Waxaa caalamka aad looga hadal hayaa dhulka sida sahalka ah dadkii lahaa looga qaadayo iyadoo ay arintaasi heshiis ku yihiin shirakada waawey oo ka socda dalal Asia ah oy horgal u yihiin India, China iyo Saudi arabia oo laaluush xoog leh intay siiyaan madaxda xukuumadaha sidaa kula wareegaya lacag aad u jaban dhul beereed aad u baaxad weyn. Itobiya ayaa ugu horeysa dawladaha sida naxariis darada ah uga barakiciyay dhulkii ay daganaayeen qabiila idil oo siiyay shirkado Hindi iyo Shiina ah.
Maalqabeenka Sacuudiga ayaa iyagana aan dab yar shidaynin oo dhul beereed badan ka samaystay gobolada Oromiya iyo Canfarta. Ilo xog-ogaal ah oo ku kala sugan Sacuudiga iyo Addisababa ayaa waxay sheegayaan inay aad u danaynayaan Sacuudiga dhulka Ogadenya oo ah dhul fidsan, biya leh isla markaana ah dhul dihin. Hasa ahaatee horaa loo yidhi raasimaalku waa fulaye ( رأسمال جبان ), waxay aad uga cabsadeen dagaalada ka socda gobolka iyo amni darida ka jirta.
Dadka la socda dhaq-dhaqaaqa shirkadahan dhul boobka wada waxay aad u hadal hayaan in is-dhiibkii kooxda Ibraahim dheere ay ka dambeeyeen shirkadaha Sacuudiga iyo sirdoonkiisa, hadafka ugu dambeeyana uu ahaa in dhul beereedka Ogadenya la siiyo shirakadahaa Sacuudiga. Waxaana la wada ogsoonahay xidhiidhkii ka dhexeeyay iyo gacantii ay ku lahaayeen maalqabeenada Sacuudiga ururkii burburay ee Al-Itixaad.
Waxay sidoo kale dadka indha-indheeya xidhiidhka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Itobiya soo hadal qaadaan marwalba inay xidhiidhka 2da dal ay door fiican ka qaataan ninka hadda gacanta ku haya arimaha Amniga Qaranka Sacuudiga amiir Bandar Bin Suldaan (Safiirkii horee Sacuudiga u fadhiyay Mareykanka) iyo maalqabeenka Sh. Al-camuudi oo labaduba ay dhaleen gabdho xabashi ah.

Arimahaasoo idil markaan isu wadagayno shirka hadda ka soconaya Jigjiga ee culumada loogu yeedhay iyo kuwii ka horeeyayba lama odhan karo kama madhna inay jirto ujeedo ka fog midda loo malaynayo. Waxaana hubaal ah in aanay meesha ka madhnayn ujeedadii loo abaabulay is-dhiibkii kooxda Ajo-gudhay taasoo ay ka mid tahay in dhul beeraadka Ogadenya gacanta loo galiyo maal-qabeenka Sacuudiga. Waxyaabaha la hubo ee la doonayo inay shaabadeeyaan culumadan meesha la’isugu geeyayna waa inay yidhaahdaan nabadda hala xoojiyo oo hubka hala dhiibo oo horumarka dawladda ay wado hala taageero. Qodobadaa aan xusnay umbaa laga doonayaa in laga saxiixo culumadan wajiyada quruxsan ee gadhka waaweyn ee Sacuudiga waayadii horena mushaharka iyo Zakada ka qaadan jiray.
Waxaase hubaal ah inay ku khasaarayaan, sababtoo ah dadkii dhulka lahaa ayaa jooga oo hubaysan. Waxaa jooga CWXO oo aad u hubaysan kana dhaariyay inay siday doonaan u dhex socdaan Ogadenya ciidankii Itobiya ee lalahaa waa ciidanka ugu xooga badan Afrikada madow. Waxaa joogta Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) oo aan u ogolayn in sidii loola dhaqmay Oromada iyo Qawmiyada Koonfureed loola dhaqmo shacabka Ogadenya oo dhulkooda lagu qaato 2$/Ha amaba dhalo khamri ah sida ay sheegeen saxafiyiin madax banaan oo arimahaa soo baadhay.
Guusha Gobanimadoonkaa leh.
ONA.
The world is talking a great deal about land being easily taken from the people who owned it. This is the result of deals struck by large companies from Asian countries, led by India, China and Saudi Arabia, which give heavy bribes to government leaders and in this way take over vast areas of farmland at very cheap prices. Ethiopia is foremost among the governments that have mercilessly displaced entire clans from the land they lived on and given it to Indian and Chinese companies.
Saudi tycoons have also been very active and have acquired a great deal of farmland in the Oromia and Afar regions. Well-informed sources in both Saudi Arabia and Addis Ababa say that the Saudis are very interested in the land of Ogadenia, which is extensive, has water and is untouched land. However, as the saying goes, capital is a coward ( رأسمال جبان ), and they have been very afraid of the wars going on in the region and the insecurity there.
People who follow the activities of these land-grabbing companies widely say that the Saudi companies and Saudi intelligence were behind the surrender of the Ibraahim dheere group, and that the ultimate goal was for the farmland of Ogadenia to be given to those Saudi companies. It is also common knowledge that there was a relationship between Saudi tycoons and the now-collapsed organisation Al-Itixaad, and that the tycoons had a hand in it.
Observers of relations between Saudi Arabia and Ethiopia also always point out that two people play a prominent role in relations between the two countries: the man now in charge of Saudi National Security affairs, Prince Bandar Bin Suldaan (formerly Saudi Arabia's ambassador to the United States), and the tycoon Sh. Al-camuudi, both of whom were born to Abyssinian mothers.
When we put all these matters together with the conference of religious scholars now under way in Jigjiga, as well as the previous ones, it cannot be said that there is no purpose behind them other than the one assumed. It is certain that the aim for which the surrender of the Ajo-gudhay group was organised is still present, and part of that aim is to hand the farmland of Ogadenia over to the Saudi tycoons. What these scholars who have been gathered there are certainly meant to rubber-stamp is to say: let peace be strengthened, let weapons be surrendered, and let the development the government is pursuing be supported. These are the points we mentioned that these scholars, with their handsome faces and big beards, who in the past used to receive salaries and Zakat from Saudi Arabia, are wanted to sign off on.
But it is certain that they will lose, because the people who own the land are there and they are armed. There is the CWXO, which is heavily armed and has prevented the Ethiopian army, said to be the strongest army in black Africa, from moving freely through Ogadenia as it wishes. There is the Ogaden National Liberation Front (ONLF), which will not allow the people of Ogadenia to be treated as the Oromo and the Southern Nationalities were treated, having their land taken for $2 per hectare or even a bottle of alcohol, as reported by independent journalists who have investigated these matters.
Victory belongs to the freedom seekers.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

