
Warbixin ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Eritrea ayaa lagu sheegay in ay dowladda dalkaasi ay dib uga mid noqotay urur goboleedka IGAD, oo ay ka baxday afar sano ka hor.
Eritrea ayaa IGAD ka baxay iyadoo ka biyo diidday waqtigaasi in ururka uu ku guuldarraysatay in uu ciidamada Itoobiya oo xilligaasi ku sugnaa Soomaaliya ka saaro.
Warqad ka timid xafiiska wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea, Osman Saleh oo loo soo diray xoghayaha guud ee ururka IGAD ayaa lagu sheegay in ay Eritrea ku faraxsan tahay in ay mar kale dib u soo noqoto urur goboleedka IGAD.
Sharciga IGAD ayaa qoraya in waddamada xubnaha ka ah ay ururka ka bixi karaan, kuna soo noqon karaan, iyadoo ay Eritrea tahay dalka keliya ee arrintaasi sameeyay.
Itobiya ayaa fursad u heshay intii ay ka maqnayd Eritrea urur goboleedka inay ku shaqaysato ururkaa oo waxyaaba badan oo lid ku ah dalka Eritrea ka saxiixatay, waxaana ugu dambeeyay qoraalka ay sida wadajirka ah ugu qoreen dalalka ku jira Igad Qaramada Midoobay ay ku eedeynayeen Ertirea inay ka dambaysay fal ay sheegatay Itobiya in la maaganaa in lagu qarxiyo shirkii Midowga Afrika ee ka socday Addisababa. Sidoo kale IGAD ayaa u noqday Itobiya shaabad ay ka saxiixato wax kastoo lid ku ahaa dalka Eritrea.
Ku soo noqoshada dalka Eritrea urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa inuu wax weyn ka badali doono qorshihii Itobiya iyadoo xeerka ururka uu dhigayo in go’anada ay ahaadaan mid loo wada dhanyahay suu u ansaxo.
ONA.
A statement issued by the Ministry of Foreign Affairs of Eritrea said that the country's government has rejoined the regional organisation IGAD, which it left four years ago.
Eritrea left IGAD at the time in protest, saying the organisation had failed to remove Ethiopian troops who were then present in Somalia.
A letter from the office of Eritrea's Minister of Foreign Affairs, Osman Saleh, sent to the Executive Secretary of IGAD, said that Eritrea is pleased to once again rejoin the regional organisation IGAD.
The IGAD charter states that member countries may leave the organisation and may rejoin it, and Eritrea is the only country that has done so.
While Eritrea was absent from the regional organisation, Ethiopia had the opportunity to use the organisation to its advantage, and it had many measures against Eritrea signed through it. The most recent was a joint letter written by the IGAD member countries to the United Nations, accusing Eritrea of being behind an act that Ethiopia claimed was a plot to bomb the African Union summit that was taking place in Addis Ababa. Likewise, IGAD became a stamp for Ethiopia, through which it had everything directed against Eritrea signed.
Eritrea's return to the regional organisation IGAD is expected to greatly change Ethiopia's plans, as the organisation's rules stipulate that decisions must be unanimous in order to be adopted.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
