Wargeyska caanka ah ee ka faalooda dhaqdhaqaaqa UN-ta iyo maalgalinta ee loo yaqaano IPS ayaa waxa uu ka faalooday dhulka Ethiopia ee taliska TPLF sheegeen inay ka kireeyeen shirkado dhulka beerta waxayna cinwaan uga dhigeen dhulka Ethiopia ma boobiyo dhacba mise dano kale aya jira.
Qormadan oo ay muddo ku daba jireen siday kuheli lahaayen wararka dhulka Ethiopia ee xooga looga qaatay beeralaydii Ethiopia ayaa waxa wargeysku uu nasiib u yeeshay innuu gudaha beeraha la sheegay in laga gatay haayado shisheeye ay kaso waramaan. su’alana ay soo weydiyaan dadka dhulkaas dagan iyo siday u arkaan.
Wargeysku waxa uu soo xaqiijiyay in dhul aad u badan laga kireeyay dowlado shisheye sida karatori oo iyagu dhacay dhul kaweyn wadanka Luxemberg oo lagu qiyasayo illa 300,00o higtor. Waxa shirkadan ay rabta muddo saddex sanno gudahood ah inay faa ido ka hesho dhulkaas gaadhaysa malaayiin dollar ah.
Haddaba dadki dhulka dagana maxaa ku dhacay
Wargeyska waxa uu soo saaray sawiro aad u naxdin badan oo tilmaamaya dadkii dhulka daggana oo xoog looga raray. laguna barokiciyay qorshe ay dowlada TPLF dajisay oo ah in dadka meelo kale loo qixiyo oo ka fog dhulka laga gaday ajanabiga. dadka ayaa lagu qasbay inay si qasab ah u oggoladan in ay guraan. Waxa kale o wargeysku soo saaray sawiro muujinaya ilmo yaryar oo dadoodu gaadheyso 8 sanno oo ka shaqeynaya beeraha hindigu leeyahay e karatori.
Taliska TPLF ayaa caalamka u sheegay isaga oo kaligi Taliye Zenawi uu sheegay in dhulka Ethiopia uusan noqon doonin dhul dulucdisa qurxoon kaliya la daawado dadkiisuna ka gaajoodo, waa beerayna dadkan ajanabiga ahna cunno ayay noo soo saarayaan iyo lacag badan oo ka helno shirkadahaas. Waxa kale oo uu sheegay inay horumar gaadhsiinayaan wadanka ethiopia.
haddaba shegashada KT Zenawi waxa beeniyay dadkii dhulka xooga looga qaatay lana bara kiciyay. Wargeyska ayaa waxa uu isbarbar digay dhulka Ethiopia oo dadkiisu 80% ku noolyihiin beeralay, dadku waxa ay beertooda ku fashaan Dibi iyo qalab duug ah. OJAWATO ayaa ah isagu nin kamid ah shacabka Ethiopia ee dibida wax ku fasha waxa beertiisu ku taala meel u dhow beerta weyn ee hidiga. Ojowato beertiisa haduu dhex lugeeyo muddo ka yar laba daqiiqo ayuu beerta ku talaabaya halka ninka Hindiga ahi beertiisa uu dhex socdo isaga oo watta gaadhi aad u orod badan oo Jiib ah- ay ku qadaneyso inuu beertisa ku gudbo muddo saacado badan ah.
Ojjowato waxa uu aad uga xunyahay beerta weyn ee Hindiga lasiiyay oo waxii kasoo go’a loo dhoofin doono dibadaha iyada oo dadka Ethiopia aysan dheefsan doonin raashinka kaso go’a beertaas. Dadka Ethiopiana wali waxa ay ku hoos noolyihiin mucawamada raashinka ah ee looguso tabaruco ee Aid-ka lo yaqano. Ojjowato waxa uu yiri marki hore waxa lanoo balan qaaday inay Electrik iyo Biyo iyo cusbitaalo ay noo keenayaan shirkadahan shisheeye oo dadka iyo dhulkaba la maal galinayo. intaas midna maysan dhicin waxa kaliya oo shaqo ka helay dad tiro yar oo nagamid ah kuwaasna mushaar aad u yar ayay ku shaqeyaan.
Beerta karatori waxa lagu arkay oo u badan dadka ka shaqeeya caruur da’doodu ka hooseyso 8 sanno kuwaas oo la siiyo mushaar cenitimo ah. Ojjowato inkasto oo ciyaalkisa haddii ay shaqo ka helaanbeerta ay reerkiisa dhanka dhaqalaha ka caawin laheyd hadana uma uu oggolla in ciyaalkisu ka shaqeyaan beertaas. Waxuuna Ojjowato yiri caruurteyda waxaan la raba maalin maalmaha kamid ah inay noqdaan Dhaqtar ama Ingineero sidaas awgeed waa inay aadan waxbarashada.
Dadku isku mid maahane qoysaska u dhow beerta hindiga waxay caruurtoda u diraan inay kasoo shaqeyan beerta hindiga ah. Maamulaha Dugsi u dhow beerta karatori ayaa waxa uu u sheegay wargeyska in ardeyda schoolkisa oo dhan ay u shaqo tageen beerta hindiga. Waxaana dhacda fasalkii schoolka soo gali jiray 60 ardey inay kuso hadhaan oo soo xaadiraan 5 ardey kaliya.
Dhibatada lasoo gaadhsiiyay jiilka da’da yar waxa dheer in dhulka gambella la gubayo oo la banneeyay. Dhulka Ethiopia 40 sanno ka hor dhulka ethiopia waxa uu aha 40% dhul caggaar ah oo keyn iyo geedo leh hadana waxa caggaar ah oo geedo leh kaliya 3%. Sidoo kale dadki dhulkaas daggana gambela waxa loo qixiyay goobo kale.
Dhulka la gadayo ee shirkadaha shisheeya laga gaday kuma koobna kaliya dhulka gambella waxase jirta dhulbadan oo kamid yahay dhulkeena Ogadeniya in lasiiyay shirkado shisheeye si ay u qottaan. Dhulka ogadeniya waxa sido kale jira in dhulki la gubay lana baneeyay oo loo diyaarinayo shirkado kuso guura. Waxa kale oo boqolaal kun oo somalida ogadeniya ah lagu qasbay in laga kaxeeyo goobihi ay daganayeen.
Shacabka Somalida Ogadeniya waa inay ku baraarugaan xaalufinta ay isku dayayso Taliska daciifka ah ee Ethiopia oo hadda ka hor ku guul dareystay waqtigi Kuuba innuu dhulka Ogadeniya soo dajiyo dad shisheeya ah oo aha iyagu Beeraladeyda qowmiyadaha kore ee daga dhulka sare ee Etihiopia. Islamarkaasna uu dhaqan ragggo bulshada dhaqanka Somalinimo ku adag iyo diintooda Muslimka ah.
Waxaa jira dad badan oo ka mid ah qowmiyadaha ethiopia oo dhibaatada ay shacabka ogadeniya qabaan la wadaaga. Waxana rajeynaynaa in beesha caalamku ay xoojin doonto kaalmada bani aadanimo ee dadka ree Gambela ee isdifaci karin iyo qowmiyadaha kale ee ku hoos nool gumeysiga madow ee Abbysinia.
The well-known publication that comments on UN activities and investment, known as IPS, has reported on the Ethiopian land that the TPLF regime says it has leased to companies as farmland, and titled its report: Is Ethiopia's land being looted, or are there other interests at play.
This report, which they had spent a long time pursuing as they sought to obtain information about the Ethiopian land forcibly taken from Ethiopia's farmers, came about when the publication had the fortune of being able to report from inside the farms said to have been sold to foreign agencies, and to put questions to the people living on that land about how they see it.
The publication confirmed that a very large amount of land has been leased to foreign governments, such as Karatori, which alone has taken land larger than the country of Luxemberg, estimated at up to 300,00o hectares. This company wants to make profits reaching millions of dollars from that land within a period of three years.
So What Happened to the People Living on the Land
The publication released very shocking photos showing the people who lived on the land being forcibly removed, and displaced under a plan drawn up by the TPLF government to relocate the people to other places far from the land sold to foreigners. The people were compelled to forcibly agree to move. The publication also released photos showing small children as young as 8 years old working on the farms owned by the Indian company Karatori.
The TPLF regime told the world, with Leader Zenawi himself saying, that Ethiopia's land would not be land whose beautiful scenery is merely admired while its people go hungry; rather it is farmland, and these foreigners will produce food for us, and we will earn a lot of money from these companies. He also said that they are bringing development to the country of Ethiopia.
However, PM Zenawi's claim has been refuted by the people whose land was forcibly taken and who were displaced. The publication compared the land of Ethiopia, where 80% of the people live as farmers, and the people cultivate their farms with oxen and old tools. OJAWATO is one of the people of Ethiopia who farms with oxen, and his farm is located near the large Indian farm. If Ojowato walks across his farm, he crosses it in less than two minutes, while the Indian man crosses his farm driving a very fast vehicle, a Jeep, and it takes him many hours to get across his farm.
Ojjowato is very upset about the large farm given to the Indian, as whatever it produces will be exported abroad while the people of Ethiopia will not benefit from the food produced by that farm. And the people of Ethiopia still live on the food assistance donated to them, known as Aid. Ojjowato said: at first we were promised that these foreign companies, in which the people and the land alike are being invested, would bring us electricity, water and hospitals. None of that has happened; the only ones who got jobs are a small number of our people, and they work for very low wages.
The Karatori farm was seen to have workers who are mostly children under the age of 8, who are paid wages of cents. Although it would help his family economically if his children got work on the farm, Ojjowato does not allow his children to work on that farm. And Ojjowato said: I want my children one day to become doctors or engineers, so they must go to school.
People are not all the same, however, and families near the Indian farm send their children to work on the Indian farm. The principal of a school near the Karatori farm told the publication that all the pupils of his school had gone to work on the Indian farm. And it happens that in a class of 60 pupils who used to attend school, only 5 pupils remain and attend.
In addition to the harm done to the young generation, the land of Gambella is being burned and cleared. 40 years ago, Ethiopia's land was 40% green land covered with forest and trees, but now only 3% is green land with trees. Likewise, the people who lived on that land in Gambela have been relocated to other places.
The land being sold, which has been sold to foreign companies, is not limited to Gambella land alone; rather, there is a lot of land, including our land of Ogadenia, that has been given to foreign companies to cultivate. In Ogadenia land as well, land has been burned and cleared and is being prepared for companies moving in. In addition, hundreds of thousands of Ogadenia Somalis have been forced to be removed from the places where they lived.
The Somali people of Ogadenia must be alert to the devastation that the weak Ethiopian regime is attempting, which previously, at the time of Cuba, failed in its attempt to settle foreign people in Ogadenia land, namely farmers from the highland ethnic groups who live in the highlands of Ethiopia. At the same time, it sought to dismantle the culture of a society firmly rooted in Somali culture and in its Muslim religion.
There are many people among the ethnic groups of Ethiopia who share the suffering that the people of Ogadenia endure. And we hope that the international community will strengthen humanitarian assistance for the people of Gambela, who cannot defend themselves, and for the other ethnic groups living under the black colonialism of Abbysinia.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
