Opens in a new tab

Dhagaxbuur: Xog Dheeraad ah

ONA28 June 2026
Read in English

Sida aan warkeenii hore ku tabinay waxaa Xabsiga magaalada Dhagaxbuur mudo dhowr Barri ah ku xidhan qaar kamid ah Xubnaha JWXO ee Magaalada Dhagaxbuur iyo Waliba dad kale oo ree Dhagaxbuur ah.

Kusimihii Xafiiska JWXO ee magaalada Dhagaxbuur Garaad Cabdi Cali Maxamuud ayaa kamid ah Xubnaha lagu xidhay Dhagaxbuur ee waliba xogtooda aadka loo qariyay.

Sidoo kale waxaa Xabsiga la dhigay Naftii Hure Cabdi Kaafi Wiish iyo Naftii Hure Axmed Colaad oo labaduba kamid ahaa ciidankii Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenia hadana kujiray xamaali si ay reerahooda u maareeyaan.

Xubnahan sadexda ah waxaa xadhigooda iyo maraanmar koodaba si gaar ah uqaabishan Taliyaha Rugta Booliiska ee Maamulka Magaalada Dhagaxbuur oo lagu magacaabo Cabdixaafid.

Dhinaca kale waxaa magaalada Dhagaxbuur lagu xidh xidhay qayb kamid ah xubnihii hore ee JWXO, hadana si gaar ah ula shaqayn jiray Maamulka PP da, kuwaas oo aan la aqoonin sababta loo beegsaday maadaama oo ay iyaga lashaqeeyaan.

Sidoo kale waxaa magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo ku xidhan Cabdi Maxamed Gaaciye oo kamid ah xubnihii ku biiray Xisbiga EPP, kaas oo doorasho ku sheegtii dhawaan dhacday iska casilay tartankii beenta ahaa.

Si kastaba ha'ahaatee Gumaysiga waxaa caado u ah in aysan kala saarin kuwa ushaqeeya iyo kuwa kasoo horjeeda waana dhaqanka ah isku dar oo meeqa ayaa soomaali ka dhimatay!?

ONA.

La wadaag