno waxa ka socda Ogadeniya, midaas oo dad badan aysan lasocon maadana dhulkaas saxaafad kajirin loona oggoleyn in warbaahinta caalamku gasho.  Sidaas awgeed lama oggaan karo waxa ka jira annaga ayayna masuuliyadayada noqonaysa in aan dadka ka jaahil tirno oo barno dhulkaas taariikhdiisa iyo halganka iyo Xasuuqa ka socda. Waxa sidaas tiri gabadh kamid ah Ururka Dhalinta OYSU Nasro Xassen oo qabanqaabiyasha Kulanka Xasuuqa Ogadeniya kamid aheyd.

Nasro Waxay ku dhalatay wadanka Somaliya, balse waalidkeed ayaa ku dhashay Ogadeniya oo qaxootinimo ku tagay Jamuhiriyadi Somaliya.

Xafladan Xuska Xasuqa Ogadeniya waxay ka dhacday wadanka Denmark maalinimadi Axada ee 4 March 2012. Waxaana lagusoo bandhigay Taariikhda Ogadeniya iyo Xasuuqa. Waxaa kale oo lagu daawaday Filim lagu soo duubay Xeryaha qaxootiga Ogadeniya oo ka warmaya Xasuuqa iyo barakaca Ogadeniya ka jira. Waxa intaas dheer oo xiiso badan lahaa Caruur da’doodu u dhaxeyso 8 sano illaa 13  sanno oo soo bandhigay Ruwaayad ka waramaysa xaalada dhulka Somalida Ogadeniya.

Xafladan run ahaanti waxay u dhacday si aad u qiimi badan oo heer sareysa, Nasro ayaa waxay tiri maanaanu filayn in sidan ay noogu qabsoomi doonto xafladan. Waxaa xaflada kasoo qeyb galay dad gaadhaya 200 oo qof oo ay kamid yihiin Koox ardey ah oo kasocda Machadka Caafimaadka iyo suxufiyiin kuwaas oo ah dadka cadaanka ah ee dhanishka ah.  Suxufiyiinta waxaa kamid ah wariye Danish ah oo isagu laf ahaantiisu laba sanno ka hor soo arkay dhulka Ogadeniya xog badana ka haya xaalada dhulkaas ogadeniya oo waliba sawiraana ka keenay.

Ururuka OYSU waa urur samafal oo ay iska leeyihiin dhalinta iyo ardeyda Somalida Ogadeniya waxaana ku bahoobay dhamaanba dhalinta Iyo Ardeyda somalida Ogadeniya ee Caalamka. Waxaa lagu asaasay wadanka Denmark. Dhalintan xaflada soo qaban qaabisay waxay kamid yihiin ururkaas waxaana ay leeyihiin xubno 70 qof oo firfircoon ah iyo taageryaal kusugan oo badankoodu ka yimadeen Vollsmose iyo Odense.

Xigasho: Waxa aan kasoo xiganay wargeyska Vollsmose.

Vollsmose Denmark

La wadaag