Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagaxbuur waxay sheegayaan in maanta saacada markay ahayd 11:00 Duhurnimo lagu amray dhamaan dadkii daganaa magaalada Dhagaxbuur inay isugu soo baxaan meel dadka ay ku shiriyaan, halkaasoo lagu hayay ilaa 5tii galabanimo, markii dambena lagala hadhay 11 qof oo ciidamada ay kaxaysteen.
Arintan ayaa ka dambaysay siday noo sheegeem xubnaha nooga soo waramay ka dib markii la ogaaday inay CWXO soo galeen magaalada laba habeen oo ka horeysay. Arintan ayaa waxay walwal xoogan ku abuurtay ciidamada gumaysiga iyadoo todobaadkii hore ay cutub ka tirsan Qaybta Gorgor ku qaaderen dagaal xoogan Jigjiga oo ah magaala madaxda maamulka gumaysiga u jooga Ogadenya.
Wareysiyo aan la yeelnay dad reer Jigjigaad ah oon arinta dagaalkaa wax ka weydiinay ayaa noo sheegay inuu dagaalka ka bilowday xera dhiigta ka dibna uu ku faafay magaalada. Waxaa kaloy noo sheegeen inuu Cabdi iley amray in la qariyo xogta dagaalka oo loo saaray rasaastii dhacaysay ee magaalada oo idil qabsatay inuu ahaa dagaal ka dhex dhecay dad shacab ah iyo qaar rabshado ka waday magaalada, waxaana qaar badan oo ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee xaafadahaa daganaa la dhigay xabsiyada.
Wararka kaloo hordhac ah oo naga soo gaadhay gudaha Ogadenya ayaa sheegaya in laba dagaaloo xoogan uu ka dhacay degmada Baabili iyo hareeraheeda. Dagaaladaa ayaan faafaahintooda ka sugaynaa xarunta dhexee jabhadda.
Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadeya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay digniina badan gaadhsiinayay dadka shacabka ah ee magaalooyinka dagan lagula socodsiinayo isbadalada uu qaatay dagaalka gobanimadoon.
Reports reaching us from the town of Dhagaxbuur say that today at 11:00 in the morning, all the residents of Dhagaxbuur were ordered to gather at the place where people hold meetings. They were held there until 5 in the afternoon, and in the end 11 people were taken away by the troops.
According to the members who reported to us, this came after it was discovered that the ONLA (Ogaden National Liberation Army) had entered the town two nights earlier. This caused great alarm among the colonial forces, as last week a unit of the Gorgor Division launched a fierce attack in Jigjiga, the capital of the colonial administration in Ogadenia.
People from Jigjiga whom we interviewed and asked about that battle told us that the fighting began at Xera Dhiigta and then spread through the town. They also told us that Cabdi Iley ordered that information about the battle be concealed, and that the gunfire heard across the whole town was attributed to a clash between civilians and some people causing unrest in the town. Many of the civilians living in those neighbourhoods were put in prison.
Other preliminary reports reaching us from inside Ogadenia say that two fierce battles took place in Baabili district and its surroundings. We are awaiting details of these battles from the front's central headquarters.
Over the past weeks, the Ogaden National Liberation Army has been issuing numerous warnings to civilians living in the towns, informing them of the changes the liberation war has undergone.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
