Opens in a new tab

Dood Cilmiyeed lagu Qabtay Magaalada Khartoum-Sudan oo Dr. Makii uu Si Qota Dheer uga Hadlay Zanawi

ONA9 September 2012
Read in English

Tariikhu  markay ahayd 8/9/2012 ayaa lagu qabtay xarun lagu magacaabo (Cognitive Center Enlightenment) oo ku taala magaalada Khartoum caasimadda Sudan dood celmiyeed lagaga hadlayay siyaasada Geeska Africa, taas oo ciwankedu ahaa (isbadalka GeeskaAfricakadib Geeridi Zanaawi ).

Waxaa nadwada ama dood celmiyeeda soo jedinahay maamulaha jaamacada Africa (International  University of Africa ) prof Xasan Maki, waxaa kale oo goobjogayaal ka ahaa goobta aqoonyahano badan oo kakala socday jaamacadaha kale ee Sudan iyo xarumaha, iyadoo saxaafaduna ay sawirkeedu uu ilbiriqsi u socday.

Waxaa doodii lagu furay Prof. Xasan Maki oo si aad u qoda dheer ooga hadlay, wuxuuna cadeeyay in wadanka xukunkiisa gacanta oogu jiro 96% Tigray, taasna ay tahay ta keentay in aan la dharin rai’isul wasaaraha. Wuxuu sheegay in Tigray ku tilmameen in Hailemariam xukunka qabto ay afgambi tahay taasna ayna aqbali doonin. Mustaqbalka Itobiya waa mid madaw ayuu yidhi, wayna adag tahay in ay isasii haysato. Tigray mayna ka fikirin mustaqbalka Itobiya ee waxay fiiriyeen oo kaliya siday ooga faai’daysan lahayeen wakhtiga ay haystaan xukunka wadanka.Sidaa darteen buu yidhi; waxaan ku magacaabi karna dawlado isu tagay, waana sida ay ku socoto wayna adagtahay siday isu sii haysato Itobiya. Hadalku wuu dheraa lamana soo kobi karo.

Waxaa kale oo goobta ka hadlay Dr. Azhari  oo ka socday urur lagu magacaabo (Ururka Wadaniyiinta ). Wuxuuna shegay in uuna ka xumayn geerida Zanawi bal uu ku faransanyahay in uu dadka dhaafo Kali-talisyada asaga iyo kuwa lamidka ah loona bahanyahay in la garab istaago muslimiinta Itobiya.

Waxaa sidoo kale si adag ooga hadlay Sheikh Saudi ah oo haya’ad khayri ah haysta laguna magacaabo Sheikh Ibrahiim Al-Xibri. Ugu horayba wuxuu fuulaySudanwuxuuna sheegay in wax laga xumaado tahay inuu arko dad Sudaniyiin ah oo Zanaawi wanaag ku sheegay. Waxaa kale oo hadalkiisi ka mid ahayd in Zanaawi laayay dhaman siyaasiyiinti, xataa kuwii Tigray-ga ahaa ee wadanka la qabtay. Markuu sheikhu ka hadlay dastuurka Itobiya ayuu dhahay; ”lagama hadli karo dastuurka ninkii ka hadlana in la dilo ama la xidho iyo in wadanka uu ka baxsado sadaxdaa mid kamid ah ayuu badayaa. Xeerka u qorana hal qodab oo kamid ah lagumo dhaqmo ama laguma xukumo wadanka. Siduu doono ayuuna u maamuli jiray.” Waxaa kaloo uu sheegay Sheekhu inuu Zanaawi sameeyay wax uu oogu magacdaray dimoqraadiya & axsaab iyo qawmiyaad, waxaa oo dhana kaligii ayaa ahaa, mana banaana in aan ka hadalno oon isku daalino Zanaawi, ayuu ku soo gunaanaday.

Gabagabadii  doodu aad ayay u dheerayd weerarkuna ma yarayn siyaaba kala duwan ayaana looga hadlay waxaana la isku raacay Zanaawi dhagartii uu gaystay ee dhan walba lahayd iyo in ay adagtahay siday isku sii haysato shucuubta Itobiya, taasna ay tahay mid ay oogu tala galeen ururka TPLF.

Waxaa laga yaaba in la qabto malmahan soo socda dood cilmiyeedyo kale oo looga hadlo sidan si ka qoda dheer gaara ahaan arimaha Ogadenia iyo Itobiya si adagna loogu lafa guro.

Wixii ka soo kordha wayno la socon doonaa.

ONA/Khartoum-Sudan

 

La wadaag