
Shirar is-dabajoog ah oo jaaliyadda Ogadenya eeCanadaay kaga arinasanyeen martigalinta shirweynaha Jaaliyadaha Ogadenya ayaa lagu qabtay magaaladaOntario. Shirkan oo si habsami ah loo soo abaabulay oo jaaliyadaha Ottawa, Kitchener, Hamiltion, Windsor iyo Toronto, Ontario ayay dadkii soo buux dhaafiyeen hall-kii shirka loogu talagalay shirka. Arima badan ayaa looga arinsanayay shirka ay ka mid tahay ugu horeeysay in jaaliyadda Ontario la wargaliyo barnaamijka iyo diyaargarowga shir sanadeedka Jaaliyadaha Ogadenya oo sanadkan lagu qaban doono Canada.
Sidoo kale inay xubnaha jaaliyadda ra’yigooda ka dhiibtaan sidii shirka sanadkan uu u noqon lahaa mid taabagal ah oo ka heersareeya kuwii ka horeeyay. Waxaa ajendaha shirka ka mid ahaa in Dr. Cabdiraxmaan Yusuf oo ah madaxa Hya’dda daryeelka Agoonta (Ogaden Agency for the Welfare of the Orphans and the Sick) uu uga warbixiyo jaaliyadda xaaladda ay ku sugan yihiin agoonta iyo arima ku saabasan halganka Ogadenya.
Waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyadda Toronto mudane Maxamad Cumar (Najib) oo hadal aad u qiimi badan ka jeediyay goobta una sheegay dadkii ka soo qabgalay shirka inay jaaliyadda Toronto diyaar u tahay shirweynaha jaaliyadaha ee sanadkan iyagoo arimaha dhaqaalaha shirka ku saabsan ay kala kaashan doona jaaliyadda Albert.
Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha sheikh Cabdi Shaafi oo wacdi diini ah u jeediyay shirka isagoo ku dhiirigaliyay xubnaha jaaliyadaha Canada inay qayb fiican ka qaataan sidii dhibaatada dadkooda haysta wax looga qaban lahaa. Waxaa kaloo shirka ka hadlay ku-xigeenka gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya mudane Maxamud Axmad oo ka soo noqday Jimcihii kal-fadhigii ururka OYSU. Wuxuu Maxamad warbixin dheer ka siiyay dadkii shirka joogay guulihii uu kalfadhiga dhalinyarada ku soo dhamaaday iyo waxyaabihii dhalinyarada u qabsoomay sanadakii tagay.

Intaa ka dib ayuu shirka ku soo dhaweeyay Prof. Maxamad Xassan oo ah gudoomiyaha qabanqaabada shirweynaha jaaliyadaha ee sanadkan. Prof. Maxamad wuxuu la wadaagay jaaliyaddaOntariogo’aanadii ka soo baxay shirkii ay ku qabatay Edminton jaaliyadda Albert.
Wuxuu ku wargaliyay dadweynaha shirka fadhiyay doorka ay jaaliyadda Albert ka qaadan doonto xag dhaqaale iyo xag dhiirigalinba shirweynaha sanadkan suu u noqon lahaa mid guul ku dhamaada. Wuxuu gudoomiyaha qaban-qaabada shirweynaha xogwaran ka siiyay dadweynihii shirka isugu yimid waxyaabaha u qabsoomay guddiga qaban-qaabada ilaa hadda iyo heerka uu marayo diyaargarowga, xagga hoteekada, goobta shirka, maalin cilmi ahaan ah looga hadli doono (academic day venue). Wuxuu u sheegay dadkii shirka yimid sida ay qaban-qaabiyaasha shirweynaha ugu hanweyn yihiin martigalinta shirweynaha reer Ontario ee sanadkan.
Dr. Cabdiraxmaan Yusuf ayaa ku xigay Prof. Maxamad oo shirka uga mahanaqay siday ugu adkaysteen qabowga jira oy uga soo qaybgaleen. Wuxuu uga waramay dadweymihii fadhiyay shirka waxqabadkii haya’diisa iyo siday u gargaaraan agoonta iyo dadka xanuunsanaya ama dhaawaca ah ee ku soo waxyeeloobay Ogadenya. Wuxuu kaloo ka warbixiyay arimihii ugu dambeeyay Ogadenya iyo xogta uu ka hayo, isagoo kula dardaarmay dadkii shirka joogay inay xoojiyaan dadaalka loogu jiro xoreynta dalkoodii hooyo.

Waxaa kaloo meesha hadal qiimi leh ka jeedisay Gudoomiyaha Ururka Haweenka marwo Xaliima Cabdqaadir oo xasuusisay dadkii ka soo qaybgalay shirka sida loogu baahanyahay midnimada in la xoojiyo. Waxay sheegtay gudoomiyaha haweenka inay diyaar garoobeen haweenkaCanadashirweynaha Jaaliyadaha ee sanadkan oy qayb libaax ka qaadan doonaan hirgalinta shirweynahaa. Cibaado Xaaji oo aad looga yaqaano gobolka ahna shaqsiyad aad u taageerta halganka iyo jaaliyadda ayaa ku xigtay marwo Xaliimo oo markay hadalka qaadatay uu si weyn isu badalay jawigii shirka. Waxay ka warbixisay marwo Cibaado siday haweenkaOntarioisugu diyaariyeen shirweynaha sanadkan. Iyadoo hadalo guubaaba ah ka sheegtay goobta ayay xasuusisay dadkii meesha joogay inay haweenka kaligood dusha u ridan doonaan dhaqaalaha ku baxaya shirweynahaa hadday ragga ka soo bixi waayaan balanta ay qaadaan.
Hadaladii ka dib ayaa dadweynaha loo furay inay talooyinkooda soo jeediyaan iyo wixii su’aala ah oy qabaan. Kuwii fursadda u helay ayaana afkaaro wanwaanagsan iyo talooyin wax ku ool ah soo jeediyay oo qaban-qaabiyaasha shirweynaha ay tixgalin doonaan.

Shirka ayaa guul iyo is-afgarad ku soo dhamaaday.
ONA/Ontario
A series of meetings in which the Ogadenia community in Canada has been deliberating on hosting the Ogadenia Diaspora Communities Conference has been held in the city of Ontario. At this meeting, which was smoothly organised and involved the communities of Ottawa, Kitchener, Hamiltion, Windsor and Toronto, Ontario, people overflowed the hall designated for the meeting. Many issues were discussed at the meeting, the first of which was to inform the Ontario community of the programme and preparations for the annual conference of the Ogadenia Diaspora Communities, which will be held in Canada this year.
Also, for community members to give their views on how this year's conference could be a fruitful one that surpasses those before it. Among the items on the meeting's agenda was for Dr. Cabdiraxmaan Yusuf, the head of the orphan welfare agency (Ogaden Agency for the Welfare of the Orphans and the Sick), to brief the community on the situation of the orphans and on matters concerning the struggle of Ogadenia.
The meeting was opened by the chairman of the Toronto community, Mr. Maxamad Cumar (Najib), who delivered a very valuable speech at the venue and told those who attended the meeting that the Toronto community is ready for this year's communities conference, and that they will cooperate with the Albert community on the conference's financial matters.
Afterwards, Sheikh Cabdi Shaafi was welcomed to the microphone and delivered a religious sermon to the meeting, encouraging members of the Canadian communities to take a good part in how the hardship facing their people could be addressed. Also addressing the meeting was the deputy chairman of the Ogaden Youth and Students Union, Mr. Maxamud Axmad, who returned on Friday from the session of the OYSU union. Maxamad gave those present at the meeting a lengthy report on the successes with which the youth session concluded and the things the youth achieved over the past year.

After that, Prof. Maxamad Xassan, the chairman of the organising committee for this year's communities conference, was welcomed to the meeting. Prof. Maxamad shared with the Ontario community the decisions that emerged from the meeting held in Edminton by the Albert community.
He informed the public attending the meeting of the role the Albert community will play, both financially and in terms of encouragement, in making this year's conference a successful one. The chairman of the conference organising committee gave the public gathered at the meeting information on what the organising committee has accomplished so far and the stage the preparations have reached, regarding the hotel, the conference venue, and a day on which academic discussion will take place (academic day venue). He told those who came to the meeting how ambitious the conference organisers are about the people of Ontario hosting this year's conference.
Dr. Cabdiraxmaan Yusuf followed Prof. Maxamad and thanked the meeting for how they endured the prevailing cold to attend. He spoke to the public attending the meeting about the work of his agency and how they assist the orphans and the people who are ill or wounded who were harmed in Ogadenia. He also reported on the latest matters in Ogadenia and the information he has, urging those present at the meeting to strengthen the efforts under way to liberate their motherland.

Also delivering a valuable speech at the venue was the chairwoman of the Women's Union, Mrs Xaliima Cabdqaadir, who reminded those who attended the meeting of how much unity needs to be strengthened. The women's chairwoman said that the women of Canada have prepared for this year's communities conference and will take a lion's share in realising the conference. Cibaado Xaaji, who is well known in the region and is a person who strongly supports the struggle and the community, followed Mrs Xaliimo, and when she took the floor the atmosphere of the meeting changed greatly. Mrs Cibaado reported on how the women of Ontario have prepared for this year's conference. Speaking words of exhortation at the venue, she reminded those present that the women alone would shoulder the costs of the conference if the men failed to fulfil the pledges they make.
After the speeches, the floor was opened to the public to put forward their suggestions and any questions they had. Those who got the opportunity put forward good ideas and useful suggestions, which the conference organisers will take into consideration.

The meeting concluded with success and mutual understanding.
ONA/Ontario
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

