Maalintii Sabtida ahayd ayaa ICDS waxaa laga sii daayay wareysi dheer oo meela badan taabanaya oo Dr. Ducale oo ah aqoonyahan wadani ah ay ka qaadeen. Wareysigaa ayuu Dr. Ducaale uga xogwaramay arima badan oo quseeya guud ahaan umadda Somaliyeed gaar ahaan halganka gobanimadoon ee ka socda dalka Ogadenya.
Su’aala badan ayaa laga weydiiyay Dr. Ducaale halganka uu shacabka Somaliyeed ee dagan Ogadenya ugu jiro aaya-ka-yashigiisa wuxuuna ku tilmaamay Dr Ducaale inuu yahay halganka ka socda Ogadenya mid ku abtirsada halgan muddo dheer soo taxnaa oy waajib ku tahay inuu taageero qofkasta oo Somali ah oo leh dareen wadaninmo. Wuxuu Dr. Ducaale sheegay inuu yahay halganka ka socda Ogadenya mid xaq ah, maadaama shacabkaasi uu ku doonayo xoriyadii uu Ilaahay siiyay qofkasta oo banii aadam ah.
Mar la weydiiyay jabhadda ONLF oo hadda halgankaa taariikhiga ah hogaaminaysa inay ku socota jidkii shacabka Somaliyeed ee dagan halkaa gaarsiin lahaa xoriyadooda wuxuu sheegay inay taariikhda xustay inay gaadhayaan umadii u dhaqaaqda halgan gobanimadoon hadaanay iyagu ka daalin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay JWXO ku socoto wadadii lagu yaqiinay halgan gobanimadoon oo xaq ah. Wuxuu ku dheeraaday Dr. Ducaale in dhalinayarada loo yaqaano buu yidhi Raamoole-yaasha ee duurka ku jira ee u badheedhay oonka iyo gaajada ee naftooda u huray inay soo dhiciyaan sharaftii umadda Somaliyeed ay waajib ku tahay qofkasta oo damiir leh inuu taageero. Mar wax laga weydiiyay kuwa taageeraya gumaysiga ee loo yaqaanoDaba-qoodhiga ayuu sheegay inay umad kasta oo gobanimadoon ahayd ay lahaayeen qaar la socda gumaysiga oo u adeegaya, mana ah arintaasi buu yidhi mid wax u tartay gumaysiga. Wuxuu yidhi kuwaasi waa qaar shaydaan uu duufsaday oo iimaan laawayaal ah.
Maamulada ka dhisan Somaliya ayuu ku tilmaamay Dr. Ducaale in aanay ahayn qaar xor u ah inay diidaan waxa ay Itobiya ka dalabto, isagoo raaciyay in hadday diidaan amarka la siiyo ay iyaga qudhooda xabsiga u taxaabayaan. Sidaa darteed waa in loo arkaa buu yidhi dad aan xor ahayn oo Itobiya ay u taliso, mana raacsana buu yidhi shacabka Somaliyeed waxyaabaha ay u fulinayaan gumaysiga Itobiya.
Wuxuu kaloo ka hadlay Dr. Ducaale shirqoolada ay Itobiya u maleegto umadda Somaliyeed iyagoo iska horkeena marwalba oo dhex dhiga shiqaaqo. Wuxuu uga baaqay in laga feejignaado maleesiyada cabdi Ilay ee kolba ku soo duulaya dadka shacabka ah ee xuduudaha dagan oo aan loo aanaynin qabiil oon la odhanin buu yidhi waxay ahaayeen reer hebel. Maleesiyada Cabdi ilay waa ciidan Itobiya u qoran oo loogu talagalay xasuuqa shacabka Somaliyeed ayuu yidhi Dr. Ducaale.
Mar wax laga weydiiyay arimaha Somaliya wuxuu Dr. Ducaale sheegay inay tahay arin lala yaabo inay siyaasiyiinta Somaliya ka dalbadaan Itobiya iyo Kenya inay qaranimadoodii la dhisaan taasoo uu ku tilmaamay inay tahay aqoon darro. Waxaa kaloo uu sheegay in kuwii burburiyay qaranimadii Somaliyeed ee dagaal oogayaasha ahaa ay weli ku jiraan siyaasadda loona soo adeegsado burburinta kolba wixii lagu heshiiyo.
Wareysigan oo aad u dheer arima badanna uu kaga hadlay Dr. Ducaale waxaad ka dhagaysataa ICDS adigoo gujinaya maalinta –Sabti–
ONA.
On Saturday, ICDS broadcast a long, wide-ranging interview it conducted with Dr. Ducale, a patriotic intellectual. In the interview, Dr. Ducaale spoke about many issues concerning the Somali nation in general and the liberation struggle taking place in the country of Ogadenia in particular.
Dr. Ducaale was asked many questions about the struggle the Somali people living in Ogadenia are waging for their self-determination. Dr Ducaale described the struggle taking place in Ogadenia as one rooted in a long-running struggle, and said it is the duty of every Somali with a sense of patriotism to support it. Dr. Ducaale said the struggle taking place in Ogadenia is a just one, since those people are seeking the freedom that God gave every human being.
When asked whether the ONLF front, which is now leading that historic struggle, is on the path that would bring the Somali people living there to their freedom, he said history has recorded that nations that rise up in a liberation struggle achieve their goal as long as they do not tire, and he underlined that the ONLF is on the path known for a just liberation struggle. Dr. Ducaale elaborated that the young people known, he said, as the Raamoole who are in the bush, who have braved thirst and hunger and sacrificed their lives to restore the honour of the Somali nation, must be supported by every person with a conscience. When asked about those who support the colonisers, known as the Daba-qoodhi, he said every nation seeking liberation has had some who side with and serve the colonisers, and that this, he said, has not benefited the colonisers. He said these are people misled by Satan and lacking in faith.
Dr. Ducaale described the administrations established in Somalia as not being free to refuse what Ethiopia demands of them, adding that if they refuse the order they are given, they themselves are dragged off to prison. Therefore, he said, they must be seen as people who are not free and who are ruled by Ethiopia, and, he said, the Somali people do not support the things they carry out for the Ethiopian colonisers.
Dr. Ducaale also spoke about the conspiracies Ethiopia hatches against the Somali nation by constantly setting them against each other and sowing discord among them. He called for vigilance against the militia of Cabdi Ilay, which repeatedly attacks civilians living in the border areas, and said this should not be blamed on a clan nor should it be said, he said, that they were from such-and-such clan. The militia of Cabdi ilay is a force recruited by Ethiopia and intended for massacring the Somali people, said Dr. Ducaale.
When asked about Somali affairs, Dr. Ducaale said it is astonishing that Somali politicians ask Ethiopia and Kenya to help them rebuild their statehood, which he described as ignorance. He also said that the warlords who destroyed Somali statehood are still in politics and are used to wreck whatever is agreed upon each time.
You can listen to this very long interview, in which Dr. Ducaale spoke about many issues, on ICDS by clicking on the day –Saturday-
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.


![]Ducaale1](https://ogadennet.com/wp-content/uploads/2011/04/Ducaale1-150x150.jpg)