
Dhamaan Jaaliyada Greater Manchester ee wadanka UK waxa la oggeysinaya inay kaso qeyb galaan kulan lagu xusayo Xasuuqa Febraayo oo Ururka Dhalinta OYSU ay soo qaban qaabiyeen. Kulankaas oo dhacaya Maalinta sabtida ee 18.02.2012. Waxa uuna ka dhacaya 3 St Bride Street,, Manchester M16 9LS. Saacadu markay tahay 6:30 Galabti.
Sidoo kale kulamo lamid ah kaas ayaa lagu qaban doona guud ahaanba Daafaha dunida iyada oo Ururka Dhalinta OYSU ay qabanqaabiyeen Xuska Maalinta Xasuuqa Ogadeniya. Waxana ahmiyada kulankan yahay in lagu baraarujiyo shacabweynaha dhibatoyinka ka taagan Ogadeniya iyo sidii loogu diyaar garobi lahaa sidii bulshadaas gumeysiga ku hoos jirta gumeysiga uga bixi laheyd.
Si aad uga qeybgasho kulamada OYSU ay caalamka ku qabanayan Maalinka Sanbtida ah ee 18 Febrayo laxidhiidh xafiiska ururka OYSU ama Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka aad joogto.
ONA

AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

