Opens in a new tab

Dhac loo Gaystay Dad Shacab ah iyo Dad lagu Xidhxidhay Deegaamo Kala Duwan Dalka Ogaadeeniya

ONA6 April 2012
Read in English
Ciidamada cadawga ee caadada ka dhigtay xidhxidhka iyo boobka dadka shacabka ah ayaa maalmahan waxaad moodaa inay sii kordhinayaan dhibkii awalba lagu ciqaabayay shacbiga ogaadeenya

Maleeshiyada ka amar qaadata dhiigyacabka  ka qawlaysta dheecaanka shacabkan dulman   ina ilay  ayaa waxay magaalooyin  ay ka mid yihiin Aware,Wardheer,Caado iyo Yucub ka fulinayeen  falal  lagu xidhxidhay  boqolaal qof  oo shacab ah  oo aan wax danbi  ah galin.

Aamina waris oo ka mid  dadka ku xidhan magaalada Awaare isla markaana soo gaadheen dhaawacyo  ayaa waxaa laga dhacay hal baabuur oo jaad ah kaas oo ay u waday inay  ay ka ganacsato  iyadoo, lagala wareegay wixii hanti ay wadatay.

Dhinaca kale waxaa jira dad lagu xidhxidhay magaalooyin kaladuwan  oo dalka ogaadeniya kamid ah iyo kuwa laga dhacay wixii yaraa ee ay nafta ku celinayeen, waxaana ka mid ah

3o/3/12  waxaa magaalda Gunagado  lagu xidhay

Nimco sheikh cumar

ruqiya macalin cabdi

30/3/12 waxaa magaalada  caado lagu xidhay  

Muxumed aw saalax beendhutiye

29/3/12 waxaa magaalada  wardheer jidh dil iyo xidhay la isugu daray

Cabdi cali sagal

1/ 4/12  waxaa   magaalada awaare lagu xidhay

Dahabo cabdi ciise

Nadir ciwal

1/4/12 waxaa magaalada wardheer lagu xidahy

Shire yuusuf waal

Cumar maxamed awfaarax

1/4/12 waxaa lagu xidhay magaalada dhagaxbuur

Nimco sheikh muuse Ikraan

Axmed Maxamed

28/3/12 waxaa lagu dhacay  gasaangas oo ka tirsan degmada xamaro 

Bishaar cabdulaahi arbe oo laga dhacay  5000 bir

 shacbiga ogaadeenya ugama  laabanayo dhibaatooyinkan gumeysiga dadaalka uu ku doonayo inuu ku gaadho xoriyad  buuxda. waana taas mida salka u ah ujeedadiisa rasmiga ah .

ONA

 

La wadaag